Golaha Wakiillada

September 2023

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA UNDP SOOMALIYA.

Garoowe: September 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Madaxa UNDP Soomaaliya Mr Lionel Laurens ayaa shirkooda uga hadlay mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland, Doorashooyinkii Goleyaasha Degaanka ee ka qabsoomay Puntland, xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland iyo sidii Hay’adda UNDP taageero buuxda uga geysan lahayd qorshaha Horumarinta Golaha Wakiillada. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo Madaxa Xafiiska UNDP ee Garoowe. DHAMMAAD.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA UNDP SOOMALIYA. Read More »

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada.

Garoowe: September 12, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu weheliyo ku-xigeenka 2-Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay lagu falaqeeyeen arrimo ay mid yihiin Xaaladda Guud ee Siyaasadda, Amniga iyo dhaqalaaha, waxaana warbixinno arrimahaas la xiriira looga dhegeystey madax-guddiyeedyada Guddiga joogtada ah ee u xilsaaran. DHAMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada. Read More »

Fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, September 09, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ka dhinaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, tirada guud ayaana noqonaysa 12 xubnood. Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare. Xubnaha ayaa kala ah; 1. Cabdisalam Bashiir Cabdisalam 2. Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul) 3. Ubax Cabdullahi Abshir DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, September 05, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 39 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin. Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare. Xubnaha ayaa kala ah; 1. Fu’aad Abshir Axmed 2. Axmed Jaamac Maxamed 3. Axmed Maxamuud Cumar ( KK ) 4. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon) 5. Maxamed Abshir Garaad 6. Maxamuud Soofe Xassan 7. Cabdullahi Maxamed Barre ( Caato) 8. Marwo Faadumo Siciid Axmed 9. Cabdinuur Maxamuud Maxamed Ubbaale Dhinaca kalena, waxaa maalinta sabti 9ka bisha September si rasmi ah loo dhammeystiri doonaa xubnaha kale ee Xisbiyadda Siyasadeedka Puntland kuwaa oo codsi ay soo gudbiyeen horay ugu codsaday in wakhti dheeraad ah la siiyo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Scroll to Top