Garowe, 20 Oktoobar 2025- ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐๐๐ก๐, ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Xarunta Golaha, kulankaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee arrimaha gudaha dalka.
Kulanka, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan CabdirisaaqJaamac Aadan, ayaa lagu falanqeeyey warbixino laga soo ururiyey gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo la xiriira xaaladda amni, maamul, iyo horumarka adeegyada dadweynaha. Warbixinahaasi waxay xambaarsanaayeen xogo dhabta ah oo laga keenay shacabka iyo masโuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Guddigu ugu jiro la socodka iyo korjoogtaynta xaaladaha dhabta ah ee ka jira gudaha .
Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah loogu lafa-guray diyaarinta qorshaha shaqo ee Guddiga ee Kalfadhiga 57-aad ee soo socda, iyadoo la isla meel dhigay arrimaha mudnaanta leh ee u baahan in si gaar ah loo eego mudada kalfadhigaasi.
Guddigu waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hayโadaha dowladda iyo ka goโnaanshiyaha Golaha Wakiillada in si hufan loo fuliyo waajibaadka dastuuriga ah ee saaran Guddiga Arrimaha Gudaha.
Gabagabadii kulanka ayaa Guddigu ku balamay in la sii wado shaqada iyadoo kulamo lala yeelanayo Hay,adaha Kala duwan ee uu guddigu kor joogtaynta ku leeyahay.
DHAMMAAD โ

