Golaha Wakiillada

October 2022

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo maanta Booqday Galdogob iyo Bursaalax ( SAWIRO)

Bursaalax: 14,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta Booqday Degmooyinka Galdogob iyo Bursaalax ee Gobolka Mudug. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha, ayaa ugu horeyn booqday mashruuca Wadada isku xira Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bursaalax oo dhisme uu ku socdo, ayna iskaashanaayan Dadka Deegaanka & Dawladda Puntland. Guddiyada ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada iyo Engneerada gacanta ku haya mashruucan oo wax ka badan ka tari doona isku socodka Degmada Bursaalax iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Sidoo kale Guddiyada ayaa kormeeray Xarunta Caafimaadka ee Galdogob, iyagoo Maamulka xarunta ka dhageystay habka shaqadu u socota, Taageerada ay Wasaaradda Caafimaadka ka helaan iyo baahiyaha jira. Guddiyadu ayaa u ballan-qaaday Shacabka & Maamulka Degmada in warbixintooda ay u geyn doonaan Hay’addaha ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyahooda ayna ka jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamanka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo maanta Booqday Galdogob iyo Bursaalax ( SAWIRO) Read More »

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Goldogob iyo Bar Xuduudeedka Tuur-dibi ( SAWIRO)

Goldogob: 13,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Goldogob iyo Bar Xuduudeedka Tuur-dibi. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha, ayaa ugu horeyn waxay kormeer ku sameeyen Xarunta Degmada Goldogob, Saldhiga Booliska, Garoonka Diyaaradaha iyo Cisbitaalka Magaalada, iyagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta kala duwan habka shaqadu u socoto, Amniga, Horumarka, Caqabadaha iyo Baahiyaha jira. Waxaana Guddiyadu ay ballan-qaadeen in warbixinta guud ee Degmada ay u geyn doonaan Hay’addaha ay khuseyso, ayna ka jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamanka. Sidoo kale, Guddiyada ayaa booqday bar Xuduudeedka Tuur-dibi, iyagoo Saraakiisha Laanta Socdaalka iyo kuwa Kastamka ka dhageystay habka shaqada u socoto, kulana dardaarmay in Bulshada loogu adeego si hufnaan leh. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Goldogob iyo Bar Xuduudeedka Tuur-dibi ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa gaaray Degmada Badhan ( SAWIRO)

Badhan: 12,October, 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo safar shaqo ku tagay Degmada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa Kulan la qaatay Maamulka Gobolka, kan Degmada Badhan, Xubno kamid ah Golaha Deegaanka, isuduwayaasha Wasaaradaha, Taliyayaasha Ciidanka iyo Mas’uuliyiin kale. Guddigu waxa ay ka dhegaysteen Mas’uuliyiinta kala duwan warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee Gobolka sida Amniga, Abaarta, Shaqooyinka socda iyo Caqabadaha. Sidoo Kale Guddiga iyo Maamulka Gobolku waxa ay si wada jira ah u kormeereen Xarumaha Dawladda ee kala ah Gobolka, Degmada, Saldhiga Booliska iyo Xarumaha kale ee Adeega Bulshada, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda & waxyaabaha qabsoomay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa gaaray Degmada Badhan ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Gaalkacyo ( SAWIRO)

Gaalkacyo: 12,October, 2022: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay Xaalada guud Magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug. Guddiyada ayaa ugu horeyn kormeer ku sameeyey Xarumaha Dawladda Gaalkacyo sida Xarunta Gobolka, Taliska Qaybta Booliska iyo Xarunta Wasaaradda Howlaha guud, iyagoo Xog wareystay Xaalada Gobolka sida Amniga, Abaaraha, Shaqooyinka socda, Horumarka Magaalada iyo Caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Xarumaha adeega Bulshada sida Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug, Airport-ka Cabdullaahi Yuusuf iyo goobo kale, iyagoo Saraakiisha Xarumahaasi ka dhageystay hab sami u-socodka shaqada, habka dakhliga loo uruuriyo iyo caqabadaha jira. Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Gaalkacyo ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa booqday Maxjarka Boosaaso ( SAWIRO)

Boosaaso: 11,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo maalmahan safar shaqo ku Joogay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa Kulan la qaatay Agaasimaha Maxjarrada Puntland oo ay weheliyaan qaar kamid ah dhakhaatiirta ka howlgala Maxjarrada iyo Xubno kale. Kulanka ayaa Guddigu waxay uga dhegaysteen Agaasimaha Maxjarrada, Dhakhaatiirta iyo Masuuliyiinta kaleba Warbixin la xiriirta Xaaladda Guud ee Maxjarrada, Dhoofka Xoolaha iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Guddigu waxa ay Kormeer ku tageen Maxjarka Al-Waddani iyagoo u kuur galay habsami usocodka shaqada Maxjarka iyo xaaladda Xoolaha kala duwan ee ku jira. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa booqday Maxjarka Boosaaso ( SAWIRO) Read More »

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Boocame, Gobolka Sool ( SAWIRO)

Boocame: 11,October,2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo Maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Boocame, Gobolka Sool. Guddiyada ka socda Baarlamanka DPL, ayaa ugu horeyn kormeerkooda ku tagay Xarumaha Dawladda, sida Xarunta Gobolka Sool, mida Maamulka Degmada Boocame, Saldhiga Booliska iyo Xarunta Ciidanka Difaaca, halkaas oo ay kulan kula qaateen Guddoomiyaha Gobolka, kan Degmada iyo Taliyeyaasha Ciidanka, iyadoo Mudanayaashu u kuur-galeen xaaladda shaqo iyo caqabadaha jira. Guddiyadda Kormeerka sameeyey ayaa kala ah Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Dimuqraadiyeynta iyo Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta, Waxaana Kormeeradu ay kamid yihiin Shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, si loo ogaado Nolosha Bulshada, Waxyaabaha Xukuummadu ay qabatay iyo Waxa laga gaabiyey. Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Ceelka Riiga ah ee Degmada, Dugsiyada Waxbarashada Dhexe & Sare iyo Xarunta Caafimaadka Magaalada, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda, waxyaabaha qabsoomay. Waxaana Guddiyaddu ay ballan-qaadeen inay baahiyaha iyo Warbixinta Guud ee Degmada ay gaarsiin doonaan cidkasta oo ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyaha jira. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Boocame, Gobolka Sool ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa gaaray Boosaaso ( SAWIRO)

Boosaaso: 11,October, 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo maalmahan safar shaqo ku Joogay xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa maanta Kulan la qaatay Duqa Degmada Boosaso oo ay weheliyaan Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Hoose. Kulanka ayaa Guddigu uga dhegaystay Duqa Degmada iyo masuuliyiinta kaleba warbixin la xiriirta Xaaladda Guud ee Degmada, Arrimaha Mashaariicda, Waddooyinka Magaalada iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Guddigu waxa ay Booqasho ku tageen halka uu ka socdo Mashruuca Maalgashiga dhismaha Haamaha Shidaalka iyo dhigista tuubooyinka soo qaadaya shidaalka, Waxaana Guddigu kulan ay la qaateen Guddiga Ganacsatda Mashruucan Maalgelinaya. Ugu Dambayntii Guddigu waxa ay Safarkoodii Shaqo ee ay ku joogeen Magaalada Boosaso kusoo gaba-gabeeyeen Kormeer ay ku tageen Xarunta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ee Gobolka Bari, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Agaasimaha Guud iyo Mas’uuliyiinta Kale ee Wasaaradda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa gaaray Boosaaso ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha ayaa ka qeyb-galay dhammeystirka colaaddii Saax-maygaag & Senge-jebiye ( SAWIRO)

Garoowe: 10,October,2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii Saax-maygaag iyo Senge-jebiye. Furitaanka Shirkan ee Maanta oo sidoo kale ay kasoo qayb-galeen Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL, isimada Dhaqanka Puntland iyo ergo ka socota Beelaha Walaala ah ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu soo afjarayo Colaadii bilaabantay bishii January ee Sanadka. Guddoomiye Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan oo rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo afjaro Colaadii dhacday ayaa ku booriyay labada beelood inay soo saaran xalka ugu dambeeya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha ayaa ka qeyb-galay dhammeystirka colaaddii Saax-maygaag & Senge-jebiye ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Golaha Wakiillada ayaa gaaray Qardho ( SAWIRO)

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska ee Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tagay degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar. Guddiyada ayaa booqday Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida Xarunta degmada, Maamulka Gobolka, xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka, Maxkamadda Darajada 1-aad & Racfaanka, Taliska Booliska ee degmada Qardho, Taliska Qaybta Boliiska ee Gobolka Karkaar iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Qardho. Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan, iyagoo Guddiyada uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira. Intii ay ku guda-jireen booqashadooda, waxay sidoo kale Guddiyadu wareysteen maxaabiista ku xiran xabsiyada iyagoo ka dhagaystey warbixino la xiriira xaaladdooda nololeed, baahiyahooda iyo tabashooyinka ay qabaan. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, kana jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda, ayna ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee degmada iyo guud ahaanba gobolka. DHAMMAAD Faah-faahin kala xiriir; Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Facebook: https://www.facebook.com/Parliamentofpl Telegram: https://t.me/parliamentofpl Twitter: https://twitter.com/Parliamentofpl Instagram: https://instagram.com/parliamentofpl LinkedIn: https://www.linkedin.com/parliamentofpl Flickr: https://www.flickr.com/photos/190151741@N02/ YouTube: https://youtube.com/channel/UCe2H4Gvf_mwL852bBdNgiMw E-mail: info@puntlandparliament.com Website: http://puntlandparliament.com

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Golaha Wakiillada ayaa gaaray Qardho ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa gaaray Dangorayo ( SAWIRO)

Dangorayo: 10, October 2022: Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Dimuqraadiyenta Golaha Wakiillada, Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa maanta u Kuur-galay Xaaladda guud Degmada Dangorayo, Gobolka Nugaal. Guddiyada ayaa ugu horeyn booqday Xarunta Degmada, iyagoo la kulmay Duqa Dangorayo iyo Golaha Deegaanka, Waxaana ay ka xog wareysteen Xaalada guud ee Magaalada iyo Deegaanada hoos-yimaada sida Nabad-galyada, Mashaariicda socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira, Waxaana Mas’uuliyiinta Degmadu ay ka mahadceliyeen booqashada Mudanayaasha ay ugu yimaadeen. Sidoo kale, Guddiyadda ayaa ballan-qaaday inay baahiyaha iyo Warbixinta Guud ee Degmada oo dhameystiran ay gaarsiin doonaan cidkasta oo ay khuseyso, ayna ka jeedin doonaan Kalfdhiga soo socda ee 51-aad. Dhinaca kale, Guddiyada ayaa booqday Goobaha Waxbarashada Dangoroyo sida Dugsiyadda dhexe iyo sare iyo Cisbitaalka Degmada, iyagoo u kuurgalay caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. DHAMMAAD Faah-faahin kala xiriir; Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa gaaray Dangorayo ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top