GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA XOG WAREYSTAY MAXAABIISTA U XIRAN DAMBIYADDA CULUS.

Garoowe, May 4, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada oo maanta booqasho shaqo ku tegey Xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa la kulmay maxaabiista u xiran dambiyada culus, iyagoo ka xog wareystay xaaladooda nololeed iyo tabashooyinka ay qabaan.

Kormeerka Guddiyadda ay mudooyinkii dambe ay ku sameynayeen xaalada Caddaalada iyo dhowrista xuquuqda aadanah ayaa wax badan ka qabsoomay, iyadoo warbixintooda oo dhameystiran la horgeyn doono Kalfadhiga guud Baarlamanka iyo midka Guddiga Joogtad ah.

Xildhibaannada maanta kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Xild. Maxamuud Dhakuul Xirsi iyo Xild. Mowliid Abokor Caafi, waxaana ku wehliyey Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha, Guddoomiyaha & Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

-DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *