Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland.

Garoowe, October 21, 2026 – Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulan shaqo la qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland. Kulanka oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Dhahar, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha shaqada iyo bulshada, iyadoo xubnaha guddigu ay suโ€™aalo la xiriira waajibaadka iyo howlaha wasaaradda weydiiyeen masuuliyiinta wasaaradda. Dhankooda, masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka jawaabay suโ€™aalihii ay guddigu soo bandhigeen, iyagoo faahfaahin ka bixiyey howlaha iyo adeegyada wasaaraddu u hayso bulshada. Kulankan ayaa qayb ka ah waajibaadka kormeer iyo dabagal ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqada hayโ€™adaha dowladda iyo gudashada waajibaadkooda. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland. Read More ยป

Guddiga loo xilsaaray qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay jaamacadaha Puntland.

Garoowe, 19-ka Oktoobar 2026 โ€” Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumaddu, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay jaamacadaha Puntland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo aqoonyahanka jaamacadaha ay soo bandhigeen aragtiyahooda, talooyinkooda iyo soo-jeedimahooda ku aaddan wax-ka-beddellada ay u arkaan in lagu sameeyo hindisaha. Ugu dambayn, kulanku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Guddiga Gaarka ah ee ku aaddan ballaarinta wadatashiyada iyo ururinta aragtiyaha qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo hannaan wadatashi oo loo dhan yahay, loona tixgeliyo talooyinka iyo soo-jeedimaha daneeyayaasha. DHAMMAAD

Guddiga loo xilsaaray qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay jaamacadaha Puntland. Read More ยป

Golaha wakiillada puntland oo qabtay kulan heersare ah oo ku saabsan u-qareemida iyo ilaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Garoowe, Puntland โ€“ 13 Oktoobar 2026: Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabtay kulan heer-sare ah oo diiradda lagu saaray u-qareemidda, ilaalinta xuquuqda iyo wax-ka-qabashada caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Puntland. Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey Golaha Wakiillada, waxaana ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Golaha, Guddiga Gaarka ah ee Goluhu u xilsaaray u-kuurgelidda xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, masโ€™uuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Puntland ; Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, Amniga, Hawlaha Guud, Qorshaynta, iyo Madaxtooyada iyo sidoo kale wakiillo ka socday dalladda bulshada rayidka ah, dalladaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo xarumaha u adeega bulshadaas. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd soo bandhigidda natiijooyinka kormeerka iyo u-kuurgelidda uu Golaha Wakiilladu ku sameeyey xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, falanqaynta caqabadaha haysta iyo isla-xisaabtanka hayโ€™adaha ay khusayso, si loo helo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqdooda iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah. Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaddibna Guddiga Gaarka ah ee loo xilsaaray hawshan ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijooyinka kormeerka, duruufaha iyo caqabadaha ay la kulmaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo talooyinka iyo goโ€™aamada Golaha ee ku aaddan wax-ka-qabashada arrimahaas. Sidoo kale, wakiillada dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa madasha ku soo bandhigay aragtiyahooda, waayo-aragnimadooda iyo talooyinkooda ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqdooda, karaamadooda, ka-qaybgalka buuxa ee bulshada iyo helitaanka adeegyo waafaqsan baahiyahooda. Masโ€™uuliyiinta Wasaaradaha ka qaybgalay ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno la xiriira adeegyada ay hayโ€™adahoodu u fidiyaan bulshadaas, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyadaasi. Falanqayn qotodheer kaddib, waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay in talooyinka iyo goโ€™aamada Golaha Wakiillada loo beddelo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo la fulin karo, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta, isku-duwidda iyo isla-xisaabtanka hayโ€™adaha ay khusayso. Qodobada mudnaanta leh ee kulanka lagu adkeeyey waxaa ka mid ah: 1. In Dowladda Puntland mudnaan gaar ah siiso ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo baahiyaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, lana dardargeliyo diyaarinta iyo meelmarinta xeer gaar ah oo nidaaminaya daryeelkooda, taakulayntooda iyo ilaalinta xuquuqdooda, si waafaqsan Qodobka 34-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. 2. In la helo cid si gaar ah ugu xilsaaran u qareemidda, Ururinta xogaha, ilaalinta xuquuqda, daryeelka iyo adeeg bixinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo agoomaha Puntland. 3. In Wasaaradda Maaliyaddu mudnaan siiso sii-daynta qoondada miisaaniyadeed ee loogu talagalay daryeelka iyo taakulaynta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, lana xaqiijiyo in dhaqaalahaasi si hufan ugu baxo ujeeddooyinkii loo asteeyey. Sidoo kale, in la xoojiyo taageerada maaliyadeed, agabka iyo adeegyada ay u baahan yihiin xarumaha daryeelka, lana sameeyo kormeer joogto ah oo lagu qiimeeyo tayada adeegyada ay bixiyaan. 4. In Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashadu xoojiyaan adeegyada caafimaad iyo waxbarasho ee ku habboon baahiyaha gaarka ah, lana xaqiijiyo helitaanka xarumo caafimaad oo dowladeed iyo fursado waxbarasho oo loo dhan yahay, si carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u helaan adeegyo tayo leh oo daboolaya baahiyahooda. 5. In Dowladda Puntland astayso maalin qaran oo u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si kor loogu qaado wacyiga bulshada, loona xoojiyo fahamka xuquuqdooda, isla markaana looga hortago faquuqa, takoorka iyo caqabadaha hortaagan ka-qaybgalkooda buuxa ee nolosha bulshada. 6. In Wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, dalladaha iyo xarumaha u adeega dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-duwidda adeegyada. Sidoo kale, in dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo ururradooda si toos ah looga qaybgeliyo diyaarinta siyaasadaha, xeerarka iyo qorshayaasha khuseeya xuquuqdooda, baahiyahooda iyo noloshooda. 7. In Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, isaga oo adeegsanaya guddiyada ku shaqada leh, uu la socdo fulinta talooyinka iyo goโ€™aamada laga soo saaray kulanka, qiimeeyo tallaabooyinka ay Xukuumadda iyo hayโ€™adaha kale ee ay khusayso qaadaan, isla markaana la helo warbixinno muujinaya heerka fulinta, natiijooyinka la gaaray iyo caqabadaha u baahan wax-ka-qabashada. Gunaanad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland wuxuu adkaynayaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, xaqiijinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo suurtagelinta ka-qaybgalka buuxa ee bulshada. Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in hayโ€™adaha dowladda, bulshada rayidka ah, dalladaha iyo xarumaha u adeega bulshadaasi ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-duwidda dadaallada, si talooyinka iyo goโ€™aamada laga soo saaray kulanka loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka taraya duruufaha iyo caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Golaha wakiillada puntland oo qabtay kulan heersare ah oo ku saabsan u-qareemida iyo ilaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Read More ยป

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada Maxkamada Sare ee Puntland.

Garoowe, October 11, 2026 โ€” Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada ee Garoowe Maxkamada Sare ee Puntland. Kulankan ayaa qayb ka ahaa hawlaha la-tashiyada ballaaran ee uu Guddiga Gaarka ahi la yeelanayo hayโ€™adaha dowladda, Xisbiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka. Gudoomiyaha Guddiga Gaarka ah Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi ayaa uga mahadceliyey Maxkamada Sare ee Puntland ka-qaybgalka kulanka, doorka ay ka qaateen wada-tashiga iyo talooyinka ay soo jeediyeen. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada Maxkamada Sare ee Puntland. Read More ยป

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC).

#Garoowe, October 7, 2026 โ€” Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland u qaabilsan falanqaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay soo jeediyeen Golaha Xukuumaddu ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada ee Garoowe kulan wadatashi ah la kula yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Kulanku wuxuu qayb ka yahay la-tashiyada uu Guddiga Gaarka ahi la yeelanayo hayโ€™adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay qodobbada hindisaha ee khuseeya doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland. Intii kulanku socday, Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa la wadaagay aragtiyihiisa, talooyinkiisa iyo waayo-aragnimadiisa ku saabsan nidaamka doorashooyinka Puntland. Xogta iyo talooyinkaas ayaa kaalin ka qaadanaya falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka. Guddiga Gaarka ahi wuxuu uga mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka (PEC) Puntland ka-qaybgalka kulanka iyo talooyinka ay soo jeedisay. La-tashiyada hayโ€™adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sii socon doona, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hindisaha. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Read More ยป

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kormeer ku maray Degmada Xaafuun.

Xaafuun, 9 September2026 โ€“ Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, oo qayb ka ah wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha, dekeddii hore, Raasiga Xaafuun oo ah cirifka ugu dambeeya qaaradda Afrika, Ceelka Shidaalka Iyo Goobo kala duwan oo taariikhi ah oo ku yaalla Degmada Xaafuun, Gobolka Bari. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kormeer ku maray Degmada Xaafuun. Read More ยป

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aadee Golaha Wakiillada Puntland ayaa qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Muโ€™asasada Al-Minhaaj.

Garoowe, 9 September 2026 โ€“ Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta ka qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Muโ€™asasada Al-Minhaaj, oo looga hadlay dib-u-heshiisiinta, musalaxada, nabadda iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Shirweynaha waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhibaanno, Wasiirro iyo xubno sare oo ka tirsan Dowladda Puntland, kuwaas oo qayb ka qaatay doodaha iyo aragti-is-weydaarsiga ku saabsan nabadaynta, wada-hadalka iyo xoojinta wadajirka bulshada. Guddoomiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyey shirweynaha ku adkeeyey muhiimadda ay dib-u-heshiisiintu u leedahay nabadda iyo xasilloonida bulshada, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee culimada, hayโ€™adaha madaxa-bannaan iyo bulshada ay ku leeyihiin xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta. Waxa uu sidoo kale madaxda Muโ€™asasada Al-Minhaaj ku booriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin hayโ€™adaha Dowladda, isagoo caddeeyey in Golaha Wakiillada Puntland uu taageerayo dhammaan dadaallada horseedaya nabad, wada-hadal, is-cafis iyo isku-soo-dhawaanshaha bulshada Soomaaliyeed. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aadee Golaha Wakiillada Puntland ayaa qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Muโ€™asasada Al-Minhaaj. Read More ยป

Fadhiga 22-aad ee kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo Ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland Ugu horreyn, Guddiga Gaarka ah ayaa Golaha la wadaagay warbixintooda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, taas oo ku salaysan arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta, si loo waafajiyo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee Puntland. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 41 mudane, Diidmo majirin, waxaa ka aamusay 4 Mudane , waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta Xukuumadda ee ku aaddan wax-ka-bedelka si waafaqan 139 ee Dastuurka Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga 22-aad ee kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More ยป

Fadhiga 21-aad ee kalfadhiga 58-aad Golaha wakiillada Puntland

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ— ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhiga maanta wuxuu ajanduhu ahaa Ka doodista Siyaasadda Dawladda Puntland ee ku aaddan arrimaha Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha marxaladda kala-guurka. Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday ilaalinta danaha Puntland, habraacyada lagu wajahayo marxaladda kala-guurka, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland, isla markaana ilaalinaysa danaha iyo maslaxadda shacabka Puntland. Sidoo kale,waxaa si qoto dheer xildhibaannadu uga doodeen in mas’uuliyiinta Fedeaalka Soomaaliya in aysan ka shaqeynta maslaxadda umadda Soomaaliyeed, balse ay ku hawlan yihiin isku dirka iyo iska horkeenka bulshada Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Xildhibaannadu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo isku-duubnida shacabka iyo Dowladda Puntland. Sidoo kale, waxay ku baaqeen in si wadajir ah looga hortago loogana feejignaado wax kasta oo wax u dhimi kara Aminga, midnimada, xasilloonida iyo danaha Dowladda Puntland . Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah Ee Golaha u xilsaaray soo ururinta doodaha, aragtiyaha iyo talooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaannadu iyagoo dib-u-eegis ku samayn doona qodobada la isku raacay iyo talooyinka la soo bandhigay, ka dibna dib ugu soo gudbin doona Golaha,si loogu beddelo goโ€™aan Gole. DHAMMAAD

Fadhiga 21-aad ee kalfadhiga 58-aad Golaha wakiillada Puntland Read More ยป

๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland.

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ– ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo Ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, , ayaa maanta shir guddoomiyey ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2025 ee Puntland. Ugu horrayn waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐๐ค๐š Golaha Wakiillada ee ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›-๐ฑ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐-๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“. Intaas ka dib, Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku Meelmariyeen ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2025 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Waxaa Oggol ugu codeeyay 32 mudane, waxaa diiday 4 mudane , halka ay ka aamuseen 4 mudane. DHAMMAAD

๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland. Read More ยป

Scroll to Top