Golaha Wakiillada

June 2024

Fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Juun 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Mohamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 55 Xildhibaan, ayaa Goluhu waxay warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda 6-da bilood ee Dawladda oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad. Intaas kadib Golaha ayaa u balamay in dooda miisaaniyadda Golahu uu guda galo maalinta talaadada ee soo socota taariikhduna tahay 02/07/2024. DHAMMAAD.

Fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.

  ·  Garoowe: June 25, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa soo gaba-gabeynta dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinnadii u dambeeyey ka jeediyey Golaha 2 Guddi oo kala ah:- 1. Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada 2. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada. Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog-ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. -DHAMMAAD-

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

  Garoowe, Juun 25, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Mohamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee Lixda bilood ee July-December sannadka 2024. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wakiillada u soo gudbisay Miisaaniyadda Lixda bilood ee July- December 2024, taasi oo dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar). Waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Faarax Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dawladda Sannadka ee lixxda bilood, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda 1-da July 2024, kuna eg December 31, 2024 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Axada 30/06/2024. -DHAMMAAD-

Fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: Juun 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire & ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga 2) Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha 3) Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah 4) Guddiga Amniga & Nabad gelyada Golaha Wakiillada Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, Juun, 23 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, iyadoo Ajandaha fadhigu ahaa. 1) Qaybinta Ajandaha rasmiga ah ee Golahu ku shaqeyn doono kalfadhiga 54-aad. 2) Dhaarinta Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar 3) Soojeedinta Warbixinta Guddiga Joogtada ah, taas oo uu Golaha u akhriyey Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada. 4) Dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, iyadoo Guddiyada maanta warbixinada jeediyey ay kala yihiin:- A) Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. B) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. C) Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. D) Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda iyo dhammaan Gobollada dalka. -DHAMMAAD-

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe Juun 23, 2024. Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar oo baddeley Xildhibaan hore Alle ha u naxariistee Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari. Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada. https://fb.watch/sTH1W2VSsG -DHAMMAAD-

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL,

Garoowe, June 22, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL, oo ay soo xaadireen 49 Mudane. Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah 54-aad ee Goluhu ka shaqeyn doono, mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad (faqrada 4-aad) ee Xeer-hoosaadka, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan Axada berri ah. Maalinta berri ah oo taariihdu tahay 23/Juun/2024 oo Mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ayaa si rasmi ah loogu qaybin doona ajandaha maanta la ansixiyey, hadii Alle idmo. -DHAMMAAD-

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL, Read More »

Hon. MP Mohamed Mursal Mohamed

Hon. MP Mohamed Mursal Mohamed is a dedicated member of the Puntland Parliament, serving on the Security and Peace Committee since his election on January 4, 2024. Prior to his parliamentary role, he was an official in the Puntland Marine Police Force (PMPF), where he contributed to enhancing security in the region. In addition to his public service, Mr. Mursal is an accomplished businessman and politician, with a strong educational background rooted in Puntland. His extensive experience and deep connection to the region reflect his commitment to the welfare and development of Puntland. Official AccountFacebook Page: Hon Mohamed Mursal Mohamed Email: mpmohamedmursal@puntlandparliament.com

Hon. MP Mohamed Mursal Mohamed Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, June 15, 2024: Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni oo Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. -DHAMMAAD-

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Scroll to Top