February 2024

Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi.

Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Cabdulaahi Libaaxe, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland iyo xubno kale ayaa deegaanka Ceelaadhir ka dhagax dhigay xarunta Xanaanada Xoolaha, taas oo markii ugu horeysay halkaas laga hirgalinayo, islmarkaana qaabilsan caafimaadka & daaweynta Xoolaha. Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa dhagax dhigay dayactir iyo …

Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi. Read More »

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah.

Carmo, February 25, 2024: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo laga soo soosaaray go’aanno lagu soo afjarayo colaadii dhacday. Waxaa sidoo kale madasha kasoo qayb galay qaar kamid ah isimmada Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda, marti …

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Save the Children.

Garoowe, February 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda DPL, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Save the Children oo uu hoggaaminayey madaxa Xafiiska hay’adda Save Children ee Puntland Maxamed Cabdulqaadir Siciid. Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqeynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Hay’adda Save the Children iyo guud ahaan …

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Save the Children. Read More »

Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Garoowe, February 22, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, Taliye ku-xigeenka iyo Hoggaanada Ciidanka Booliska. Intaas kadib Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad …

Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe. Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Febraayo 22, 2024: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2-aad. Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd in ay dulmar guud ku sameeyaan Xeerarka Puntland, laga soo bilaabo 1998 ilaa 2023, iyagoo mid mid u dul-istaagay Xeerarka la sameeyey muddadaas. Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Dhakuul Xirsi oo soo xiray …

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska.

Garoowe, Febraayo 21, 2024: Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer ka dib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo muddada dhow. Guddoomiyaha Guddiga Xild. Mowliid Abokor Caafi oo soo xiray kulanka, …

Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska. Read More »

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Febraayo 20, 2024: Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorsheyaasha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow. Guddoomiyaha Guddiga Xild. Cabdiweli Yuusuf Warsame soo …

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiyaha Golaha wakillada ayaa Aqalka wakiillada ku Qaabilay Wefdi Ganacsato.

Garoowe, February 20, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa aqalka Wakiillada ku qaabilay wefdi ganacsato ah oo uu hoggaaminayo Xuseen Xaaji Axmed oo ka mid ah Milkiilayaasha Shirkadda Mandela Group ee dalka Uganda kuwaasi oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland. https://t.me/parliamentofpl – DHAMMAAD –

Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Febraayo 19, 2024: Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga,.waxaana ka qeyb-galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorsheyaasha hortebinta …

Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha.

Garoowe, Febraayo 17, 2024: Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow. Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Siciid Cali (Qoslaaye) oo soo xiray kulanka, ayaa xubnaha Guddigu …

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha. Read More »