Golaha Wakiillada

July 2024

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL

Qardho, Luuliyo 15, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Maxamed Baari Shire oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta Kormeer iyo xog waran guud ku soo maray Magaalada Qardho. Weftiga Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyey Qardho Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Duqa Degmada, Taliyaha qaybta Booliiska iyo xubno kale. Waxaana weftigu ay Kormeer ku tageen Xarumaha Dawladda sida Guriga Gobolka Karkaar iyo Hoolka beeyada ee Dawladda hoose, iyagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Gobolka iyo Degmada, taas oo la xiriirta shaqooyinka ay dadweynaha u hayaan iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka ayaa booqday bartamaha Qardho halkaas oo laga qabtay shaqo ku aadan maareynta iyo furista biyihii Magaalada ku fatihi jiray. -DHAMMAAD-

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Carmo Luulyo 14, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer ku tegay Kuliyadda tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Carmo. Guddoomiye ku-xigeenka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Kuliyadda iyo Saraakiisha kale waxaana ay warbixin ka bixiyeen shaqooyinka ay hayaan iyo caqabadaha jira. Weftiga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa booqday qaybaha kala duwan ee xarunta, ceelka riiga ah ee Kuliyadda iyo dhismeyaasha kala duwan ee xarunta kuyaala. -DHAMMAAD-

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiyaha 1aad ee Golaha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari.

Ceeldaahir Luulyo 14, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari. Halkaas oo ay kulan kula qaateen qaybaha Bulshada iyo waxgaradka Deegaanka, iyagoo ka xog wareystay baahiyaha jira iyo waxyaabaha qabsoomay, iyadoo sidoo kalena weftigu ay dhagax dhigeen Guriga haweenka Deegaanka. Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka ayaa kormeer ku tegay mashruuca wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo ah mashruuca weyn ee sida iskutashiga ah ay ku wadaan Shacabka iyo Dawladda Puntland, Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa mashruucaasi. Dhanka kale weftiga Guddoomiye Baari ayaa booqday halka uu ka socdo suuqa Magaalada Ceeldaahir iyo Dugsiga sare ee Deegaanka. Booqashada Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada ee Deegaanka Ceeldaahir waxaa ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. -DHAMMAAD-

Guddoomiyaha 1aad ee Golaha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari. Read More »

Fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, isagoo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta wax-ka-baddelka xeerka nootaayooyinka taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, geedi socodka wax ka bedelka, baahida keentay wax-ka-baddelka iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka wax-ka-beddelka xeerka ee Golaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada si ay ugu sameeyaan akhriska labaad. Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha hor-yimi Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo hawl-wadeenno ka tirsan wasaaradda. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta Hindise-Xeereedka Sumadaha Ganacsiga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka hindise-xeereedka, geedi socodka uu soo maray, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee ka dhalanaysa, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasaaradda Hindise-xeereedkan oo Golaha horyaala, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada. -DHAMMAAD-

Fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luulyo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Xisaab Xirka Sannada Maaliyadeedka 2023-ka oo ay akhrinta labaad ay ku soo sameeyeen Guddiga Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 34 Xildhibaan, Diidmo 6, halka ay ka aamuseen 2 Mudane Ansixinta Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka. Dhinaca kale, xildhibaan Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud ayaa Golaha u soo gudbiyey iscasilaad xubinnimada Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka oggolaaday iscasilaadda xildhibaanka, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 62-aad iyo Qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Ugu dambayn, waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland iyo Hindise-xeereedka Summadda Ganacsiga oo ay xukuumaddu soo gudbisey, si Goluhu ugu sameeyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada. -DHAMMAAD-

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, Luuliyo 03, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa ajanduhu ahaa soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2023. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha hortooda ka soo jeediyey khudbad uu uga hadlayo soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2023, sida uu qabo Qodobka 137 ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 64aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada kuwaas oo si faah-faahsan uga hadlaya soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulanka soo xiray ayaa Xisaab-xirka ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo akhriska 2aad ku soo sameyn doona kadibna Golaha kusoo celin doona isniinta soo socota taariikhduna tahay 08/07/2024. -DHAMMAAD-

Fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban

Fadhiga maanta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ahaan fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban oo isagu jira Wasiiro ku-xigeeno kamid ah Golaha Xukuummada, Xubno ka tirsan Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyadu. ) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim 2) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid. 3) Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed 4) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan 5) Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl 6) Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey)

Fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban Read More »

Fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 02, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo soo xaadireen 51 Mudane ayaa looga dooday ku noqoshada Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee lixda Bilood ee Luulyo- Diseembar 2024, taas oo warbixin la xiriirta Golaha la wadaageen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka oo akhriskii labaad ku sameynayey. Dood iyo Falanqeyn dheer ka dib, Golaha ayaa ansixiyey Ku noqoshada Miisaaniyadda 2024 ee Bilaha Luuliyo–Diseembar 2024. Odoroska ku noqoshada Miisaaniyadda ee lixda bilood ee soo socota sannadka 2024 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay 207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar. Guntanka fadhiga oo ahaa (51) Mudane, waxaa Ansixinta Miisaaniyadda dawladda ugu codeeyey Oggol (47) Mudane, Diimdo (2) Mudane, halka ay ka Aamuseen (2) Mudane. -DHAMMAAD-

Fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top