Golaha Wakiillada

August 2023

Guddoomiyaha ayaa booqday ceel cusub oo riig ah oo qodistiisa laga wado duleedka Badhan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa bulshada wakhti kula qaatay mid kamid ah makhaayadaha ku yaala badhtamaha magaalada Badhan. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa booqday ceel cusub oo riig ah oo qodistiisa laga wado duleedka Badhan, kaas oo marka uu hirgalo wax ka tari doona xaalada biyo ee magaalada Badhan. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha ayaa booqday ceel cusub oo riig ah oo qodistiisa laga wado duleedka Badhan. Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA DAAH FURAY DHISMAHA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND EE DHAWAAN LA DOORTAY

Badhan: August 30, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Badhan ka daah furay dhismaha Goleyaasha Degaanka Puntland ee dhawaan la doortay, kadib munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaararadda Arrimaha Gudaha oo lagu dhaariyey Golaha Degaanka Badhan. Gudoomiyaha oo munaasabada soo xidhay ayaa u hambalyeeyey xubnaha Golaha Degaanka Badhan ee la doortay, iyo sidoo kale Duqa cusub ee Degmada iyo ku-xigeenkiisa oo iyagana isla goobta lagu dhaariyey. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaana mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay in si xilkasnimo ah ay uga shaqeeyaan horumarinta Degmadda iyo wax ka qabashada baahiyaha ka jira. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa faray Wasiirka Arrimaha Gudaha in Magaalada Badhan lagu daro mashruuca horumarinta Degmooyinka Puntland ee JPLG, kaas oo magaaloyinka ka taageera hirgalinta Wadooyinka iyo mashaariicda kale ee Puntland ay ka fuliyaan hay’addaha caalamiga ah. DHAMMAAD.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA DAAH FURAY DHISMAHA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND EE DHAWAAN LA DOORTAY Read More »

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Augusto 08, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Hindse-xeereedka Maamulka Maaliyadda Guud ee Puntland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda kaas oo ka kooban 70 Qodob. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, Guddiga ayaa Golaha warbixin ka horjeediyey kadib akhriska 2aad ku sameeyn. Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah dalka. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Guud ee Puntland. Xeerkaan ayaa muhiimad weyn u leh nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda Guud ee dalka. Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybiyey labada oo kala ah, Wax-ka-bedelka xeerka Goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka Dawladda Puntland, kuwaa oo Golaha dib loogu soo celin doono maalinta Khamiista 10 Augusto, 2023 Haddii Alle idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland.

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND OO MUDDEEYAY ANSIXINTA XUBNAHA GUDDIGA DOORASHADA PUNTLAND

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND OO MUDDEEYAY ANSIXINTA XUBNAHA GUDDIGA DOORASHADA PUNTLAND Garoowe, Augusto 03, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 03 August, 2023 soo saaray qoraal ku saabsan muddeynta Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu: – MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 113-aad, farqadiisa 1-aad. MARKUU TIXGELIYAY: – Baahida loo qabo Ansxinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa la socodsiinaya dhammaan Xisbiyadda Siyaasadeed ee Puntland in wakhtiga loo muddeeyey Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland tahay 03-09-2023 Haddii Alle idmo. Sidaas darteed, waxaan idinka rajeynaynaa inaad Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland u soo gudbisaan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ka hor taariikhda sare ku xusan si loo ansixiyo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND OO MUDDEEYAY ANSIXINTA XUBNAHA GUDDIGA DOORASHADA PUNTLAND Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto e Dawladda Puntland.

Garoowe, August 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto oo ku beegnayd sannad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aas-aasay Dawladda Puntland. Xafladda oo ka qabsoontay Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdulaahi Deni,Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee GW, Mudane Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Guddooomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto e Dawladda Puntland. Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO MAANTA KA QAYB GALAY XUSKA SANNAD GUURADII 25-AAD EE AAS-AASKA DAWLADDA PUNTLAND.

Garoowe, August 01,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka qaybgalay munaasibad heer qaran ah oo lagu qabtay Caasimadda Garoowe, taas oo lagu xusayey kowda Agoosto ee ku beegan 25-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay Dawladda Puntland la aas-aasay. Munaasabadda oo ay ka soo qayb galeen boqolaal shacab ah ayaa waxaa dhoolo tus ku soo bandhigay shaqaalaha weynaha Dowladda, qaybaha ciidamada iyo awoodooda, iyo sidoo kale kheyraadka kala duwan ee caanka ku tahay mandiqadan. Ugu, dambeyn munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Madaxweyne ku-xigeenka, Saraakiil, Wasiiro, Xildhibaanno iyo martisharaf kale oo kala duwan. DHAMMAAD

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO MAANTA KA QAYB GALAY XUSKA SANNAD GUURADII 25-AAD EE AAS-AASKA DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyo ku-aadan 25-sano guurada ka soo wareegatay aas’aaskii Dawladda Puntland 01, Agoosto 1998 u diray Shacabka Puntland.

“Waxaan halkaan uga hambalyeeynayaa dhammaan shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan xuska ku aadan 25-Sanno guurada ka soo wareegatay markii la asaasay Dawladda Puntland’’ ayuu yiri Guddoomiyuhu. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa shacabka kula dar-daarmay in ay Ilaashaadan amnigooda, horumarka dawladnimooda iyo wadajirkooda ay caanka ku yihiin iyaga oo la shaqeynaya Dawladooda. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyo ku-aadan 25-sano guurada ka soo wareegatay aas’aaskii Dawladda Puntland 01, Agoosto 1998 u diray Shacabka Puntland. Read More »

Scroll to Top