Golaha Wakiillada

September 2024

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland,ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Nabadoonada Gobolka Bari

Boosaaso, September 26, 2024 – Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Nabadoonada Gobolka Bari. Kulankan oo qayb ka ah socdaalka ballaaran ee wefdigu ku marayaan gobollada Karkaar, Bari iyo.Raascasayr ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta adeegyada bulshada iyo suggidda amniga ee Gobolka Bari. Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amniga ee gobolka, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo shaqeeyo si loo xoojiyo nabadda iyo la dagaalanka falalka amni-darrada ah. Sidoo kale, Nabadoonada iyo wefdiga ayaa isla gartay in kor loo qaado iskaashiga bulshada iyo hay’adaha dawladda si loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka, Korontada. waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah. Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay taageeraan qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kuwa amniga, iyagoo balanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan bulshada deegaanka iyo odayaasha dhaqanka si loo xaqiijiyo guulaha la higsanayo. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar, iyagoo ku hawlan qiimeynta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo isku-xirka bulshada iyo dowladda si loo abuuro jawi horumarineed oo waara. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland,ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Nabadoonada Gobolka Bari Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya.

Garoowe, September 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen. Guddoomiye Cabdirisaaq iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Dowladda Denmark siiso Puntland, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo arrimaha dimuqraadiyadda. Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya gaar ahaan Puntland si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara. Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Horumaarinta ee Safaaradda Jens-Peter Kamanga. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya. Read More »

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho.

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho Qardho, 23 Sebtembar, 2024: Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa caawa kulan ballaaran la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Qardho. Kulankan ayaa daba socday kormeerkii ay sameeyeen wefdigu labada maalmood ee la soo dhaafay, kaas oo ay ku indho-indheynayeen adeegyada iyo horumarka degmada. Shirweynaha caawa ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada bulshada, nabadgelyada, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha Dawladda. Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadweynuhu kaalin mug leh ka qaataan horumarka guud ee Puntland. Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxda heer gobol iyo heer degmo, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Duqa Degmada Qardho, iyo xubno kale oo muhiim ah. Dadweynaha ka qeyb galay kulanka ayaa muujiyey taageeradooda ku aaddan dadaallada Dawladdu ku doonayso in la horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee degmada, iyagoo soo jeediyey talooyin muhiim ah oo ku saabsan dardargelinta mashaariicda horumarineed. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa dhankiisa balanqaaday in waxyaabaha laga soo jeediyey iyo baahiyaha ay bulshada u soo bandhigeen laga qaadi doono tallaabooyin cadcad, islamarkaana laga shaqeyn doono sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu horumarinayo degmada iyo guud ahaan Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa dhagax dhigay waddo.

Buraan, Sep 19, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wefti uu hoggaaminayo ee Ku sugan Degmada Buraan ayaa Saaka dhagax dhigay Waddo 63 KM ah oo isku xiridoonta Buraan iyo Carmo, tasoo wax taridoonta isu socodka gaadiidka iyo kaabayaasha dhaaalaha. Sidoo kale waxay kormeer ku tageen Dugsigii hore ee Degmada Buraan. =DHAMMAAD= Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa dhagax dhigay waddo. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Dhahar September, 15, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan. Guddoomiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Saldhiga iyo baahiyaha ka jira ka dhagaystay Taliyaha qaybta Gobolka Haylaan iyo Saraakiisha ciidan, waxuuna ugu mahadceliyay shaqada ay u hayaan Bulshada ee sugidda Amniga iyo nabadgelyada. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa booqday Cusbitaalka weyn Degmada Dhahar, isagoo ay weheliyaan, Xildhibaano, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiro, Guddoonka Gobolkaaya iyo Degmada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay Saraakiisha caafimaadka ee cusbitaalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda ujooga Degmada iyagoo ka dhagaystay warbixino la xiriira baahiyaha ka jira gobolka iyo degmada ee dhanka caafimaadka, Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyn booqday qeybaha kala duwan ee Cisbitaalku ka kooban yahay si uu ugu kuurgalo baahiyaha ka jira. – DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaaan.

Dhahar, Sep 14,2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaaan. Weftiga Gudoomiyuhu Hoggaaminayay ayaa waxaa banaanka magaalada Dhahar kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Haylaan, kan degmada Dhahar, aqoon yahanka, saraakiisha ciidanka qalabka sida, cuqaasha, Ururka Haweenka, Dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha sida diiran ee loogu soo dhaweyeey degmada Dhahar isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, wuxuuna la wadaagay ujeedada safarkooda oo ku aaddan u kuurgelidda Baahida deegaanka, caqabadaha jiro iyo qorsheyaasha Dawladda Puntland. Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Gobolka Haylaan waxay kulamo la qaadaan doonaan maamulka Gobolka, kan degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay u helaan xog dhammaystiran oo ku saabsan shaqooyinka ka socda gobolka, baahiyaha jira iyo sidii wax looga qaban lahaa. =DHAMMAAD= Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaaan. Read More »

Fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, September 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisak Axmed Siciid ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta ayaa looga hadlay xaalka guud re dalka, waxaana warbixin looga dhageystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, taasoo la xiriirta Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada iyo Horumarinta hannaanka shaqo ee Golaha Wakiillada. Fadhiga ayaa intii uu socday waxaa sidoo kalena looga hadlay cabasho ka timi dadweynaha caasimadda Garoowe taasoo la xiriirta qiimaha biyaha sifaysan, waxaana loo saaray Guddiga gaar ah oo arrimahaas ka soo tallo-bixiya, iyo daraasad ugu soo sameeyaan cabashadaas warbixinna u soo gudbiyaan Guddiga Joogtada ah. Ugu dambeyn, waxaa guddiga joogta ah isla qaateen dar-dargelinta shaqada Guddiga Joogtada ah iyo in dabagal lagu sameeyo fulinta go’aamadii ka soo baxay kalfadhigii 54-aad ee Golaha Wakiillada. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Scroll to Top