Golaha Wakiillada

October 2023

Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL.

Boosaaso, October 09,2023: Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL oo Maalmahanba kormeer Shaqo ku jooga Gobolka Bari, ayaa Maanta booqasho ku tagay Dowladda Hoose Degmada Bosaaso iyo Xaruunta Garsoorka Gobolka Bari. Mudaneyaasha ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan. Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland DHAMMAAD

Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caafimaadka DPL.

Garoowe, October 09, 2023: Guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caafimaadka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka Caafimaadka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Guddiga ayaa warbixin la xiriirta shaqooyinka Wasaaradda ka socda, qorsheyaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, waxaana sidoo kale ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha ay ka hadleen. Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL, waxaana warbixintooda ay ku soo bandhigaan fadhiga guud ee Golaha. DHAMMAAD

Guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caafimaadka DPL. Read More »

Guddiga Hawlaha Guud & Guddiga Deegaanka ee Golaha Wakiillada DPL.

Goldogob, October 08, 2023: Guddiga Hawlaha Guud & Guddiga Deegaanka ee Golaha Wakiillada DPL waxay maanta safar shaqo ku tageen Degmada Galdogob, iyagoo kormeeray xarunta Dawladda hoose ee Degmada. Guddiyada ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay Duqa Degmada Goldogob, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka, iyagoo ka warbixiyey xaaladda guud ee Goldogob sida arrimaha amniga, arrimaha bulshada iyo caqabadaha haysta. Maamulka Goldogob ayaa sidoo kale Guddiyada la wadaagay warbixinta dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay aagaasi. Kormeerada ayaa ka mid ah shaqooyinka Dastuuriga ah ee Guddiyada Golaha Wakiillada, iyadoo warbixintooda lagu soo bandhigo fadhiga guud ee Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

Guddiga Hawlaha Guud & Guddiga Deegaanka ee Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL.

Boosaaso, October 08,2023: Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL oo maalmahan kormeer Shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa booqasho ku tagay Xabsiga, Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Mudaneyaasha ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan. DHAMMAAD

Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta ayaa kormeeray Cusbitaalka guud ee Garoowe.

Garoowe, October 08 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta ee Golaha wakiillada DPL ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8/10/2023 waxay kormeer shaqo ku tageen Cusbitaalka guud ee magaalada Garoowe, iyagoo u kuur galay adeegyada caafimaad ee uu bulshada u hayo iyo baahiyaha ka jira. Waxaana warbixin ku saabsan xaaladda Cisbitaalka iyo shaqooyinka ka socda Guddigu ay ka dhageysteen Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Hodan Cali shire, iyagoo sidoo kalena su’aalo ka weydiiyey arrimahaas. Ugu,dambeyn Guddiga ayaa soo kormeeray dhismaha Cusbitaalka ka socda oo meel gabo-gabo ah maraya, iyagoo warbixin ka dhageystay Eng-neerada gacanta ku haya. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta ayaa kormeeray Cusbitaalka guud ee Garoowe. Read More »

Guddiyada, arimaha gudaha &xaquuqul insaanka iyo Amniga ayaa booqasho ku tegay xarunta maamulka Gobalka bari,

Guddiyada kala ah; Arimaha gudaha & Xuquuqul Insaanka iyo Amniga Golaha Wakiillada DPL oo kormeer ku jooga Gobolka Bari, ayaa booqasho ku tagay xarunta Maamulka Gobalka Bari, iyagoo Guddiyadu xaruunta gobalka kula kulmay Gudoomiyaha Gobalka Bari , Duqa Degmada Bosaaso iyo Gudigga Amniga Gobalka Bari. Mudanayaashan ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta. Sidoo kale guddiyadu waxay kormeereen Saldhiga bartamaha iyo garoonka kubada cagta Boosaaso. Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaa

Guddiyada, arimaha gudaha &xaquuqul insaanka iyo Amniga ayaa booqasho ku tegay xarunta maamulka Gobalka bari, Read More »

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayaasha dhaqaalaha iyo Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka dabiiciga ah oo komeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug

Gaalkacyo, October 07 2023: Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayaasha dhaqaalaha iyo Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka dabiiciga ah oo komeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa maanta u kuurgalay xaaladda guud ee Gobolka Mudug. Guddiyada ayaa waxay kulan la qaateen Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ku-xigeenkiisa, Duqa Degmada Gaalkacyo, Xoghayaha Degmada & qaar kamid ah isu-duwayaasha Wasaaradaha ee heer Gobol, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saaban xaaladda guud ee Gobolka Mudug sida Amniga iyo Adeegyada bulshada & caqabadaha jira. Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay hor geyn doonaan fadhiga guud ee Golaha Wakiillada, iyadoo socdaalkani uu qayb ka yahay kormeerada Guddiyada ee loogu kuurgalo xaaladaha dalka. DHAMMAAD.

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayaasha dhaqaalaha iyo Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka dabiiciga ah oo komeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug Read More »

GUDDIYO KA SOCDA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA KORMEER KU TAGAY MAGAALOOYINKA DHAHAR & QARDHO

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka & Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta safar shaqo waxay ku tageen Gobollada Haylaan iyo Karkaar, iyagoo u kuurgalay Xaaladaha guud ee Goboladaas. Guddiyadda oo ugu horeyn tagay magaalada Dhahar ee Gobolka haylaan ayaa waxay kulan la qaateen Guddoomiyaha Gobolka, Duqa degmada, Xoghayaha Dawladda hoose, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka, Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer-ilaaliayaha, qaar kamid ah Xildhibaanada Degmada dhahar iyo Isudu-waayaasha heer Gobol. Waxayna mas’uuliyiintu Guddiyadda uga warbixiyeen Xaalada guud ee Gobolka, caqabadaha iyo baahiyaha jira, waxaana ugu dambeyn Guddiyaddu ay kormeer ku sameeyeen saldhiga Degmada Dhahar. Dhanka, kale Guddiyadda ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, waxayna kulan la qaateen Madaxda Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka karkaar, iyadoo Xisaabiyaha Gobolku uu ka warbixiyey habka shaqadu u socoto, gaar ahaan uruurinta dakhliga, Wax-soosaarka iyo Canshuuraha Gobolka Karkaar. DHAMMAAAD

GUDDIYO KA SOCDA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA KORMEER KU TAGAY MAGAALOOYINKA DHAHAR & QARDHO Read More »

Scroll to Top