Golaha Wakiillada

October 2024

Kormeer shaqo dekedda magaalada boosaaso.

Boosaaso, October 06, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekedda Boosaaso, oo ah mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaale ee dalka. Intii uu kormeerku socday, wafdiga ayaa booqday qaybaha kala duwan ee dekedda oo ay ka socdaan hawlo dhismo iyo horumarineed. Guddoomiye ku-xigeenka iyo wafdigiisa waxay warbixin ka dhageysteen masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha Puntland, kuwaas oo xaqiijiyay in shaqada dekedda ay si habsami leh u socoto, iyadoo ay ku xiran yihiin maraakiib badan oo adeegyo ganacsi kala duwan wadda. Masuuliyiinta Dekedda ayaa tilmaamay in dekedda la ballaariyay, isla markaana ay sii socoto shaqooyinka horumarineed, taas oo ka dhigaysa dekedda mid awood u leh in ay wax weyn ka qabato baahiyaha ganacsi ee Puntland. Dekedda Boosaaso ayaa door muhiim ah ka qaadata kobaca ganacsiga gobolka, gaar ahaan soo dejinta iyo dhoofinta badeecooyinka muhiimka ah. Kormeerka wafdiga ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in dekedda ay sii ahaato mid casri ah oo u adeegi karta baahiyaha ganacsi ee Puntland iyo guud ahaan gobolka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Kormeer shaqo dekedda magaalada boosaaso. Read More »

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe Garoowe, October 06, 2024 – Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, Mudane, H.E Ilyas Osman Lugatoor , oo safar shaqo dalka uga maqnaa. Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa sidoo kale ka qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiil ciidan, maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, iyo dadweyne kale oo badan oo isu soo baxay. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa safar ku tagay qaar ka mid ah dalalka Yurub, halkaas oo uu kulamo la yeeshay madax dawladaha, lagana hadlay maal-gashi iyo taageero ku aaddan horumarinta dalka Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe. Read More »

Xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland,

Boosaaso, Oktoobar 03, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni. Dhismahan cusub ayaa lagu wadaa inuu kor u qaado adeegyada wasaaradda, isagoo bixin doona adeegyo casri ah oo wax ka taraya maareynta iyo horumarinta kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee muhiimka u ah dhaqaalaha Puntland. Munaasabaddan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dawladda Puntland ay ku xoojinayso waaxyaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, waxaana madasha laga xusay muhiimadda iskaashiga hay’adaha Dawladda si loo hormariyo adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, Read More »

Kulanka Goleyaasha Dawladda & Dadweynaha Magaalafda Boosaaso

Boosaaso, October 02, 2024 – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, kana kooban Goleyaasha Dawladda ayaa caawa Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Boosaaso kulan kula la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso. Kulanka ayaa qeyb ka ahaa booqashooyin wafdigu ku marayaan gobolka, iyaga oo ka shaqeynaya kor u qaadista adeegyada bulshada, amniga, iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo shacabweynaha. Kulankan, waxa uu xooga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dadweynaha. Waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Duqa Degmadda Carmo, saraakiil ka tirsan ciidamada amniga, aqoonyahanno, haweenka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo talooyin muhiim ah ka dhiibtay arrimaha horumarka, amniga, iyo maamulka suuban. Guddoomiye Hon. Mohamed Baarri Shire oo madasha hadal ka jeediyey, ayaa u sheegay dadweynaha in dawladdu ka go’an tahay inay sii xoojiso adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in amniga Boosaaso uu yahay arrin mudnaan gaar ah leh, isagoo ballan qaaday in Dawladda Puntland uu si dhow ula shaqeyn doono bulshada iyo ciidamada amniga si loo sugo deganaanshaha iyo horumarka guud ee magaalada. Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Duqa Degmada Boosaaso ayaa iyaguna madasha ka jeediyay khudbado dhiirigelin leh, iyaga oo ku bogaadiyay shacabka sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dawladda Puntland si loo gaadho himilooyinka waaweyn ee horumarineed. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo wadajir iyo midnimo si looga gudbo caqabadaha ku xeeran gobolka. Gunaanad Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi isfaham leh, iyada oo la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo midnimada bulshada iyo dawladda si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Puntland. Tallaabooyinkan ayaa la filayaa in ay wax ka tari doonaan yoolka fog ee Dawladda Puntland ee ku saleysan dhismaha bulsho ku tiirsan nabadgelyo iyo horumar waara. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Kulanka Goleyaasha Dawladda & Dadweynaha Magaalafda Boosaaso Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland.

   Kormeer Shaqo ee Guddiga Arrimaha Bulshada oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland. Boosaaso, Oktoobar 02, 2024 – Guddiga Arrimaha Bulshada ee ka tirsan wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Golaha Xukuumadda, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Boosaaso. Xarumaha la kormeeray waxaa ka mid ahaa Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bari, Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH), Isbitaalka Weyn ee Boosaaso, Shirkadda Biyaha ee GUMCO, Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Bari, iyo Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari. Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd qiimeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada ee magaalada Boosaaso. Wafdigu waxay kulammo la yeesheen mas’uuliyiinta xarumahaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda adeegyada ay bixiyaan iyo caqabadaha ka jira, si loo dardargeliyo qorshayaasha lagu hagaajinayo adeegyadaas. Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bari, wafdigu waxay kula kulmeen madaxda caafimaadka gobolka si ay u qiimeeyaan adeegyada caafimaadka iyo sida loo horumarin karo adeegyada bulshada loogu talagalay, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysta adeegyada caafimaadka ee heer gobol. Isbitaalka Weyn ee Boosaaso, guddigu waxay si gaar ah u booqdeen qaybta daryeelka degdegga ah ee ICU, oo ah halka lagu baxnaaniyo bukaanada xaaladaha halista ah, gaar ahaan kuwa u baahan mashiinnada neefta. Sidoo kale, waxay kormeereen qaybta lagu dhaqo bukaannada kelyaha xanuunsan, taas oo muhiimad weyn u leh bulshada ku nool Boosaaso iyo nawaaxigeeda. Intii uu socday kormeerka, wafdigu waxa ay aad ugu bogaadiyeen shaqaalaha caafimaadka dadaalka dheeraadka ah ee ay ku bixiyaan daryeelka bukaannada, waxayna ballanqaadeen in Dowladda Puntland ay sii wadi doonto taageerada lagu xoojinayo tayada iyo qalabka caafimaadka. Shirkadda Biyaha ee GUMCO, wafdigu waxay la kulmeen madaxda shirkadda iyagoo kala hadlay horumarinta iyo ballaarinta adeegyada biyaha si magaalada iyo nawaaxigeedu ay u helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Waxaa la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya shirkadda iyo hay’adaha dowladda si loo gaaro isbeddel waara oo ku saabsan adeegyada biyaha. Sidoo kale, wafdigu waxay booqdeen Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Bari, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta wakaaladda si ay ugala hadlaan dadaallada socda ee lagu horumarinayo bixinta adeegyada biyaha. Wafdigu waxay bogaadiyeen tallaabooyinka la qaaday ee lagu ballaarinayo adeegyada biyaha si bulshada gobolka ay ugu helaan biyo nadiif ah oo ku filan. Booqashada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari waxay ku saabsaneyd kor u qaadidda adeegyada waxbarashada iyo sidii loo dardargelin lahaa qorsheyaasha tayeynta waxbarashada gobolka. Wafdigu waxay la kulmeen madaxda wasaaradda oo ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha waxbarashada iyo horumarinta dugsiyada. Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaalka wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo diiradda saaraya qiimeynta iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Guddiga Arrimaha Bulshada oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top