Golaha Wakiillada

July 2022

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aa..

Garoowe, Luulyo 30, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa; 1. Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021 2. Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada &Tacliinta Sare DPL 3. Ansixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPEC 4. Dhageysiga Warbixinta Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad 5. Ansixinta Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillad DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku hayey, akhriska 2-aad-na ku samaynayey Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021, sida uu qabo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda, kadib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL, Guddiga ayaa Odoraska miisaaniyadda sannadka 2021 ee Goluhu ansixiyey ku sheegay in laga filayey gudaha lacag dhan $94,085,580, waxaase dhab ahaan u soo xarooday $79,170,096, una dhiganta 84.15% waxaana muuqda is-dhin han $14,915,484 una dhiganta 15.85% Sidoo kale, waxaa jira lacag laga filayey Mashriicda Bangiga Adduunka oo Odoroskiisu ahaa $27,556,092, waxaana ka soo xarooday $14,213,358 iyadoo is-dhinku yahay $13,342,734 in la waayey filashadii Mashriicda Bangiga Adduunka ee 2021, Xisaab-xirka waxaa loo diyaariyey hab waafaqsan nidaamka Xisaabaadka kaashka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash Basis, Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 36 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 9 xubnood sidaas ayey ansax ku noqtay Xisaab-xirka 2021. Xasaannad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarshadda & Tacliinta sare DPL Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana), Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee DPL Cabdirxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana) ayaa Golaha ka hor-yimi si uu helo Xasaanadda shaqo, isaga oo ka hor-akhriyey taariikhdiisa shaqo, waxbarasho iyo waayo-aragnimo, Kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xildhibaan, Diidmo & Aamus toona ma jirin, Xildhibannada ayaana wasiir ku-xigeenka Waxbarasharadda iyo Tacliinta sare cod wadar-oggol ah ku oggolaaday. Dhanka kalena, waxaa Fadhiga maanta Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland hor-yimi Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland kuwaa oo kala ahaa, 1. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac (Dayax) 2. Mahad Bashir Nuur 3. Maxamuud Yaasiin Mohamed Aw Cali Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka ayaa Golaha ka horjeediyey taariikhdooda, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin xilka loo magacaabay. Intaa kadibna, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xubnood, waxayna sidaa ku heleen codka kalsoonidda. Sidoo kalena, Golaha waxaa hor-yimi Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad Labada Guddiyadda ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta shaqooyinka loo xil-saaray, waxayna Golaha ka codsadeen inay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah, maadama la gelayo maalmaha fasaxa ee Xuska sannad-guuradda 24aad ee aas-aaska Dawladda Puntland,waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xildhibaan, sidaas ayaana Golaha ugu codeeyay inuu Kalfadhiga 50aad wakhti dheeraad ah lagu daro siina furnaado illa inta laga soo dhammeystirayo Maxkamadda Sare iyo Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad. Ugu dambeyntii, Waxaa Golaha lala wadaagay warqad codsi ah oo Madaxweynaha DPL ku codsanayey IIbka dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe kaas oo cabirkiisu dhan yahay 30X90 laguna iibiyo tartan furan sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 52aad farqadiisa 3aad, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 5 Xildhibaan, Diidmo 27, Aamus 11, Golaha Wakiillada ayaana sidaa ku diiday Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe. Fadhiga maanta ayaa waxaa ka qeyb-galay Arday ka soctay 15 Dugsi oo ku yaal guud ahaan Goboladda Puntland si ay wax uga oggaadan shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aa.. Read More »

MP. Ahmed’s Bashir Askar Bio

MP. Ahmed Bashir Askar is a member of Puntland Parliament Affairs Comnittee, one of the Federal states in Somalia. He was born and raised in the city of Bosaso, which is located on the northern coast of Somalia. Prior to his involvement in government, MP.Ahmed worked in a humanitarian organization in Bosaso, where he contributed to providing aid and support to vulnerable communities in the region. MP. Ahmed Bashir Askar is also known for his activism in promoting social change in his community. He has been involved in various initiatives aimed at promoting peace, reconciliation, and education in the region. His work as a social activist has earned him respect and recognition from the local community. In 2022, MP. Ahmed Bashir Askar was elected as a member of the Puntland Parliament, where he represents his constituency and contributes to the legislative process of the state. As a parliamentarian, he is committed to promoting the interests of his constituents and working towards the development of his region. Overall, MP. Ahmed Bashir Askar is a dedicated public servant who has worked tirelessly to improve the lives of people in his community. His experience in humanitarian work and social activism has equipped him with the skills and knowledge necessary to contribute to the development and progress of his region. Contact Email: mpahmedaskar@puntlandparliament.comNumber: +252-907798349

MP. Ahmed’s Bashir Askar Bio Read More »

Scroll to Top