Golaha Wakiillada

October 2024

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, Oktoobar 31, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhigan waxaa kasoo qaybgalay 57 mudane. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa loo qaybiyey Ajendaha Kalfadhiga 55-aad, iyada oo sidoo kale si rasmi ah loo guda galay ka doodista qodobada saddexaad iyo afaraad ee Ajendaha, kuwaas oo ka hadlaya Warbixinta Guddiga Joogtada ah iyo Warbixinnada Guddiyada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ka duulaya qodobka 42-aad, farqadiisa 7-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, ayaa soo gudbiyey warbixintii Guddiga Joogtada ah ee muddadii u dhaxaysay labada kalfadhi (54-aad iyo 55-aad). Warbixinta waxaa akhriyey Xoghayaha Guud, Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Sida ku cad Qodobka 13-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, Guddiga Joogtada ah ayaa u xil-saaran socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi, la socoshada dhacdooyinka iyo ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, hubinta barnaamijyada xukuumadda in loo fuliyey sidii loogu talagalay, u yeerista mas’uul kasta oo lagula xisaabtamo shaqada loo igmaday, ansixinta barnaamijyada iyo qorshayaasha shaqo ee Golaha, ka talo-bixinta arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada kale, kormeeridda shaqada wasaaradaha, hay’addaha Dowladda iyo kuwa aan Dawliga ahayn, iyo soo saarista baaqyo Baarlamaani ah mar kasta oo ay jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo bani’aadamnimo. Warbixinta Guddiga Joogtada ah oo ka koobnayd todobo qodob, ayaa si faahfaahsan uga hadashay kormeerada guddigu ku sameeyey Wasaaradaha iyo hay’adaha Puntland, booqashooyin ay ku tageen gobollada dalka, kulamo ay la qaateen Madaxda Hay’adaha caalamiga iyo safaro shaqo oo dalka dibediisa ah. Dhinaca kale, Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa soo jeediyey warbixin ku saabsan shaqooyinkii ay qabteen, iyo kormeeradii ay ku tageen Gobollada dalka, taas oo uu soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamuud Dhakuul Xirsi. Warbixintan ayaa iftiimisay kormeerada guddigu ka sameeyey gobollada dalka iyo hawlaha kale ee guddiga. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada

Garoowe, Oktoobar 30, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada waxaana fadhigan ka soo qaybgalay 57 mudane. Fadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay cod gacan-taag ah mid mid ugu codeeyeen una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad kaas oo goluhu ku hawlgeli doono inta uu kalfadhigan socdo. Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad ayaa waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4aad ee Xeer-hoosaadka Golaha kaas oo dhigaya in ajandaha qabyo-qoraalka ah ee kalfadhigu uu Golaha la horkeeno ayna Xildhibaannadu ka doodaan ka hor ansixinta ajandaha rasmiga ah. Cod gacan-taag ah oo la qaaday, waxaa ajandaha ansixiyey 50 xildhibaan, halka uu diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay 6 mudane. Maalinta berri, Oktoobar 31, 2024, oo ay mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ee kalfadhigan, ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa ajandaha rasmiga ah ee maanta la ansixiyey, haddii Alle idmo. Ajandahan ayaa xambaarsan qodobbo muhiim ah oo Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaga arrinsan doono hawlaha muhiimka ah ee horyaalla xilligan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Read More »

Xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Garoowe, Oktoobar 28, 2024 – Xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wasaaradaha muhiimka ah ee Puntland, kuwaas oo kala ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Caafimaadka, iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray horumarka, caqabadaha, iyo adeegyada muhiimka ah ee wasaaraduhu bulshada u qabtaan, si loo xaqiijiyo tayada iyo waxtarka hay’adaha dowladda. Korjoogtayntan oo qayb ka ah dadaallada Baarlamaanka Puntland iyo Federaalka ee ku wajahan la socodka hirgelinta adeegyada bulshada ayaa ku qotontay sidii loo xoojin lahaa isku-xirka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Korjoogtaynta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa xubnaha Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda waxbarashada Puntland, iyaga oo si gaar ah u sharaxay dedaallada waxbarasho ee lagu hagaajinayo tayada waxbarashada iyo helitaanka waxbarasho oo loo siman yahay. Qodobada muhiimka ah ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa kobcinta tayada macallimiinta iyo manhajka waxbarashada, si heer caalami ah loo gaaro. Xubnaha Baarlamaanka ayaa soo dhoweeyey dadaalladan, iyaga oo ku booriyey wasaaradda in ay xooga saarto sidii loo heli lahaa adeeg waxbarasho oo tayo leh oo ka faa’iidayaan dhammaan ardayda Puntland. Sidoo kale, barnaamijyo waxbarasho gaar ah ayaa lagu taageerayaa dhallinyarada iyo haweenka, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, si loo abuuro dhallinyaro xirfad leh oo hogaamin kara horumarka dalka. Tani waxay qayb ka tahay dedaallada lagu dardar gelinayo waxbarashada sare iyo in loo fududeeyo helitaanka waxbarasho tayo leh. Korjoogtaynta Wasaaradda Caafimaadka Xubnaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale kormeeray Wasaaradda Caafimaadka, halkaas oo ay mas’uuliyiinta wasaaraddu ku soo bandhigeen xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka iyo qorsheyaasha lagu kobcinayo daryeelka caafimaad ee dadweynaha. Waxay diiradda saareen sidii loo horumarin lahaa adeegyada hooyada iyo dhallaanka, iyaga oo xarumo caafimaad cusub ka furay deegaanada fog si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee dadka aan heli karin adeegyada ku yaal magaalooyinka waaweyn. Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa sidoo kale la wadaagay xubnaha Baarlamaanka qorshayaal ka dhan ah cudurrada faafa, iyaga oo ku baraarujiyay muhiimadda tallaalka iyo wacyigelinta bulshada. Xubnaha Baarlamaanka ayaa kula taliyey wasaaradda in ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah iyo in xirfadlayaasha caafimaadka gudaha ay gacan ka geystaan sidii loo gaari lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh. Korjoogtaynta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Mas’uuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa xubnaha Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan hawlaha ay wasaaraddu ka qabatay arrimaha qoyska, xoojinta xuquuqda haweenka, iyo taageerada loo fidiyo qoysaska nugul. Waxyaabaha muhiimka ah ee laga hadlay waxaa ka mid ah xoojinta kaalinta haweenka ee bulshada iyo dhaqaalaha, iyada oo wasaaraddu fulineyso barnaamijyo kor loogu qaadayo heerka xirfadaha haweenka si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka. Xubnaha Baarlamaanka ayaa si gaar ah u bogaadiyey tallaabadan, iyaga oo ku dhiirigeliyey wasaaradda in ay sii waddo dadaalladaas. Sidoo kale, wasaaraddu waxay tilmaantay in ay ka shaqeyneyso barnaamijyo lagu taageerayo qoysaska danyarta ah iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa xuquuqda haweenka iyo caruurta, iyada oo la dadajinayo arrimaha la xiriira taageerada bulshada. Xubnaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay in wasaaraddu xoojiso kaalmada ay bixiso, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah. Gabagabada Kormeerka maanta Kormeerka ayaa si weyn loogu boggaadiyey dedaallada wasaaradaha ee la xiriira horumarinta waxbarashada, caafimaadka, iyo arrimaha haweenka iyo qoyska. Xubnaha Baarlamaanka Puntland iyo kuwa Federaalka ayaa ku adkeeyey wasaaradaha in ay sii xoojiyaan shaqooyinka muhiimka ah ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Waxa ay ballanqaadeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta, si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Read More »

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA OO QAABILAY XUBNO KA SOCDA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA.

Garoowe, Oktoobar 27, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse, iyo xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Puntland, ayaa maanta si rasmi ah u qaabilay xubno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kormeerkani wuxuu ku saabsanaa in Xubnaha labada Aqal ee BJFS si dhow ugu kuurgalaan shaqooyinka Golaha Wakiilladda DPL & habraacyada maamul ee xafiisyada kala duwan. Wafdiga Baarlamaanka JFS ayaa kormeerkooda ku bilaabay Xafiiska Guddoonka Golaha Wakiillada, halkaas oo ay ka war heleen qaab-dhismeedka iyo istaraatiijiyada shaqo ee xafiiska. Sidoo kale, waxay soo booqdeen Xafiisyada Hawl-wadeennada iyo hoolalka shirarka ee Guddiyada, Martida iyo Hoolka weyn ee Golaha. Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo hirgelinta iyo dardargelinta iskaashiga ku saleysan dastuurka iyo shuruucda dalka. Madaxda labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan inta ay ku sugan yihiin Garoowe muhiimadda ay leedahay in xiriirka Dawladnimo lagu saleeyo qiyamka wadajirka, horumarka, iyo ilaalinta mas’uuliyadda wadaagga ah ee u dhexeysa Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah. Kulanku wuxuu diiradda saarayay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta mustaqbalka, taas oo muhiim u ah dhisidda xiriir waara oo daahfuran, kor u qaadidda adeegyada bulshada, xoojinta amniga, iyo dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Puntland iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya. — DHAMMAAD — Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland https://fb.watch/vucPXZNCE0

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA OO QAABILAY XUBNO KA SOCDA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA. Read More »

FURITAANKA KAL-FADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND: MADAXWEYNE SICIID CABDULLAHI DENI OO JEEDIYAY KHUDBAD DASTUURI AH.

Garoowe October 24, 2024 –Furitaanka Kal-fadhiga 55-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah laba Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyay Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

FURITAANKA KAL-FADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND: MADAXWEYNE SICIID CABDULLAHI DENI OO JEEDIYAY KHUDBAD DASTUURI AH. Read More »

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, October 22, 2024: Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), xafiiska Puntland ee Garoowe. Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa korjoogteynta shaqooyinka muhiimka ah ee laanta iyo sidii loo xaqiijin lahaa in adeegyada socdaalka iyo jinsiyadaha ay u socdaan si waafaqsan shuruucda dalka, ayna daboolayaan baahiyaha shacabka. Guddiga ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha xafiiska, waxayna ka dhegaysteen warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan shaqada socota, horumarka la sameeyay, iyo caqabadaha jira. Guddigu wuxuu si gaar ah u dar-daarmay shaqaalaha xafiiska in ay sii xoojiyaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada laanta ay noqdaan kuwo hufan oo la jaanqaadaya shuruucda iyo hab-raacyada loo dejiyey. Maamulka iyo shaqaalaha laanta ayaa dhinacooda soo bandhigay waxqabadkooda, iyagoo si buuxda ula wadaagay Guddiga warbixinnadii ay diyaariyeen. Intii ay kormeerka ku jireen, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay mas’uuliyiinta laanta shaqooyinka ay qabtaan iyo hannaanka wada shaqeynta ee hay’adaha kale ee Dawladda. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo wada shaqeynta u dhaxeysa Laanta Socdaalka iyo JinsiyadahaJFS iyo Dawladda Puntland, si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka. Kormeerka Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo tayada adeegyada muhiimka ah ee Dawladda iyo in laanta ay si hagar la’aan ah ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirka daneeyayaasha doorashooyinka Puntland

Qardho, October 19, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Banbaxa ee daneeyayaasha doorashooyinka Puntland. Shirkan waxaa kale oo ka qeyb-galay xildhibaano, wasiiro, Guddiga Doorashooyinka Puntland, iyo daneeyayaasha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale lagu casuumay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyaynta Puntland. Ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu falanqeeyo casharadii laga bartay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, si loo horumariyo qaabeynta doorashooyinka mustaqbalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray caqabado iyo fursado horyaalla nidaamka doorashooyinka, iyadoo la raadinayo xalal wax ku ool ah. Guddoomiye Abdirisak Axmed Siciid ayaa shirkan ku soo bandhigay warbixin muhiim ah oo ku saabsan qaababka doorashooyinka kala duwan ee dalka soo maray, isagoo soo jeediyey talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka doorashada. Kulankan ayaa muujinaya sida Dowladda Puntland ay u go’an tahay kor u qaadista dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka bulshada ee go’aannada siyaasadeed, taasoo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka ee ku aaddan mustaqbal ifaya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirka daneeyayaasha doorashooyinka Puntland Read More »

Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo ka qeyb-galay Daah-furka Xakameynta Hubka

GAROOWE, OCTOBER 19, 2024 – Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Daah-furka xakameynta hubta, waxaana shirkaasi lagu qabtay Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka socda laamaha amniga, maxkamaddaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, iyo Duqa Degmadda Garoowe. Ujeedada shirka ayaa ah in la xoojiyo xakameynta hubka si loo ilaaliyo amniga bulshada. Xildhibaan Mohamed Mursal Mohamed , oo ka mid ah Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in la sameeyo nidaam waara oo lagu maareeyo hubka, iyadoo Golaha Wakiilladuna diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Amniga. Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay qodobo muhiim ah, sida sharciyeynta hubka, kormeerka amniga, iyo ka qeybgalka bulshada. Shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo nidaamyo waxtar leh oo lagu xakameeyo hubka, isla markaana la dhiirrigeliyo wacyigelinta bulshada.Shirku wuxuu muujiyay baahida loo qabo in Puntland ay hesho nidaam cad oo xakameynaya hubka, taas oo gacan ka geysan doonta xasiloonida gobolka iyo amniga. Guddiga Amniga & Nabadgelyada ayaa tilmaamay in dadaalladaasi ay muhiim u yihiin mustaqbal ifaya oo ammaan ah.- DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland

Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo ka qeyb-galay Daah-furka Xakameynta Hubka Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Garoowe, Oktoobar 16, 2024 – Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada ee Puntland, gaar ahaan tacliinta sare iyo dugsiyada hoose iyo dhexe. Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa warbixinno ka bixiyay heerarka waxbarashada, caqabadaha taagan, iyo qorshayaasha lagu xallinayo dhibaatooyinka jira. Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada iyo sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha muhiimka ah ee dugsiyada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Read More »

Scroll to Top