Golaha Wakiillada

November 2022

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay casumaad Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ( SAWIRO)

Muqdisho: November 17,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ka qayb galay kulan qado sharaf ah oo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud uu hoygiisa ugu sameeyey weftiga Guddoomiyaha ee ku sugan Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Xeer ilaaliyaha guud qado sharafta uu ku maamuusay weftigiisa. Weftiga Guddoomiyaha ayaa kala ah Xild. Saadaq Abshir Garaad, Xild. Axmed Jaamac Cabdulle, Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xidig Warsame iyo howlwadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay casumaad Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad oo kulan la qaatay madaxda Hay’adda Max Planck Foundation ( SAWIRO)

Garoowe, November 17, 2022: Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda Max Planck Foundation oo ka shaqeysa Nabadda oo uu Hoggaaminayey Jan Amilcar Schmidt. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Hay’adda Max Planck Foundation. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad oo kulan la qaatay madaxda Hay’adda Max Planck Foundation ( SAWIRO) Read More »

Akhriska 2aad ee Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha ( SAWIRO)

Garoowe: November 16,2022: Guddiga Arrimaha bulshada dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya wax-ka-badelka Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka ah ayaa maanta Aqalka Wakiillada kulan kula yeeshay Wasiirka Shaqada shaqaalaha dhalinyarada & ciyaaraha DPL. Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey sababta keentay in xeerkan oo 2019-kii Golaha Wakiilladu ansixiyey in wax laga badelo, iyagoo sidoo kale ka dhageystay guud ahaan waxyaabaha kale ee lagu soo kordhiyey xeerkan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Akhriska 2aad ee Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha ayaa ka qayb galay kulan qado sharaf ah oo Mudane Xild. Cabdullaahi Bidhaan Warsame u sameeyay ( SAWIRO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdrashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ka qayb galay kulan qado sharaf ah oo Mudane Xild. Cabdullaahi Bidhaan Warsame hoygiisa ugu sameeyey weftiga Guddoomiyaha ee ku sugan Muqdisho. Sidoo kale kulanka waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo kala ah, Mudane Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan), Mudane Maxamed Faarax Nuux & Mudane Xusseen Qaasim (iidow). Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa uga mahadceliyey Xildhibaanka qadada uu ku maamuusay weftigiisa. Weftiga Guddoomiyaha ayaa kala ah Xild. Saadaq Abshir Garaad, Xild. Axmed Jaamac Cabdulle, Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xidig Warsame iyo howlwadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha ayaa ka qayb galay kulan qado sharaf ah oo Mudane Xild. Cabdullaahi Bidhaan Warsame u sameeyay ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka ( SAWIRO/MUUQAAL)

Muqdisho: November 15,2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl & wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal. Madaxweynaha DFS, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal, isagoo ka jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah oo ku saabsan xaaladda guud ee Dalka, waxqabadka DFS, qorshaha xoreynta Wadanka iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh Dawladda Soomaaliyeed. Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur & Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iyaguna khudbado ka jeediyey munaasabadda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga Golleyaasha xeer dejinta iyo in si wadajir ah looga wadashaqeeyo dhameystirka Dastuurka dalka. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa dhanka kale, ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Qaranka qorshaha dib u xoreynta wadanka, isagoo ku baaqay in laga dhabeeyo, shacabka Soomaaliyeed-na ay garab istaagaan Ciidanka howlgalada wada. Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Taliyayaasha, Ciidamada qalabka sida, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada iyo mari sharaf kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe, November 14, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Xildhibaannada Golaha oo maalmihii la soo dhaafay ka doodayey hindise-xeereedka Kheyraadka biyaha Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey guud ahaan qodobada xeerkan, waana markii ugu horeysay oo xeer loo sameeyo habka isticmaalka & soo saarista biyaha deegaanada Puntland. Ugu dambeyn, Golaha waxaa loo qaybiyey wax-ka-badalka xeerka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana lagu wareejiyey Guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta oo akhris-ka 2-aad ku soo sameyn doona islamrkaana Golaha horkeeni doona sabtida soo socota ee 19-ka bishan hadii Alle idmo. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe, November 13, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Golaha Wakiillada ayaa weli ku guda jira ka doodista iyo qodob qodob u ansixinta hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland sida uu dhigayo qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Dooda hindise-xeereedkan oo Goluhu curiyey ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirweynaha 4-aad ee Deegaanka  ( MUUQAAL)

Garoowe, November 13, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 4-aad ee Deegaanka & isbedalka cimilada Puntland, kaas oo 2-dii sano-ba mar la qabto. Shirka oo 2-maalin soconaya ayaa lagu soo badhigayaa xogta xaaladda deegaanka & isbadalka cimilada Puntland sida nabaad guurka, boholaha, duurjoogta, bacaadka, maareyn la’aanta qashinka & qorshaha Dawladda ee wax looga qabanayo arrimahan. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Wasaaradda Deegaanka ku bogaadiyey qabsoomida shirweynahan ayaa yiri ”waxaynu hadda la daala dhacaynaa abaaro iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay isbedelka cimilada taas oo ka liiftay in baadka iyo biyuhuba gabaabsi noqdaan, waxayna u baahan tahay in isku duubni iyo da’daal wadareed lagu wajaho”. Shirweynaha waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuummada, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada, Guddoomiyeyaasha Gobolada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Daneeyaasha arrimaha deegaanka Puntland & marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirweynaha 4-aad ee Deegaanka  ( MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe, November, 12 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Golaha ay u soo gudbiyeen warbixin ku saabsan hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland, kaas oo Goluhu curiyey, waxaana Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah Puntland, doodaas oo socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

G/ ku-xigeenada Golaha Wakiillada oo sagootiyey G/Ku-xigeenka 1aad Golaha Shacabka ( Muuqaal)

Garoowe, November 08, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Shacabka BFS, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo maalmahan safar shaqo ku joogtay Puntland. Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Xoghayeyaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale. Guddoomiye Sacdiya ayaa uga mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

G/ ku-xigeenada Golaha Wakiillada oo sagootiyey G/Ku-xigeenka 1aad Golaha Shacabka ( Muuqaal) Read More »

Scroll to Top