Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay koox horey ugu ciyaari jirtey magaca SBC.

Garoowe, May 01, 2024: Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay koox horey ugu ciyaari jirtey magaca SBC.

Munaasibad Kooxda kula wareegyeen Golaha Wakiillada oo ka dhacday xarunta Golaha ayaa waxaa ka qeyb-galay, Xil. Cabdicasiis Axmed Saalax Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, Xil. Maxamed Siciid Cali Guddoomiyaha Anshaxa iyo Arrimaha Golaha, Xildh Ibraahim Casayr Gurraase, Guddoomiye ku-xigeen Guddiga Siyasaasadda, Cabdirisaaq Xiddig Warsame Xoghayaha Guud, Hodon Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Guddiga, Guddiga Olompikada Puntland, Xubno ka socdey Xiriirka Kubbada Cagta Guddoonka ciyaaraha ee Gobolka iyo masuulyiin kale iyo Kooxda Ciyaaradaha ku matalaysa Magaca Golaha Wakiillada.

Xildhibaanada ayaa munaasabadda ka soojeediyey in ay muhiim tahay dhiirigelinta iyo horumarinta Dhalintada Puntland, waxayna uga mahadceliyey kooxdan ugu ciyaari jirtey magaca SBC iyo ciyaar wanaagooda iyo mas’uuliyihiinta gacanta ku hayey muddadii ay jireen.

Tartanka Ciyaaraha ayaa xoojiya korna u qaada is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada guud ahaan.

Ugu dambayn Kooxdan ayaa ku ciyaaraysa Magaca Golaha Wakiillada waxayna ka qeyb galayaan tartanta Ciyaaraha heerka 1-aad ee dhawaan ka furmidoona.

– DHAMMAAD –

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *