Golaha Wakiillada

January 2023

Ku-Simaha Guddoomiyaha ka qeyb-galay 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ( SAWIRO)

Boosasso, January 23,  2023:  Ku-simaha  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad  Mudane,  Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan oo ay weheliyaan ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb-galay Dhagax-dhiga wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso kaas oo uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa lagu kordhin doonaa wejiga 3aad 1. Qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger 2. Qaybta Xamuulka (Terminal Cargo)3. Dhismaha qaybta Dab-damiska4. Dhismaha Tower Cusub iyo5. Sidoo kale waxaa la dhammaystiridoonaa oo hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hoteel casriya oo uu yeelandoono Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-Simaha Guddoomiyaha ka qeyb-galay 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ( SAWIRO) Read More »

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ( SAWIRO)

Garoowe:  January 22, 2023:  Ku-simaha  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad  Mudane,  Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan oo uu  weheliyo  Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada, kaas oo ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada. Kulanka ayey Mudanayaashu iskaga xog waraysteen arrimo ay ka mid yihiin hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada Goleyaasha Deegaanka ee ka socota qaar ka mid ah Gobollada Puntland, xaaladda Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood iyo siyaasadda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya  DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ( SAWIRO) Read More »

Xildhibaan Axmed Bashir Askar iyo Xildhibaano kale oo gaaray Laag & Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari ( SAWIRO)

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer ku tagay deegaanada Laag & Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari. Xildhibaan Axmed Bashiir Askar, Xildhibaan Cabdirashid Maxamuud Yuusuf iyo Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid Xuseen ayaa booqday goobaha loo qorsheyay diiwaan-gelinta Codbixiyaha Doorashooyinka hal qof hal cod ee Goleyaasha deegaanka iyagga oo kulamo la qaatay qeybaha kala duwan bulshada. Xildhibaannada ayaa ku dhiira-geliyey guud ahaan shacabka deegaanada ay booqdeen inay is diiwaan-geliyaan si ay u helaan xaqooda codbixinta. Dhinaca kalena, Xildhibaannada ayaa booqday goobaha adeega Bulshadda ee waxbarashada, caafimaadka deegaanka Galgala. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xildhibaan Axmed Bashir Askar iyo Xildhibaano kale oo gaaray Laag & Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha oo gaaray Degmooyin ka tirsan G/ Karkaar ( SAWIRO)

Rako-raaxo, January 11, 2023: Ku-simaha  Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa kormeer shaqo ku tagay Degsiimooyinka Carris & Maygaag ee Degmadda Banderbeyla iyo Degsiimadda Uur-jire ee Degmadda Rako-raaxo oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Karkaar. Wefdiga Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, maamulka Degaannada uu booqday, waxa uuna kulamo la qaatay Nabadoonada, odayaasha, dhallinyaradda, haweenka iyo dhammaan qeybaha kala duwan Bulshadda. Ku-simaha  Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa dhammaan dadkii uu la kulmay ku dhiiro-geliyey inay ka qeyb-qaatan Diiwaan-gelinta Codbixiyaha Doorashooyinka hal qof & hal cod ee Goleyaasha deegaanka Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha oo gaaray Degmooyin ka tirsan G/ Karkaar ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha oo iska diiwaan-geliyey Banderbayla ( SAWIRO)

Banderbeyla, January 10, 2023: Ku-simaha  Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Xildhibaan Xaamud Ismaaciil Xirsi ayaa maanta iska diiwaan-geliyay xaafadda IL-raxmo ee degmada Bander-beyla si ay uga codeeyeen Doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota. Ku-simaha  Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maalmahaan Kormeer shaqo ku mareyay Goobaha Diiwaan-gelinta Gobolka Karkaar ayaa u mahadceliyay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Ciidanka amniga, dadka deegaanka iyo Bahda Warbaahinta. Guddoomiyaha ayaa dhammaan shacabka Gobollada Karkaar, Bari iyo Gardafuu ugu baaqay inay is diiwaan-geliyaan si ay u helaan xuquuqda codbixin. Nidaamka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ayaa ah mid ka mid ah qorshaha Dawladda oo go’aanka shacabka dib loogu celinayo. DHAMMAAD

Ku-simaha Guddoomiyaha oo iska diiwaan-geliyey Banderbayla ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha oo gaaray Bander-beyla ( SAWIRO)⁸

Banderbeyla, January 08, 2023: Ku-simaha  Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa kormeer shaqo ku tagay Degmadda Banderbeyla ee Gobolka Karkaar. Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa kormeerka ku tagay xarumaha Diiwaan-gelinta Codbixiyaha ee Gobollada Karkaar, Bari iyo Gardafuu. Kormeerka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehliyey qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Sidoo kalena, Wefdiga uu Hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ayaa shalay kormeer ku tagay Degmadda Dhudhub. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha oo gaaray Bander-beyla ( SAWIRO)⁸ Read More »

Scroll to Top