Golaha Wakiillada

May 2023

Guddomiye ku-xigeenka 1aad gollaha wakiillada oo qabilay xilldhiban ka mida gobolka ohio.

Garoowe, May 30, 2023: Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Mudane, Xildhibaan Ismaaciil Cali Maxamed oo kamida Xildhibaanada Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka oo booqasho ku jooga Puntland. Kulan oo sidoo kale uu ka qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa looga hadlay sidii wada shaqeyn ay yeelan lahaayeen labada dhinac iyo arrimo kale oo muhiim ah. DHAMMAAD +13

Guddomiye ku-xigeenka 1aad gollaha wakiillada oo qabilay xilldhiban ka mida gobolka ohio. Read More »

gudoomiyaha golaha wakiilada oo manta boqday qabriga awoowe darood

Haylaan May 22, 2023: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril, Madaxweynaha Siciid Cabdulaahi Deni iyo wefti ay hogaaminayaan ayaa maanta booqday qabriga awoowe Sheekh Daarood Ismaaciil iyo ayeeyo Doonbiro Dir. Kuwaas oo ku aasan deegaanka Haylaan ee Gobolka Sanaag. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

gudoomiyaha golaha wakiilada oo manta boqday qabriga awoowe darood Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO LAGU SOO DHAWEEYEY DEGMADA DANGOROYO-NUGAAL

Dangaroyo, May 22, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti uu hogaaminayo ayaa waxaa galabta soo dhaweyntooda degmada Dangoroyo ka qayb-galay Maamulka Degmada & shacabka, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan Gobolka Nugaal. Weftiga Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Puntland, Xildhibaan Cabqani Faarax Dhaashane iyo xubno kale. Soo dhaweyn kadib, Guddoomiyaha ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo degmada sida dhismaha xarunta Haweenka iyo deyr cusub oo lagu samaynayo garoonka kubada cagta. Ugu, dambeyn weftiga Guddoomiyaha ayaa kulan xog wareysi ah la yeeshay Maamulka iyo shacabka degmada, iyadoo la soo bandhigay horumarka iyo baahiyaha ka jira magaalada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. +18 Like Comment

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO LAGU SOO DHAWEEYEY DEGMADA DANGOROYO-NUGAAL Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO BADHAN KU SOODHAWEEYEY MADAXWEYNAHA DPL

Badhan, May 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane, Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa galabta Badhan-Sanaag ku soo dhaweeyey, Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku soo gaaray Gobolka. Weftiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweyntooda Badhan ka qayb-galay Maamulka Sanaag, kan degmada Badhan iyo boqolaal shacab ah, waxaana ugu dambeyn, hoygiisa ay ku booqdeen Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO BADHAN KU SOODHAWEEYEY MADAXWEYNAHA DPL Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY HADAAFTIMO

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY HADAAFTIMO. Hadaaftimo, May 18, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan iyo boqolaal kamid ah shacabka Hadaaftimo. Guddoomiyaha oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee lagu maamuusay. Guddoomiyaha oo dadweynaha reer Hadaaftimo kula hadlay bartamaha magaalada ayaa ugu baaqay inay codkooda dhiibtaan 25-may 2023. Ugu, dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeeray mashruuc Wasaaradda Deegaanka ay ka fulisay duleedka Hadaaftimo, kaas oo lagu xakameeyey boholo dilaacay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. +23

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY HADAAFTIMO Read More »

guddoomiha golaha wakiillada DPL oo booqday guddomiyi 2aad e golaha wakiillada

Badhan: 16,May,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa caawa hoygiisa ku booqday Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo ahaa Guddoomiyihii 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo muddo dhowr sano ah u jiifa xanuun soo ritay. Guddoomiye Cabdirashiid ayaa u duceeyey Guddoomiye Cismaan Baatrool in Alle caafimaad taam ah siiyo, isagoo qoyskiisa ka xog wareystay xaaladiisa caafimaad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

guddoomiha golaha wakiillada DPL oo booqday guddomiyi 2aad e golaha wakiillada Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SANAAG

Badhan: May 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa banaanka hore Badhan soo dhaweyn sareysa ugu sameeyey Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, xubno ka socday ururada siyaasada Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada. Guddoomiyaha oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida ay u maamuuseen weftigiisa. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa hoygiisa ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SANAAG Read More »

Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari.

Boosaaso: 10,May,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari & Wasiir ku-xigeenka arrimaha Gudaha Puntland. Kulanka ayaa ahaa mid xog wareysi ah, kaas oo ku saabsan xaaladda guud & xasiloonida Gobolka Bari, gaar ahaana maalmaha lagu jiro ololaha doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka ee dhacaysa 25-ka May 2023. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muhiimad weyn Gobolku u leeyahay Dawladda Puntland, islamarkaana siwadajir ah looga wada shaqeeyo xasiloonida iyo deganaanshaha Gobolka Bari. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA & WACYI-GELINTA GOLAHA WAKIILLADA DPL PUNTLAND.

Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari. Read More »

GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO FARAY GUDDIGA AMNIGA GOBOLKA BARI IN LA XAQIIJIYO NABAD-GELYADA BOSSASO

Boosaaso, 8 may 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay Guddiga Amniga Gobolka Bari, iyadoo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu warbixin ku saabsan xaalada nabadgelyo ee Boosaaso uu ka dha dhageystay Guddigan, iyagoo sheegay in xaaladu tahay mid wanaagsan. Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamada amniga looga baahan yahay da’daal dheeri ah maalmaha lagu jiro isu soo baxyada ololaha doorashada ee ay sameynayaan Xisbiyada siyaasada, islamarkaana la xaqiijiyo amniga magaalada. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulan kale la qaatay Wasiirada & Xildhibaannada Dawladda Puntland ee ku sugan Boosaaso, isagoo ka dhageystay aragtidooda ku aadan sida laysaga kaashan karo in jawi nabdoon ay ku qabsoomaan doorashooyinka Golaha Deegaanka Magaalada. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO FARAY GUDDIGA AMNIGA GOBOLKA BARI IN LA XAQIIJIYO NABAD-GELYADA BOSSASO Read More »

Scroll to Top