Golaha Wakiillada

June 2025

Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 30 June 2025 โ€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—น๐—น๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ iyo ๐–๐š๐ฌ๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐๐š,๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐๐š Dowladda Puntland. Wasiirrada, Agaasimayaasha, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin. DHAMMAAD โ€“

Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More ยป

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 28 June 2025 โ€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta ๐‘พ๐’‚๐’”๐’‚๐’‚๐’“๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ฟ๐’‚๐’๐’๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฟ๐’๐’๐’๐’‚๐’‰๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘พ๐’‚๐’”๐’‚๐’‚๐’“๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’Ž๐’‚๐’“๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ฏ๐’‚๐’˜๐’†๐’†๐’๐’Œ๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘จ๐’“๐’“๐’Š๐’Ž๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ธ๐’๐’š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’๐’˜๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…. Wasiirrada, Agaasimayaasha,Xiriiriyaha Maxjarrada, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin. DHAMMAAD โ€“

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More ยป

Fadhiga 9-aad ee kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafint, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland. Wasiirrada, Agaasimayaasha Guud,Maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha iyo Tamarta, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin. DHAMMAAD โ€“ Wixii faah-faahin ah kala xiriir

Fadhiga 9-aad ee kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL Read More ยป

Fadhiga 8-aad ee kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, 24 June 2025 โ€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland. Wasiirrada, Agaasimayaasha Guud, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin. DHAMMAAD

Fadhiga 8-aad ee kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL Read More ยป

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 23 June 2025 โ€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, waxaana Golaha hortagay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Wasiirka wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiin la socday ayaa Golaha horgeeyey warbixin ku saabsan shaqada wasaaradda, guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddu u xil saaran tahay. DHAMMAAD โ€“

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More ยป

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 21 June 2025 โ€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa Xasaannadsiinta masuuliyiinta u baahan xasaannadda Golaha Wakiillada. Goluhu wuxuu Maanta buuxiyey kursiga Aqalka Sare ee ku metelayey Puntland kaas oo uu ka geeriyooday Senatar hore Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxana uu Golaha cod aqlabiyad ah ku doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley in uu buuxiyo kursigaasi. Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale khudbad sharafeed ka jeediyey Golaha Xildhibaan Samakab Hussein, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xiriirka Puntland iyo Maraykanka, isla markaana dhiirrigeliyey wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha. DHAMMAAD โ€“

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More ยป

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada

Garoowe, Juun 19, 2025 โ€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii wadista dhageysiga warbixinnada Guddiyada Golaha, ayaa waxaa warbixin ka jeediyey Golaha Guddiga. 1. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga. Sidoo kale, Guddiyada gaarka ah ee safarrada shaqo ku tegay gobollada Bari, Sanaag iyo Mudug ayaa iyaguna warbixino dhameystiran ka hor akhriyey Golaha, kuwaas oo la xiriira xaaladaha bulsho, amni, adeegyada aas-aasiga ah iyo baahiyaha ka jira deegaanadaas. DHAMMAAD โ€“

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Read More ยป

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Dhegeysiga warbixinada Gudiyada.

Garoowe: June 17, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiyaha ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire & ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) ๐‘ฎ๐’–๐’…๐’…๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘บ๐’‰๐’–๐’“๐’–๐’–๐’„๐’…๐’‚ ๐‘ช๐’‚๐’…๐’…๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚, ๐‘จ๐’“๐’“๐’Š๐’Ž๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ซ๐’Š๐’Š๐’๐’•๐’‚ & ๐‘ซ๐’‚๐’”๐’•๐’–๐’–๐’“๐’Œ๐’‚. 2) ๐‘ฎ๐’–๐’…๐’…๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐’“๐’“๐’Š๐’Ž๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ฎ๐’–๐’…๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ญ๐’†๐’…๐’†๐’“๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ซ๐’Š๐’Ž๐’–๐’’๐’“๐’‚๐’‚๐’…๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’…๐’‚ 3) ๐‘ฎ๐’–๐’…๐’…๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐’๐’”๐’‰๐’‚๐’™๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘จ๐’“๐’“๐’Š๐’Ž๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ฎ๐’๐’๐’‚๐’‰๐’‚. 4) ๐‘ฎ๐’–๐’…๐’…๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘ฟ๐’–๐’’๐’–๐’–๐’’๐’–๐’ ๐‘ฐ๐’๐’”๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚, ๐‘ฏ๐’‚๐’˜๐’†๐’†๐’๐’Œ๐’‚ & ๐‘จ๐’“๐’“๐’Š๐’Ž๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ธ๐’๐’š๐’”๐’Œ๐’‚ Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. DHAMMAAD โ€“ Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Dhegeysiga warbixinada Gudiyada. Read More ยป

Fadhiga 2-aad ee Kal fadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: June 16, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1aad iyo ku-xigeenka 2aad ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kal-fadhiga 56aad Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah Kal-fadhiga 56-aad ee Goluhu ku shaqeyn doono, muddada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadku, kaasoo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan maalinta berri ah (17.06.2025). DHAMMAAD โ€“ Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee Kal fadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More ยป

Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,Munaasabadda furitaanka.

Garoowe, 15 June 2025 โ€“ Waxaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Garoowe Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, Diblumaasiyiin, hayโ€™ado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hayโ€™adaha dowladda iyo horumarinta awoodda xafiisyada Golaha. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisa Dastuuriga ah ku furay si rasmi ah Kal-fadhiga 56-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. DHAMMAAD โ€“

Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,Munaasabadda furitaanka. Read More ยป

Scroll to Top