Golaha Wakiilada waxa la aas-aasay sannadkii 1998
Dhismihii Dawladda Puntland kadib, Golaha waxaa si toos ah shacabka u soo doorteen 1998, 2004, 2009, 2013 iyo 2018. 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee hadda jira ayaa la soo doortay December 2018 muddo shan sanno ah. Janaayo 04, 2019, Goluhu wuxuu doortay Guddoomiye Golaha Wakiillada iyo laba ku-xigeen. Taas waxa ku-xigtay si guul ah oo lagu doortay Madaxweynaha Dawlad Puntland Janaayo 8, 2019.
Fariinta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
Mudane, Cabdirisaaq Axmad Siciid
“Anniga oo ku hadlaya afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ku soo dhawaada Aqalka Golaha Wakiillada, Goluhu wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood kuwaas oo laga soo doorto Gobollada Puntland si toos ah, sida uu qabo Qodobka 56-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland; Hannaanka Dawladda Puntland waa Baarlamaani, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa dooranaya Golaha Wakiillada, sidoo kale, sida ku cad qodobka 60-aad Farqadiisa 1-aad ee Dastuurka DPL Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa u xil saaran Golaha Wakiillada oo matala shacabka Puntland”.
Wararka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Garoowe, May 06, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad
Garoowe, May 4, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada oo maanta booqasho shaqo ku tegey Xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa
Garoowe, May 01, 2024: Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay koox horey ugu ciyaari
Garoowe, April 30, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada oo ugu horeyn kormeeray xarunta maxkamadda ciidamada qalabka sida & dambiyada
Guddiyada Golaha Wakiillada
Hagaha Sharciga iyo Kala dambeynta Puntland
Dastuurka Dawladda Puntland
Dastuurka waa hagaha bulshada iyo nidaamka dawladnimo, waa qawaaniin ay khasab tahay in la raaco marka ay bulsho dawladnimo rabto inay hiigsato, Waxaan afti loo qaaday sanadi 2009 markaas uu ka baxay qabyo qoraalki.
Tiirarka ugu muhiimsan ee dastuurku ka koobanyahay waxay kala yihiin :
- Arrimaha Siyaasadda Guud
- Arrimaha Xuduudaha
- Awoodaha Dawliga ah