Ku saabsan Golaha Wakiillada Puntland

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waxa la aas-aasay 1998

Dawladda Puntland waxaa la aas-aasay sannadkii 1998 kadib shirar wada-tashi ah oo gaareen Gobolladda Puntland, Goluhu wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood kuwaas oo laga soo doorto Gobollada Puntland si toos ah

Dhismihii Puntland kadib, Golaha waxaa si toos ah shacabka u soo doorteen 1998, 2004, 2009, 2013 iyo 2018. 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee hadda jira ayaa la soo doortay December 2018 muddo shan sanno ah. Janaayo 04, 2019, Goluhu wuxuu doortay Guddoomiye Golaha Wakiillada iyo laba ku-xigeen. Taas waxa ku-xigtay si guul ah oo lagu doortay Madaxweynaha Dawlad Puntland Janaayo 8, 2019.  

Golaha Wakiillada wuxuu door muuqda ku leeyahay dib-u-dhiska dalka, iyo horumarinta hufnaanta, isla xisaabtanka, nabad-galyada muwaadinka iyo Dawlad-wanaagga Puntland iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo si hufan u guta waajibaadkooda sharci-dejinta, Wakiillada, kormeerka iyo xallinta khilaafaadka.

Luqadaha Rasmiga ah ee Goluhu waa Soomaali iyo Carabi.

Golaha Wakiilladu wuxu leeyahay awoodaha iyo xilalka Dib u eegista, ansixinta, diidmada, wax-ka beddelidda iyo curinta xeerarka, ansixinta/diidmada xaalad dagaal iyo meel marinta heshiis nabadeed marka xukuumaddu soo jeediso.

Sidoo kalena, Goluhu wuxuu leeyahay awoodaha ka doodista, kormeeridda, dhaliilidda iyo talo ku biirinta siyaasadda iyo barnaamijyada xukuumada, kormeeridda iyo qiimaynta dhaqangelinta sharciyadda ay Golaha Wakiilladu ansixiyaan.

Goluhu waxay si shakhsi ah, sinnaan ku jirto ku dooranayaa Madaxweyaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland. Marka 1-aad iyo 2-aad waa saddex meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Wakiillada marka 3-aad waa hal dheeri. Doorashada Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, saddex (3) Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland, iyo labada (2) garsoore ee Maxkamadda Dastuuriga ah, iyada oo la raacayo habraaca doorashada ee Golaha.

Sidoo kalena, Oggolaanshaha ama diidmada Xubnaha fulinta ee xasaanad siinta u baahan. In Goluhu cod kala bar lagu daray hal (1/2 +1) tirada xubnaha Golaha ku ansixiyo heshiis amaah qaadasho ee Puntland la gasho amaahiye ajnabi ah. In Goluhu cod kala bar lagu daray hal (1/2 +1) tirada xubnaha ku ansixiyo heshiisyada caalamiga ah ama heshiis ay Dawlada Puntland dhinac ka tahay. 

Ansixinta ama diidmadda degmo ama gobol cusub oo xukuumaddu soo jeediso. Ka doodista, kormeeridda, dhaliilidda iyo talo ku biirinta siyaasadda iyo barnaamijyada xukuumada.

Aragtida

Istaraatiijiyadan ayaa ah mid loogu tallo-galay in lagu xaqiijiyo himilada Golaha Wakiilada oo ah codka dhammaan shacabka Puntland.

Hadafka

Golaha Wakiillada waxay matalaysaa shacabka Puntland waxayna fulisaa awoodeeda dastuuriga ah ee Xeer-dejinta, la socodka iyo la xisaabtanka Dawladda iyadoo kor u qaadeysa rabitaanka shacabka iyada oo ujeedadu tahay in la gaaro nabad, midnimo iyo horumar.

Qiyamka

Kuwan soo socda ayaa ah qiyamka iyo caqiidada udub-dhexaadka ah ee Golaha Wakiilada oo tilmaamaya waxa uu u taagan yahay, waxa keenaya mudnaanta uu leeyahay, iyo waxa haga wada-shaqayntiisa maalinlaha ah ee fulinta himiladiisa si uu u gaaro himiladiisa.

Fariinta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid

“Anniga oo ku hadlaya afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ku soo dhawaada Aqalka Golaha Wakiillada, Goluhu wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood kuwaas oo laga soo doorto Gobollada Puntland si toos ah, sida uu qabo Qodobka 56-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland; Hannaanka Dawladda Puntland waa Baarlamaani, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa dooranaya Golaha Wakiillada, sidoo kale, sida ku cad qodobka 60-aad Farqadiisa 1-aad ee Dastuurka DPL Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa u xil saaran Golaha Wakiillada oo matala shacabka Puntland”.

3Q1A9812