Golaha Wakiillada

July 2024

Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 31, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenada, Wasiiru-dowlaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyadoo Wasiirku uu Golaha la wadaagay la xiriirta hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kaas oo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Hindise-xeereedkan Golaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka si ay ugu sameeyaan akhriska labaad, Golahana ay hor keenaan kalfadhiga soo socda ee 55-aad. Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha hor-yimi Guddoomiyaha Bankiga oo ay wehliyaan Guddoomiye-kuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Baanka dhexe, kuwaas oo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta Hindise-Xeereedka Bangiga Dawladda Puntland ee hay’daha Maaliyadda. Waxaana ay Golaha la wadaageen warbixin taabanaysa ujeeddooyinka hindise-xeereedka, geedi socodka uu soo maray, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee ka dhalanaysa, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Madaxda Bankiga Hindise-xeereedkan, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka. -DHAMMAAD-

Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga & Kheyraadka badda Puntland oo ay wehliyaan xubnaha kale ee wasaaradda siwaafaqsan qodobka 68-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kadib markii Guddigii korjoogteynta kulahaa Wasaaradda ay codsadeen in loo yeero maadaama aysan ku qancin xogtii ay u soo gudbiyeen. Iyadoo Wasiirku uu raaligelin ka bixiyey arintaas dhacday oo uu ku tilmaamay cilad farsamo hada kadibna sida Dastuurku qabo Wasaaraddu ula shaqeyn doonto Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Kaluumaysiga kuwaas oo la xiriira sababaha ay uga gaabiyeen wadashaqeyntii Guddiga Deegaanka Golaha Wakiillada, cabashooyinka Kaluumaysatada ee waxyeelada u geystaan Doonyaha iyo maraakiibta shisheeye, hanaanka shatiyada loo bixiyo iyo guud ahaan shaqooyinka Dastuuriga ee Wasaaraddu gacanta ku hayso. Waxaana dhammaan su’aalihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Wasiirka Kaluumaysiga iyo xubnaha kale ee Wasaradda, iyadoo ugu dambeyn kulanka uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL. DHAMMAAD

Fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: Luuliyo 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo Xaadireen 40 Mudane waxaa Goluhu ku guda jirey ka doodista wax-ka-baddelka Xeerka Warbaahinta Puntland oo ay gacanta ku hayeen Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo Golaha u soo gudbiyey wax-ka-baddelka Xeerka. Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland. Siwaafaqsan qodobka 52-aad ee Dastuurka DPL Golaha Wakiillada ayaa fadhigii maanta ku ansixiyey iibka dhulalka xabsiga Gaalkacyo iyo ciidanka Booliska, kaas oo lagu dhisayo Xabsi casri ah oo daboolaha baahida ka jirta Gobolka Mudug. Sidoo kale, Golaha ayaa oggoladaay in wax-ka-baddel iyo kaabis lagu sameeyo xeerarka tayo-dhowrka Badeecadaha iyo khidmahadaha ee Dawladda Puntland kadib soojedinta Guddiga Howlaha guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo Golaha u soo ugudbiyey warbixinta la xiriirta Cabashada dadweynaha ee tayada Badeedaha iyo sidii xal loogu helilahaa tayada Badeecadaha Kala duwan, iyadoo la dhawrayo bedqabka bulshada. Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan ayaa Golaha u soo gudbiyey soo jeedin ku aadan curin Hindise xeereedka wax ka qabanaya baraamijyada Apps internetka, khamaarka. qaawanaanka iyo waxyaabaha wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka suuban. Intaas kadib xildhibaannada ayaa oggolaaday soojeedinta curinta Hindise xeerka xakamaynta khamaarka iyo anshax xumada, waxaana la Isla Qaatay in guddi gaar ah loo saaro oo daarasad ku samaynta baahida jirta, iyadoo la eegaya xeerarka jira. Waxaa isla fadhiga maanta Golaha la wadaagay warbixin guddiga Gaarka ee loo xilsaaray soo ururinta talo soojeedimaha Guddiyada Golaha Wakiillada ee Kalfadhiga 54-aad. Dhageysiga warbixinta Guddiga kadib Golaha ayaa go’aan Gole ku meelmariyey warbixinta Guddiga, si loogu gudbiyo xukuumadda waxna looga qabto caqabadaha jira. Ugu dambeyn, Xildhibaannada Golaha ayaa waxaa loo qaybiyey Hindise xeereedka Bangiga Dawladda Puntland ee hay’daha Maaliyadda iyo hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, si loo mariyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe: Luuliyo 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland. Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, horumarinta warbaahinta gaarka ah ah iyo ta Dawladda, ku wacyigelinta bulshada ee ku dhaqanka diinta islaamka iyo xakameynta been abuurka baraha bulshada. iyadoo Goluhu qodob-qodob uga dooday, kadibna u ansixiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, Waxayna maanta Goluhu ka shaqeeyeen ilaa qodobka 40-aad, iyadoo inta ka harsana maalinka berri la sii amba qaadi doono. DHAMMAAD

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: Luuliyo 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta wax-ka-baddelka xeerka Warbaahinta Puntland. Ugu horeyn Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqanka oo wax-ka-baddela akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay. Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, dhiiri-gelinta & horumarinta warbaahinta gaarka ah ah iyo ta Dawladda, ku wacyigelinta bulshada ku dhaqanka diinta islaamka, ilaalinta wadaniyada iyo danaha guud, xakameynta naceybka, sumcad dilka iyo been abuurka ee baraha bulshada. Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, iyadoo Goluhu ka shaqeeyey ilaa 6-qodob oo xeerkan kamid ah. Dhanka kale, Golaha Wakiillada aya fadhigoodii maanta ku meel mariyey soojeedin codsi oo ka timid Guddiga Shuruucda & Cadaaladda Golaha Wakiillada taas oo la xiriirta dib-u-dhigis wax-ka-badelka xeerka Qareennada Puntland. DHAMMAAD.

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Aqoon-is-waydaarsi looqabtay Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada.

Garoowe, Luuliyo 25, 2024: Waxaa maanta Aqalka Wakiillada ku soo xirmay Aqoon-is-waydaarsi mudo 2-maalin ah u socday Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay bixinayeen khuburo ka socotay hay’adda Max Planck. Aqoon-is-waydaarsigan maanta ayaa ku aadanaa Xiriirka amniga ee Nidaamka Federaalka, waxaana Xildhibaannadu ay ku soo bandhigeen aragtiyo, falanqeyn iyo doodo la xiriira doorka Xilhibaanka ee Korjoogteynta iyo wadashaqeynta Nidaamka Federaalka ah ee dhanka amaanka. Tan iyo markii la doortay Guddoonka Baarlamaanka 6-aad bishii 1-aad ee sanadkan waxaa sare u kacay aqoon kororsiyada iyo tababarada Mudaneyaasha iyo Guddiyada Golaha Wakiillada, kuwaas oo ka qabsoomay Gudaha dalka iyo dibadaba, si kor loogu qaado fahamka Xildhibaannada ee ku saabsan shaqooyinka Dastuuriga ah oo ay u xilsaaran yihiin. -DHAMMAAD-

Aqoon-is-waydaarsi looqabtay Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada. Read More »

Fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 21, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta & Dastuurka, isagoo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta wax-ka-baddelka xeerka Qareenada Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay wax-ka-baddelka iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kasoo Goluhu ku samayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka wax-ka-beddelka xeerka uu Golaha horkeenay, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Shuruucda & Caddaaladda si ay ugu sameeyaan akhriska labaad. Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha la horkeenay Wax-ka-beddelka xeerka Warbaahinta Puntland iyo warbixin taabanaysa baahida keentay wax-ka-baddelka xeerka kaas oo Goluhu isla maanta ku sameeyey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Arrimaha bulshada iyo dhaqanka si ay ugu soo sammeeyaan akhrinta labaad islamrkaana ula soo tashadaan daneeyaasha uu saamyenta ku yeelanayo. -DHAMMAAD-

Fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: Luuliyo 18, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadida ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland, kaas oo maalinkii shalay ahaa Goluhu uu doodiisa bilaabay. Golaha ayaa manta dhameystiray qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista iyo Ansixinta Xeerkan, waxaana Xeerku ka hadlayaa hubinta sareynta sharciga, kala-wareejinta hantida dadweynaha iyo Xoojinta Nidaaamka Cadaaladda Puntland. Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh waxay ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-badelka Xeerka Nootaatooyinka Puntland, kadib markay soo dhamaatay dooda qodobada xeerkan oo la wafaajiyey Qodobka 70-aad ee Dastuurka. Dhanka kale, isla fadhigii maanta waxaa Xildhibaannada loo qaybiyey labo xeer oo kala ah: Wax-ka-baddelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Wax-ka-baddelka Xeerka Qareenada Puntland, kuwaasoo Golahu ku soo samayn doono akhriska 1-aad maalinka Axada ah ee soo socotana Golaha lagu soo celin doono. DHAMMAAD

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: Luuliyo 17, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland. Ugu horeyn Guddiga Shuruucda & Cadaaladda oo Xeerkan akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay. Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya hubinta sareynta sharciga, Xal u helida khilaafyada ka dhasha kala-wareejinta hantida dadweynaha iyo Xoojinta Nidaaamka Cadaaladda Puntland. Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Nootaayooyinka, Waxayna maanta Goluhu ka shaqeeyeen ilaa qodobka 12-aad ee Xeerkan, iyadoo la raacayo qodobka 70aad ee Dastuurka halka inta harsana ay maalinka berri sii amba qaadi doonaan. DHAMMAAD

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

   Garoowe: Luuliyo 16, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Hindise-xeereedka Sumadaha Ganacsiga Puntland. Ugu horeyn Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka Ganacsiga & Kaabyaasha Dhaqaalaha oo Hnidise xeereedka akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay. Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Sumadaha Ganacsiga, iyadoo xeerku uu si faah-faahnsan uga hadlayo nidaaminta Sumadaha & Magacyada shirkadaha Ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa wadanka ka jira, ilaalinta lahaanshahooda iyo shuruudaha diiwaangelintooda. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerkan Sumadaha Ganacsiga, Waxaa Oggol ugu codeeyay 31 mudane, diidmo ma jirin, halka ay ka aamuseen 5 mudane, Guddoomiyuhuna muu codeyn. DHAMMAAD

Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top