Golaha Wakiillada

February 2024

Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Febraayo 19, 2024: Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga,.waxaana ka qeyb-galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorsheyaasha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow. Guddoomiyaha Guddiga Xil. Maxamuud Shire Cismaan oo soo xiray kulanka, ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga. https://t.me/parliamentofpl – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha.

Garoowe, Febraayo 17, 2024: Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow. Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Siciid Cali (Qoslaaye) oo soo xiray kulanka, ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga. DHAMMAAD.

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha. Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaalada, Arrimaha Diinta & Dastuurka.

Garoowe, Febraayo 17, 2024: Guddiga Shuruucda, Caddaalada, Arrimaha Diinta & Dastuurka ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow. Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Dhakuul Xirsi oo soo xiray kulanka, ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga. DHAMMAAD

Guddiga Shuruucda, Caddaalada, Arrimaha Diinta & Dastuurka. Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, Febraayo 15, 2024: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow. Guddoomiyaha Guddiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo soo xiray kulanka ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa ka qayb galay Aas-qaran oo loo sameeyey Marxuum Yuusuf Cilmi Mataan.

Garoowe, February 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa ka qayb galay Aas-qaran oo loo sameeyey Alle ha unaxariistee Marxuum Yuusuf Cilmi Mataan oo kamid ahaa Nabadoonada Gobolka Nugaal. Sidoo kale waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Puntland Senatar Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamud Ciise, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Suldaaan Siciid Maxamed Garaase, Culimaa’udiin iyo dadweyne kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo madaxdii kale ayaa u duceeyey marxuumka inuu Janadii Fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadana Samir iyo iimaan ka siiyo. – DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa ka qayb galay Aas-qaran oo loo sameeyey Marxuum Yuusuf Cilmi Mataan. Read More »

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA OO HADHIMO SHARAFEED KU MAAMUUSAY ISIMADA SSC-KHAATUMO.

Garoowe, February 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamud Ciise ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay isimada SSC-Khaatumo oo ku sugan Caasimadda Garoowe. Sidoo kale madasha waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Xoghayaha Guud iyo howlwadeeno kamid ah Golaha Wakiillada. – DHAMMAAD-

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA OO HADHIMO SHARAFEED KU MAAMUUSAY ISIMADA SSC-KHAATUMO. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Maxamed Baari Shire ayaa maanta kormeer ku tegay Xafiiska difaacaha xuquuqda Puntland.

Garoowe, Febraayo 13, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Maxamed Baari Shire ayaa maanta kormeer ku tegay Xafiiska difaacaha xuquuqda Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Guddoomiyaha xafiiska Siciid Cabdi Muumin, taas oo ku aadan xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, caqabadaha haysta iyo qorsheyaasha u degsan. Guddoomiyaha Xafiiska oo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada la wadagaay warbixinta heerka wakhtigan ay gaarsiisan tahay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, ayaa sheegay inay diiwaan geliyaan dhammaan dhacdooyinka lidka ku ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca deegaanada Puntland. Ugu dambeyn Guddoomiye Maxamed Baari Shire ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Xafiisku. DHAMMAAD.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Maxamed Baari Shire ayaa maanta kormeer ku tegay Xafiiska difaacaha xuquuqda Puntland. Read More »

Xildhibaan Axmed Bille ayaa deegaanka Misir ka dhagax-dhigay dhismaha Dugsi hoose/dhexe.

Dhaxan, February 09, 2024: Xildhibaan Axmed Bille Siciid oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa gaaray deegaanada Dhaxan iyo Misir oo ka tirsan Degmadda Qardho ee Gobolla Karkaar. Xildhibaan Axmed Bille ayaa deegaanka Misir ka dhagax-dhigay dhismaha Dugsi hoose/dhexe. Dhinaca kalena, wuxuu deegaanka dhaxan ka furay xafiis ay dadka deegaanka kala xiriiri doonaa. Socdaalka Xildhibaanka waxaa ku wehlinayey Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed ( Cigge) – DHAMMAAD

Xildhibaan Axmed Bille ayaa deegaanka Misir ka dhagax-dhigay dhismaha Dugsi hoose/dhexe. Read More »

First Deputy Speaker Hon. Mohamed Baarri Shire

Hon. Mohamed Baarri Shire is the current 1st Deputy Speaker of the Puntland Parliament, elected on January 4, 2024. In his capacity as the Firsr Deputy Speaker, he is responsible for assisting the Speaker in executing parliamentary duties, presiding over parliamentary sessions in the Speaker’s absence, ensuring the adherence to legislative procedures, and representing the Parliament in various official capacities.Prior to his election, Before, Hon Speaker Mohamed Baarri Shire served as the head of the Tax Protection Unit in the Bari region, a division of the Puntland Police Force. He has extensive experience within the Puntland Police Force and has studied extensively about the Police Force and the rules of tax protection, showcasing his commitment to public service and law enforcement. In addition to his public service, Mr. Shire is a businessman and politician. He received his education within Somalia, Specifically in Puntland, which underscores his deep-rooted connection to the region. Official Accounts Facebook Page: Hon Mohamed Baarri Shire X Twitter: Hon Mohamed Baarri Shire TikTok: Hon Mohamed Baarri Shire Instagram: Hon Mohamed Baarri Shire Threads: Hon Mohamed Baarri Shire E-mail: firstdeputyspeaker@puntlandparliament.com

First Deputy Speaker Hon. Mohamed Baarri Shire Read More »

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada.

Garoowe, Febraayo 08, 2024: Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntlland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada. Qado sharaftaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse iyo Xildhibaannada Golaha. Ujeedada Qado sharafta ayaa aheyd soo dhaweyn iyo isbarasho xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada. – DHAMMAAD –

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada. Read More »

Scroll to Top