Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay furitaanka Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hay’adaha Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 09 Luulyo 2026–Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qayb-galay Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hay’adaha Dowladda Puntland, kaas oo si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Dowladda Puntland. Shirweynaha ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta hirgelinta nidaamka maamul-daadejinta, si kor loogu qaado tayada adeegyada loo fidiyo shacabka. Shirka waxaa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Wasiirrada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Hanti-dhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Agaasimeyaasha Guud, Talisyada Ciidamada Booliiska iyo asluubta, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland. Ajandaha shirweynaha waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey caqabadaha horyaalla dawladaha hoose, iyadoo diiradda la saaray xoojinta hirgelinta maamul-daadejinta, horumarinta adeegyada caddaaladda, kobcinta dakhliga dawladaha hoose, adkaynta amniga iyo kor u qaadista awoodda maamul iyo maaliyadeed ee degmooyinka. Doodaha iyo falanqaynta laga yeeshay qodobadaasi waxay horseedeen talooyin iyo hindise-yaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo tayada adeegyada bulshada, wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dhismaha maamul hufan oo waara. Guddiyada Golaha Wakiillada ee ka qayb-galay shirweynaha ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan natiijooyinka kormeeradii Golaha Wakiilladu ku sameeyey degmooyinka Puntland. Warbixinnadu waxay iftiimiyeen heerka adeegyada ay bixiyaan dawladaha hoose, caqabadaha jira iyo baahiyaha mudnaanta u leh in wax laga qabto. Guddiyadu waxay sidoo kale soo jeediyeen talooyin lagu xoojinayo hirgelinta maamul-daadejinta, tayeynta adeegyada bulshada, kobcinta dakhliga dawladaha hoose iyo dardargelinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda, si xal waara loogu helo caqabadaha lagu ogaaday kormeerada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, oo shirweynaha ka jeediyey khudbad, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay tayeynta adeeg-bixinta dawladaha hoose iyo xoojinta nidaamka maamul-daadejinta. Waxa uu xusay in Golaha Wakiilladu, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee xeer-dejinta, matalaadda shacabka iyo la-xisaabtanka hay’adaha fulinta, uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta dawladaha hoose iyo dhismaha hay’ado awood u leh inay si hufan ugu adeegaan bulshada. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiilladu uu ansixiyey xeerar muhiim u ah nidaamka dawladaha hoose, isla markaana guddiyada Golaha ay si joogto ah u fuliyaan kormeerro iyo dabagal lagu qiimeeyo adeegyada ay bixiyaan degmooyinka, caqabadaha jira iyo baahiyaha u baahan in wax laga qabto. Waxa uu xusay in natiijooyinka kormeeradaasi ay muujinayaan baahida loo qabo in la sii xoojiyo awoodda maamul iyo tan dhaqaale ee dawladaha hoose, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una gaarsiiyaan bulshada adeegyo tayo leh. Gebagebadii, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu muujiyey rajada uu ka qabo in shirweynahani uu ka soo baxo go’aanno iyo talooyin wax-ku-ool ah oo gacan ka geysanaya xallinta caqabadaha jira, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta dawladaha hoose iyo hirgelinta nidaam dowladeed ku dhisan isla xisaabtan, hufnaan iyo adeeg bulsho oo tayo leh. DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay furitaanka Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hay’adaha Dowladda Puntland. Read More »

ka dooddista waxka bedelka xeerka Degmooyinka iyo dhismaha Dawladaha Hoose

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟓 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo Ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟎-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞 𝐞𝐞 Dawladda 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝. Ugu horayn 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 ayaa Golaha u soo jeediyay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan wax-ka-baddelka xeerka. Intaas kadib, Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚, 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 xeerka, iyadoo la qorsheeyay in dooddu ay sii socoto fadhiyada dambe. DHAMMAAD

ka dooddista waxka bedelka xeerka Degmooyinka iyo dhismaha Dawladaha Hoose Read More »

Fadhiga 7-aad ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟑 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Ajandaha fadhiga Maanta Xasaanadsiinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanadda Golaha Wakiillada. Ugu horrayn, qaar ka mid ah Wasiirrada la magacaabay ayaa Golaha la wadaagay taariikh-nololeedkooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Ugu dambayn, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xasaanadda qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada. Xasaanadda ayaa waxaa oggolaaday 52 Mudane, waxaa diiday 4 Mudane, halka 2 Mudane ay ka aamuseen. DHAMMAAD

Fadhiga 7-aad ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟔-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟐 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟔-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii-wadista dhageysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada DPL. Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :- 1- Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga. 2- Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. 3- Dhagaysiga warbixinnada Kormeerka xildhibaannadu ay ku tagey Degmooyinka katiran Gobollada Karkaar, Mudug iyo Nugaal. Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay. DHAMMAAD

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟔-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟏 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii-wadista dhageysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada DPL. Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :- 1- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada. 2- Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. 3- Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay. Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona dhageysiga warbixinnada Guddiyada Joogtada ah. DHAMMAAD

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 4-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 20 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 4-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii-wadista dhageysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada DPL. Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :- 1-Guddiga Arimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. 2-Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay. Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona dhageysiga warbixinnada Guddiyada Joogtada ah. DHAMMAAD

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 4-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟏𝟖 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa dhageysiga Warbixinta Guddiga Joogtada ah Iyo Warbixinnada Guddiyada Golaha ee Golaha Wakiillada DPL. Intaas kadib, waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :- 1. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. 2. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. 3. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. 4. Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay. Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona dhageysiga warbixinnada Guddiyada Joogtada ah. DHAMMAAD

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓8-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 17 June 𝟐𝟎𝟐6 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire , iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓8-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray 𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓8-𝐚𝐚𝐝, iyadoo loo marayo habraaca uu qeexayo Qodobka 42-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Intaas kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u guda galay doodda iyo ansixinta Ajandayaasha, waxaana ugu dambeyn ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 58-aad. Ajandaha la ansixiyay ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa Xildhibaannada Golaha maalinta berri oo ku beegan 18ka Juun 𝟐𝟎𝟐6, si loo guda galo ajandayaasha ku xusan. DHAMMAAD –

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓8-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada. Read More »

Xildhibaan Khadar Faarax Maxamed oo ka qayb galay furitaanka kal-fadhiga 58-aad ee golaha wakiillada Puntland.

Xildhibaan Khadar Faarax Maxamed, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa ka qayb galay furitaanka Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Kalfadhigan ayaa si rasmi ah u furmay, iyadoo lagu guda geli doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, oo ay ka mid yihiin dejinta sharciyada, kormeerka hay’adaha dowladda iyo matalaadda shacabka Puntland.

Xildhibaan Khadar Faarax Maxamed oo ka qayb galay furitaanka kal-fadhiga 58-aad ee golaha wakiillada Puntland. Read More »

Furitaanka Kal-fadhiga 58-aad Ee Golaha.

Garowe, 15 June 2026- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa goob joog ahaa Furitaanka Kal-fadhiga 58-aad Ee Golaha. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Guud, Xubno katirsan Garsoorka, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, Qusulka Ethopia, hay’ado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay Waxqabadkii Golaha ee mudada labada kala fadhi,doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo samaynta korjoogtaynta iyo gaarista Dadweynaha iyo qorshasha kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horjeediyey Golaha waxqabadka Xukuumadda muddadii u dhaxayasey labada kalfadhi, islamarkaana si rasmi u furay Kal-fadhiga 58-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. DHAMMAAD –

Furitaanka Kal-fadhiga 58-aad Ee Golaha. Read More »

Scroll to Top