62.2 GUDDIGA SIYAASADDA, QORSHEYNTA, HORUMARINTA DHAQAALAHA & XIRIIRKA CAALAMIGA
AH

1. La socodka iyo hubinta habka wada shaqeynta DPL iyo dawladda Federaalka.

2. U soo gudbinta Golaha xaaladaha siyaasadeed ee Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka.

3. Hubinta in siyaasadda dawladda tahay mid ka tarjumaysa danaha iyo daryeelka bulshada Puntland.

4. Ka talo ka bixinta siyaasadda iyo istaraatiijiyada wada shaqeynta qeybaha Dawladda.

5. Hubinta iyo ka qeyb galka hawlaha dib loogu dhisayo dalka.

6. Hubinta habsami u socodka Qorshaha dawladda ee xiriirka caalamiga ah.

7. Ka talo ku bixinta dhacdooyinka arrimaha dibada ee ka hor-imaanaya siyaasadda Dawladda Puntland.

8. La socodka siyaasadda dawladda ee ku wajahan socdaalka iyo jinsiyadaha.

9. Ka talo bixinta wax wada qabsiga iyo daris wanaagga maamullada kale iyo wadamada aan dariska nahay.

10. Isku xirka Dawladda Puntland iyo jaaliyadaha dibedda.

11. Xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada caalamiga ah.

12. Ka talo bixinta arrimaha tirakoobka.

13. La socodka iyo ka warbixinta saboolnimada, shaqo la’aanta iyo xaaladda dhaqan dhaqaale ee bulshada.