62.8: GUDDIGA ARRIMAHA BULSHADA, DHAQANKA, WARFAAFINTA IYO ISGAARSIINTA

1. La socodka xaaladaha adeegyada bulshada, caafimaadka iyo waxbarashada.

2. Soo jeedinta dhibaatooyinka arrimaha bulshada ee u baahan in degdeg wax looga qabto.

3. Kormeerka, qiimaynta iyo ka talo bixinta adeegyada bulshada.

4. Hubinta ku barbaarinta ubadka soo koraya dhaqanka suubban iyo mabaadiida Diinta Islaamka.

5. La socodka xaaladda shaqada iyo shaqaalaha.


6. Dhiiri gelinta iyo horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha.

7. Dhiiri gelinta saxaafadda iyo is-gaarsiinta casriga ah.