Golaha Wakiillada

February 2024

Furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

Carmo, February 08, 2023: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari. Shirka oo gogoshiisa uu dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, waxaa kasoo qayb galay masuulyiin ka tirsan Dawladda, marti sharaf iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo lagu adkeeyey in nabad lagusoo dabaalo xaaladihii ka dhacay Magaalada Sheerbi. Kulanka maanta furmay oo socon doona maalmaha soo socda ayaa laga soo saari doonaa go’aamo lagu soo afmeerayo dhibaatadii ka dhacday Sheerbi, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey xildhibaanada ka socday Golaha Wakiillada, iyagoo soo dhoweeyey furitaanka shirka islamarkaana ka hadlay muhiimada nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo xusay inay doorkooda ka qaadanayaan da’daalada ee lagu soo celinayo xasiloonadii deegaanka Sheerbi. – DHAMMAAD –

Furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, Febraayo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho xubnaha cusub ee Guddiga joogta & dardargelinta waajibaadkooda shaqo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha madax-guddiyeedyada ku soo dhaweeyey hoolka shirarka Guddiyada Joogtada ah, isagoo ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay. Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay in guddi kasta ay u gudutaan waajibaadkooda si waafaqsan Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo xeerarka kale ee dalka. Isbarasho ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa madax guddi kasta ku wareejiyey xafiiska shaqo ee Guddiga. – DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya

Garoowe, February 03, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Xoghayaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xidig. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xiray kulan aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland.

Garoowe, February 01, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa soo xiray kulan aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Aqoon is-waydarsiga ayaa diirradda lagu saaray fahamka shaqo ee Golaha, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, doorka metelaada, nidaamka xeer-dejinta, u kuur-gelidda iyo kor-joogteynta Hay’adaha Dawladda, kaas oo ay bixinayeen khuburo dhanka sharciga iyo Horumarinta Baarlamaanadda. Aqoon is-waydaarsigaan ayaa ka mid ah qorshayaasha cusub ee lagu horumarinayo Golaha Wakiillada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa soo xiray kulanka, isagoo Xubnaha Golaha Wakiillada kula dardaarmay in aqoontii laga helay kulanka looga faa’iideysto gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee Golaha Wakiillada. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xiray kulan aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top