Golaha Wakiillada

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

oosaaso, Oktoobar 11, 2024 – Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, oo ay weheliyaan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dawladda Puntland, ayaa maanta ka qeyb-galay kulan muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta iyo amniga degmooyinka Gobolka Bari.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga iyo horumarinta deegaanada ay deggen yihiin beelaha Cali Saleebaan, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso, Carmo, Qandala, Balidhidin, iyo Isku-shuban.

Madasha waxaa ka soo qeyb-galay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Suldaan Mursal Muuse Koonte, iyo madax kale oo ka tirsan goleyaasha Dawladda Puntland, kuwaas oo shirkan uga qayb galay sidii talooyin wax-ku-ool ah loogu biirin lahaa qorshayaasha horumarinta gobolka.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Hon. Mohamed Baarri Shire, oo hadal ka jeediyay fadhiga, ayaa ku dhiirrigeliyay beelaha Cali Saleebaan inay door muhiim ah ka qaataan horumarinta deegaanadooda, isagoo si gaar ah u xusay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha dawladda si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar joogto ah.

Sidoo kale, xubnihii kale ee ka hadlay madasha ayaa tilmaamay sida beelaha Cali Saleebaan ay diyaarka ugu yihiin inay la shaqeeyaan Dawladda si looga mira dhaliyo mashaariicda horumarineed iyo xoojinta nabadda, iyagoo ka qaybqaadan doona dadaallada ku wajahan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Fadhigan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay Dawladda Puntland ka waddo gobolka Bari, kaas oo ujeedadiisu tahay xoojinta amniga iyo horumarinta degmooyinka, iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la dar-dargeliyo mashaariicda horumarineed iyo taageerada bulshada ku nool deegaanadaasi.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top