Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, May 06, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu Guddiga joogtada ah warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyey safar uu tagey magaalada Nairobi, halkaas oo uu kulamo kala dawan kula yeeshay, Ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera horumarinta iyo tayeynta shaqada Baarlamaannada, kulamaas oo ku soo dhammmaday guul iyo is-afgarad.

Dhinaca kale, waxaa warbixin laga dhageystey Guddiyada Shuruucda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Xuquuqada Isaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska iyo Amniga & Nabagelyada Golaha Wakiilada, kuwaaso kormeer ku tagey Maxkamadda Sare Dawladda Puntland, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, Taliska Ciidanka Asluubta, Laanta Dembi-baarista iyo Saldhigyada Garoowe.

Ujeeddada koormeerka oo ahayd uu kuurgelidda adeegyada caddaaladda, la socodka xaaladda maxaabiista iyo xalinta cabashooyinka dadweynaha.

Intaas kadib guddigu waxay isla qaateen in wax qabashada caqabadaha jira wax laga weydiiyo Hay’adaha shaqada ku leh, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Puntland.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *