Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.
Garoowe, October 30, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha ayaa ahaa dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta aheyd maalintii 3aad. Waxaa Golaha warbixino ka soo jeediyey Guddiyada kala ah; 1. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. 2. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda dhammaan Gobollada dalka. Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybiyey Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada, kaas oo lagu wareejiyay Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Follow Puntland Parliament on Telegram: https://t.me/parliamentofpl – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »









