Golaha Wakiillada

July 2023

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & xisaabdka aya kulan wada tashi ah aqalka Golaha kula yeeshay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Garoowe: July 30, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya hindise-xeereedka maamulka maaliyadda, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah aqalka Golaha kula yeesheen madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Guddiga iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa falanqeeyey ujeeddada hindise xeereedka cusub iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland. DHAMMAAD.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & xisaabdka aya kulan wada tashi ah aqalka Golaha kula yeeshay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa qeybinta Hindise Xeereedka Maamulka Maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyay in Golaha loo qeybiyo xeerka, waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada kaas oo Golaha dib ugu soo celin doona maalinta Arbacada, 02 bisha Augusto, 2023 Dhinaca kalena, waxaa Golaha laga akhriyey codsi beelaha Puntland qaarkood ku dalbadeen in xubno laga siiyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada, iyo jawaab celinta sharci ee Maxkamadda Dastuuriga ah Puntland. Halkaan ka Daawo https://fb.watch/m0OxnsuAJg/?mibextid=Nif5oz DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 25, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland, waxaa goobjoog ahaa 60 Xildhibaan. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland. Muddo 30 cishe ah oo Guddigu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshadda, si toos ahna looga baahiyey Warbaahinta ayaa si rasmi ah loo gudo galay wax-ka-bedelkiisa. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin. Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta rasmiga ah DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe: July 24, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland ayaa si faah-faahsan uga hadlaya nidaamka uu ku shaqeynayo Bangiga dhexe ee Dawladda. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiillada ayaa kullan La Yeeshay Madaxda Bankiga Dowlada Puntland

Garoowe: July 22, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya wax-kabadelka xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah Xarunta Golaha kula yeesheen madaxda bankiga Dawladda Puntland. Guddiga iyo madaxda Bankiga ayaa falanqeeyey ujeeddada wax-ka badelka Xeerka iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland. DHAMMAAD

Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiillada ayaa kullan La Yeeshay Madaxda Bankiga Dowlada Puntland Read More »

Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalihii la soo dhaafay. Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka iyo saamaynta xun ee isbedelka cimilada. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin. Dhinaca kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu. Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin. Ugu dambeyntiina, waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 19, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa socon doontaa maalmaha soo socda. Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka iyo saamaynta xun ee isbedelka cimilada. Waxa uuna sii socon doona ka doodistiisa maalmaha soo socda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 17, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa socon doontaa maalmaha soo socda. Dhanka kalena, fadhiga maanta ayaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin Jaamac oo bedalay Xildhibaan hore Jaamac Yaasiin Jaamac oo geeriyooday June 12, 2023, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Kadib, soo jeedinta Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle oo Golaha ka hor akhriyey soo jeedinta ka mid noqosho ee Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin, waxaana xildhibaanka cusub dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Deegaanka iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha wakiillada oo Kulan Laqatay Wasarada khayradka iyo is Bedelka Cimilada Puntland.

Garoowe: July 12, 2023: Guddiga Deegaanka iyo kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya Wax-kabadelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-¬hoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah Xarunta Golaha kula yeesheen Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Puntland oo Xeerka soo gudbisay. Guddiga iyo Wasaaradda ayaa falanqeeyey ujeeddada wax-ka badelka Xeerka iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Deegaanka iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha wakiillada oo Kulan Laqatay Wasarada khayradka iyo is Bedelka Cimilada Puntland. Read More »

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL u furay Aqoon-is-weydaarsi.

Garoowe, July 11, 2023: Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL u furay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Maxdar-Qoraalka, Habka Diiwaangelinta, laalinta sirta Shaqada Baarlamaanka iyo Habka Qorsheynta Kulanka Guud ee Golaha, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Max Planck Foundation for International Peace & the Rule of Low. Xoghayaha Guud ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimmadda uu aqoon-is-weydaarsigu u leeyahay Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada, wuxuuna hawl-wadeenada kula dardaarmay in laga faa’idaysto muddada uu socdo aqoon-is-weydaarsigu. Aqoon-is-weydaarsigan wuxuu qayb-ka yahay aqoon-is-weydaarsiyo muddooyinka u socday hawl-wadeenada Golaha si kor loogu qaado tayada hawl-wadeenada Golaha. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL u furay Aqoon-is-weydaarsi. Read More »

Scroll to Top