Golaha Wakiillada

July 2023

Fadhiga 11-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luulyo 10, 2023: Ku-sima Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan , oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 11-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ee Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2022. Dhagaysiga Warbixinta ka dib, Goluhu wuxuu cod gacan taag ah ku ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2022 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Dhinaca kale, waxaa Fadhiga maanta, xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah si ay akhrinta labaad ugu soo sameeyaan Golahana ugu soo gudbiyaan wax-ka-bedelka ay ku sameeyaan Xeerka, waxayna Guddigu warbixinta wax-ka-bedelka Xeerka golaha dib ugu soo celin doonaan Maalinta Isniinta oo tariikhdu ku beegan tahay 17 Luuliyo,2023 haddii Alle idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 11-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 03, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad. Golaha waxaa warbixinta Xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022 ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ku talagalka kharashka gudaha ee Miisaaniyadda sannadka 2022 uu ahaa $106,039,035 dollar, halka kharashka dhab ahaan la galay uu noqday $92,825,283.40 dollar taas oo ah inaan la bixin kharash ku talagalkiisu ahaa $13,213,751.60 dollar oo u dhiganta % 12.5 Intaa kadib, waxaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2022 lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay dib Golaha ugu soo celin doonaa maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 10 July, 2023. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, July 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada la wadaagay in maalinka berri ah taariikhduna tahay 3-da Luulyo ay Golaha hor imaanayso Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland si ay Golaha ugu soo gudbiso warbixinta Xisaabka Xirka Miisaaniyada sannadkii tagay ee 2022-ka. DHAMMAAD

Fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top