62.3. GUDDIGA ANSHAXA IYO ARRIMAHA GOLAHA

1. La socodka iyo hubinta habsami u socodka hawlaha Golaha.

2. Ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka suubban ee Golaha.

3. La socodka iyo talo ka bixinta daryeelka xubnaha iyo shaqaalaha Golaha.

4. Ka go’aan qaadashada anshax marinta xubnaha Golaha Wakiillada markii Guddoonku u soo gudbiyo.

5. Tayeynta aqoonta xubnaha Golaha Wakiillada iyo shaqaalaha.


6. Hubinta iyo xaqiijinta xubnaha cusub ee ku soo biiraya Golaha in ay dhammaystireen habraaca sharci ee ay ku timid xubintii ka horeysay.