62.9 GUDDIGA ARRIMAHA DEEGAANKA IYO KHAYRAADKA DABIICIGA AH

1. Ka talo bixinta la dagaalanka xaalufinta dhirta, xoolaha iyo duur-joogta.

2. Kormeeridda iyo hubinta wax soo saarka kalluumaysiga & beeraha.

3. La socodka, ururinta iyo talo ka bixinta dhibaatooyinka ka jira deegaanka iyo bay’ada.

4. La talinta iyo soo jeedinta tilmaamo ama awaamiir lagaga hortagayo qashin warshadeed halis ah oo lagu qubo badda ama lagu aaso berriga iyo wasakhda hawada doorisa iyo dhammaan waxyaabaha dhaawaca khayraadka dabiiciga iyo cimilada.

5. Kormeeridda hay’adaha u xilsaaran arrimaha deegaanka iyo bay’ada.
6. Ka qayb galka wacyi gelinta dadweynaha ee badbaadada deegaanka iyo bay’adda.

7. Kormeeridda, la socodka iyo ka talo bixinta biyaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

8. Kormeeridda, la socodka iyo ka talo bixinta xaaladda caafimaadka xoolaha.