GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO XARUNTA DAMBI BAARISTA PUNTLAND.

Garoowe, April 30, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada oo ugu horeyn kormeeray xarunta maxkamadda ciidamada qalabka sida & dambiyada culus ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamadda, isagoo Guddiyada la wadaagay sida shaqadu u socoto, caqbadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyey arrimaha uu ka hadlay Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo guud ahaan shaqada ay hayaan.

Dhanka kale, Mudenayaasha katirsan Golaha Wakiillada ayaa kormeeray xarunta dhexe dambi baarista Puntland (CID), iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha xarunta, shaqada ay bulshada u hayaan, caqabadaha haysta iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Ugu dambeyn Guddiyadda ayaa kormeeray xafiisyada xarunta dambi baarista halkaas oo ay ka socotay shaqada maalin laha ee dadweynaha loogu adeego.

Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur).

-DHAMMAAD-

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *