Golaha Wakiillada

January 2024

Guddoonka Golaha Wakillada ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland.

Garoowe, January 31, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Aqoon iswaydarsiga waxaa lagu baran doonaa Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, doorka metelaada, nidaamka xeer-dejinta, kormeerada iyo korjoogteynta Hay’adaha Dawladda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha Golaha Wakiillada kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan mudada uu socdo, kaas oo ay qabtay Hay’adda Max Planck Foundation. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoonka Golaha Wakillada ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta Miisaaniyad KMG ah ee bilaha January – June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023. Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan Miisaaniyadii hore ee sannadkii 2023, taas oo aheyd $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda KMG ah ee bilaha January – June, 2024, si waafaqsan Qodobka 135-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha ahaa $97,212,528 dollar oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dollar dhakhligaan oo ku xaroonaya13 madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Miisaaniyaddii 2023 waxay ka koobnayd dhakhli ku qoondeysnaa khasnada Dawladda ( On Budget) iyo dhakhli ka baxsan khasnad Dawladda ( Off Budget) Miisaaniyadii 2023dii waxaa ku jiray filasho kab miisaaniyadeed oo dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondeysnaa $1,856,286, waxaa sidoo kale ku jiray Miisaaniyadda filasho dhakhli ee mashaariicda horumarinta Bangiga Adduunka iyo JPLG oo wadar ahaan dhan $26,239,246 sannadkii. Sida Wasiirka Maaliyadda ku sheegay Warbixintiisa dakhliga ka baxsan khasnadda Dawladda oo ka kala imaanayey Dawladaha hoose iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada midoobey ayaa wadar ahaan dhan $230,972,619 halka ku talo-galka kharashka gudaha ee sannadka 2023 wadar ahaan dhammaa $119,487,960 dollar bishii ku qooneysnaa $9,957,330 taas oo Xildhibaanadii hore Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku sameeyay akhriskii 2aad. Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 56 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 54 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 1 , sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyada KMG ah ee Bilaha January – June, 2024 – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar. Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024) Dhinaca kale, waxaa Golaha warbixin ka jeediyey Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 27, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Maxamud Ciise oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto Gobolka Mudug ayaa maanta qado sharaf u sameeyay madax iyo masuuliyiin ka soo jeeda Gobolka Mudug labadiisa dhinac ee Puntland iyo Galmudug kuwaa oo ka qeyb-galay Xafladii caleema-saarka madaxda Puntland. – DHAMMAAD –

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoonka Barlamaanka Puntland Ayaa Qado Sharaf usameeyey Xildhibaannada labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Garoowe, January 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Maxamed Maxamud Ciise ayaa maanta qado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee ka qeyb-galay Xafladii caleema-saarka Madaxda Puntland. Sidoo kale madasha waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Guddiga joogtda ah ee Golaha Wakiillada Puntland. XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND – DHAMMAAD

Guddoonka Barlamaanka Puntland Ayaa Qado Sharaf usameeyey Xildhibaannada labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya. Read More »

Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire ayaa Xalay ka qayb-galay munaasibad lagu soo dhaweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029. Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda Dawladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland. Read More »

Guddoonka Golaha Wakillada Punland ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Jubbaland.

Garoowe, January 23, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane. Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse, ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Jubbaland Mudane, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, kaas oo ka mid ah madaxda ka qeyb-galaysa Xaflada caleema-saarka. Sidoo kalena, Guddoonka ayaa booqasho ugu tagay Siyaasiga Mowliid Xuseen Guhaad, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Aqalka Sare JFS iyo Taliyaha hore ee Ciidanka dhulka JFS Gen. Maxamed Tahliil Biixi DHAMMAAD

Guddoonka Golaha Wakillada Punland ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Jubbaland. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi , ayaa kormeeray magaalada.

Sheerbi: Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi oo gaaray halkaasi, ayaa kormeeray magaalada, iyagoo warbixin ka dhageystay Ciidamadda Amaanka ee gacanta ku haya magaaladda. Shacabkii deganaa Magaalada ayaa ka barakacay colaada dhacday awgeed, waxaana magaalada ku haray Maxamuud Cabdirisaaq oo ah wiil naafo ka ah araga, islamarkaana waayay meel uu uga baxo deegaankiisa. Guddiga ayaa u balan-qaaday Maxamuud inay u kaxeyn doonaan meesha uu rabo, si uu uga helo deegaan ku haboon, iyagoo ka taageeraya noloshiisa illaa iyo inta caadi ku soo noqonayso noloshii Sheerbi oo hadda xalkeeda lagu jiro. DHAMMAAD

Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi , ayaa kormeeray magaalada. Read More »

Guddoonka Golaha wakiillada ayaa shir laqaatay hawl-wadeenada Golaha wakiillada.

Garoowe, January 22, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir la qaatay Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulanka Guddoonka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada iyo Illaalinta wakhtiga shaqada. DHAMMAAD

Guddoonka Golaha wakiillada ayaa shir laqaatay hawl-wadeenada Golaha wakiillada. Read More »

Scroll to Top