62.10: GUDDIGA XUQUUQDA INSAANKA,
HAWEENKA IYO ARRIMAHA QOYSKA

1. La socodka iyo ka warbixinta meel ka dhacyada lidka ku ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Puntland.

2. La socodka arrimaha qoyska iyo horumarinta haweenka.


3. U kuurgelidda dhibaatooyinka haweenka iyo qoyska.


4. Dhiiri gelinta waxbarashada haweenka iyo dhallaanka.

5. U doodista agoomaha iyo ubadka aan waalidka lahayn.

6. Dhiiri gelinta naas-nuujinta iyo nafaqeynta caruurta.

7. La socodka iyo u qareemidda xuquuqda caruurta.

8. La socodka baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda insaanka.