62.1: GUDDIGA SHURUUCDA, CADDAALADDA, ARRIMAHA DIINTA IYO DASTUURKA

1. Wuxuu ilaalinayaa Dastuurka, Xeerarka Dalka iyo Go’aamada Goluhu ansixiyo.

2. Hubinta in Xeerkii Golahu ansixiyey lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.

3. Ururinta xogaha la xiriira xeerarka aan la hirgelin ama aan sidoodii loogu dhaqmin.

4. Soo jeedinta ciddii jabisa Dastuurka iyo Xeerarka Dalka.

5. Soo jeedinta wax ka bedelka Xeerar Goluhu horey u ansixiyey oo u baahan in wax laga bedelo.

6. Dhiirigelinta arrimaha Garsoorka iyo Caddaalada.

7. Ka warbixinta xaaladaha maxaabiista iyo xabsiyada dalka.

8. Fududaynta xeerarka Golaha la horkeeno

9. Xaqiijinta la dagaallanka anshax xumada iyo mukhaadaraadka.

10. Ka talo bixinta wax ka bedelka dastuurka iyo soo jeedinta is-waafajinta kan federaalka.

11. La socodka iyo ka warbixinta arrimaha Diinta iyo Awqaafta Puntland.