Golaha Wakiillada

November 2024

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhigan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo dhowr ah; Garowe, Nofeembar 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo dhowr ah; Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Golaha la wadaagay ajandaha fadhiga maanta, waxa uuna ugu horayn u yeeray Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha si ay u soo jeediyaan buuxinta kursiga bannaan ee Golaha. Intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha, Mudane Maxamed Siciid Qoslaaye, ayaa soo jeediyay in Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud uu si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib markii uu buuxiyay dhammaan shuruudaha. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyay in la buuxiyo kursi bannaan oo ka mid ah xubnaha golaha. Dhaariinta iyo aqoonsiga Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud. Sidoo kale, fadhiga ayaa lagu ansixiyey xasaanadda Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, Mudane Faarax Aw Cismaan. Xasaanaddan ayaa si rasmi ah u aqoonsanaysa xilka Wasiiru Dowlaha, taasoo ka dhigan in Mudane Faarax uu si hufan uga hawlgali doono Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, taasoo qayb ka ah dadaallada Dawladda ee horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka. Dhinaca kale, Golaha Wakiillada ayaa xubnaha golaha u qeybiyey qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sannadka 2025, taasoo maanta ay soo gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland. Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay labo guddi kuwaas oo kala ah; Guddiga soo ururinta xogta gobollada, kuwaas oo loo xil-saaray ururinta iyo falanqaynta xogta ku saabsan xaaladaha gobollada Puntland, taasoo gacan ka geysan doonta qorsheynta horumarineed ee deegaanada kala duwan. Sidoo kale, Guddiga la xisaabtanka Golaha Xukummadda iyo xogta arrimaha garsoorka ayaa loo magacaabay si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka dowladda, iyagoo ka shaqeyn doona hubinta in maamulka Puntland uu u shaqeeyo si cadaalad ah oo hufan. Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta mashaariicda iyo siyaasadaha muhiimka ah ee dalka, isagoo ka shaqeynaya sidii loo abuuri lahaa horumar waara oo ka tarjumaya baahiyaha shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA.

Garowe, Nofeembar 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah uga soo qeyb-galay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, kuwaas oo su’aalo kala duwan looga weydiiyey xaaladda guud ee garsoorka Puntland. Arrimaha si gaar ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ah hufnaanta, madax-bannaanida garsoorka, iyo dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda. Ugu horreyn, waxaa hadal kooban Golaha ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland, Mudane Xassan Yuusuf Nuur, oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee maxkamadaha iyo garsoorka Puntland ee xaqiijinta cadaaladda. Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda iyo horumarka adeegyada garsoorka ee Puntland, iyagoo sidoo kale iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas. Xogta la soo bandhigay waxay muujineysaa in sannadkan uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ka shaqeeyey 5,085 dacwo. Sidoo kale, Guddiga ayaa iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas iyo fulinta go’aamada ay Maxkamadu soo saartay iyo sare u qaadista adeegga garsoorka si loo gaarsiiyo deegaanada aan weli laga hirgelin maxkamado iyo hannaanka horumarinta Garsoorka Puntland iyo sidii caqabadaha looga gudbi lahaa. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday caqabadaha haysta garsoorka, iyaga oo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada loo fidiyo adeeg caddaaladeed oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa ku booriyey wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha sharci-dejinta iyo garsoorka, isagoo sheegay in wada-shaqeyntan ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta caddaalad loo siman yahay oo hufan. Golaha Wakiillada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan la xisaabtanka iyo dhiirrigelinta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo in Puntland ay hesho nidaam garsoor oo caddaalad ku dhisan. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA. Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA DEKEDAHA IYO GAADIIDKA BADDA DAWLADDA PUNTLAND

Garowe, Nofeembar 24, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland. Intii uu socday fadhigu, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Mudane, Shaakir Maxamed Guulleed, Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, iyo saraakiisha kale, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, horumarka laga sameeyay adeegyada dekedaha, iyo caqabadaha haysta hawlgalka wasaaradda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sheegay in fadhigan uu qayb ka yahay nidaamka isla xisaabtanka hay’adaha Dawladda, si loo hubiyo in waajibaadka ay u xilsaaran tahay, qorshayaasha iyo baahiyaha iyo caqabadaha jira sidii wax looga qaban karo. Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sharaxaad ka bixiyey dadaallada joogtada ah ee wasaaradda, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegsiga dekedaha Puntland, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha gaadiidka badda. Waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxda wasaaradda arrimaha la xiriira waxqabadka iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Golaha ayaa ku bogaadiyey wasaaradda horumarka la gaaray, iyadoo loo soo jeediyey talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo hawlaha mustaqbalka. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

LA XISAABTANKA WASAARADDA DEKEDAHA IYO GAADIIDKA BADDA DAWLADDA PUNTLAND Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA DUULISTA HAWADA IYO GAROOMADA EE DAWLADDA PUNTLAND.

Garowe, Nofeembar 24, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland. Ugu horay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Cabdullaahi Bille Nuur, oo ay wehliyeen Wasiiru Dawlaha iyo Agaasimaha Guud, iyo Saraakiisha Wasaaradda ayaa Golaha u soo gudbiyey warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, horumarka la gaaray, iyo caqabadaha ku hor gudban hawlgalka wasaaradda. Fadhiga ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta waxqabadka wasaaradda iyo in la fahmo caqabadaha haysta fulinta waajibaadka dowladda, iyadoo lagu saleynayo nidaamka isla xisaabtanka hay’adaha dowladda. Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay soo bandhigeen horumarada la sameeyay, oo ay ka mid yihiin shaqada joogtada ah ee garoomada Puntland iyo adeegyada duulimaadyada caalamiga ah ee sii kobcaya, gaar ahaan garoomada Boosaaso iyo Garoowe. Waxa kale oo lagu xusay duruufaha saameeya hawlgallada iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo kaabayaasha duulista hawada. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada waxay maamushaa dhammaan siyaasadaha iyo horumarinta garoomada Puntland, kuwaas oo isku jira garoomo caalamiya iyo kuwo yaryar, iyagoo dhammaan arrimaha khuseeya duulimaadyada rayidka ee Dowladda Puntland hoos yimaadaan. Intii uu socday fadhiga, xildhibaannada ayaa weydiiyay su’aalo ku saabsan lacagaha Ticketka ee dadka laga qaado, horumarinta Garoomada, Maareynta kharashaadka laga qaado dadka isticmaala Airporada, heshiiyadda lala galay shirkadaha Ajenbiga ah, tayada iyo badbaadada duulimaadyada, iyo wada shaqeynta wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee duulista hawada. Kulanka ayaa si weyn diiradda u saaray dardargelinta isla xisaabtanka iyo xaqiijinta in adeegyada dowladda loo qabto bulshada si hufan oo waxtar leh. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

LA XISAABTANKA WASAARADDA DUULISTA HAWADA IYO GAROOMADA EE DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA PUNTLAND.

Garowe, Nofeembar 23, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray la xisaabtanka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay wehliyaan Wasiiru-dawlaha, Ku-simaha Agaasimaha Guud, iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda, ayaa Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira. Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaysa in dhammaan Gobollada ay si rasmi ah ugu yaalaan in ka badan 422 Xarumood oo caafimaad. Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer u weydiiyey Wasaaradda su’aalo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: heerka fulinta qorshayaashii caafimaadka ee lagu ballanqaaday, sababaha keena dib-u-dhac ku yimaada gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka fog, tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka Puntland. Sidoo kale, waxay wax ka weydiiyeen xaaladda isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku yaalla deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn; miisaaniyadda iyo maareynta kharashaadka caafimaadka iyo sida loo hubiyo inay si hufan u adeegaan baahiyaha bulshada; iyo heerka wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka Puntland. Kulanka waxaa lagu soo jeediyey talooyin muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo tayo leh deegaannada fogfog iyo kuwa nugul. Golaha Wakiillada ayaa ku adkeeyey Wasaaradda Caafimaadka inay dardargeliso dadaallada ku aaddan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana ay xoogga saarto isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka. Fadhiga ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xaqiijinayo Dawlad wanaag iyo dabagalka waxqabadka hay’adaha Dawladda, kaas oo ku xusan qodobka 6aad ee Ajanadaha Kalfadhiga. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

LA XISAABTANKA WASAARADDA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Garowe, Nofeembar 19, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Kulankan, oo muhiimad gaar ah lahaa, waxaa warbixin ku saabsan waxqabadka, guulaha, iyo caqabadaha horumarineed soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamuud Maxamed Cumar (Daa’ud), oo ay weheliyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha wasaaradda sida mashaariicda iyo qorsheyaasha soo socda . Xubnaha Golaha Wakiillada ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka, iyagoo diiradda saaray caqabadaha iyo saamaynta mashruucyada la fuliyay. Fadhiga ayaa ku dhammaaday si guul ah, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda sii wadista dadaallada horumarineed. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND

Garowe, Nofeembar 18, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan ayaa lagu falanqeeyey la xisaabtanka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, iyadoo uu shirku ku salaysnaa qodobka 64-aad, farqaddiisa 17-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo awood siinaya Golaha in ay kormeeraan Golaha Xukuumadda. Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa Golaha hor keenay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan maamulka dhaqaalaha Dawladda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay arrimaha dhakhliga, kharashaadka, xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, qoondada caasimadda Garowe, lacagta horumarinta waxbarashada, canshuuraha, iyo ganaaxyada. Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay mudnaan gaar ah siisay dayactirka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo buundooyinka, taas oo qayb weyn ka qaadatay fududeynta isu socodka dalka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxa uu tilmaamay in mashruucyadani ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin horumarinta deegaannada iyo isku xirka gobollada Puntland. Xildhibaannada ayaa Wasaaradda wax ka weydiiyay arrimaha xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, ciidamada Dawladda, xuquuqda shaqaalaha, maalgelinta adeegyada bulshada, iyo hirgelinta qorshayaal lagu xoojinayo hufnaanta maamulka maaliyadeed. Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay xooga saartay dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo kor u qaadidda maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, beeraha, iyo kalluumaysiga. Wasiirku wuxuu sheegay in la hirgeliyay nidaamyo taageeraya ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, si loo dhiirrigeliyo shaqo abuurka, loona yareeyo ku-tiirsanaanta kaalmada dibadda. Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa doodo iyo su’aalo ku saabsan warbixinta Wasiirka ku iftiimiyey muhiimadda ay leedahay joogteynta horumarka dhaqaalaha, xoojinta nidaamka dakhliga gudaha, iyo yareynta kharashaadka aan muhiimka ahayn. Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulanka ku soo gabagabeeyey talooyin ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nidaamyada maaliyadeed ee Dawladda Puntland, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

LA XISAABTANKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND Read More »

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada

Garowe, Nofembar 17, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada, kaas oo lagu la xisaabtay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland. Fadhiga oo diiradda lagu saaray waxqabadka iyo waajibaadka Wasaaradda, ayaa waxaa hortimid Wasiirka Wasaaradda, Marwo Ubax Cabdirashiid, Wasiir Ku-xigeenka Axmed Siciid Qaloonbi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda, oo ay ku jiraan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha. Ugu horayn, Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrisay warbixin ka hadlaysa Wasaaradda, shaqooyinka ay qabteen. Intaa kadib,Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan sida ay uga jawaabtay xaaladaha masiibooyinka ee ka dhacay Puntland, sida fatahaadaha iyo abaaraha, Tallaabooyinka loo qaaday ka hortagga masiibooyinka iyo diyaarinta adeegyo degdeg ah oo wax-ku-ool ah. Iskaashiga iyo Hufnaanta: Habka ay Wasaaraddu ula shaqeyso hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidii loo xaqiijin lahaa hufnaanta maamulidda miisaaniyadda. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Marwo Ubax Cabdirashiid, ayaa uga jawaabtay su’aalaha Golaha, iyadoo soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda dadaallada ay ku bixinayso adeegyada gargaarka, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda isla xisaabtanka iyo hufnaanta shaqo ee hay’adaha Xukuumadda. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo hubinta waxtarka adeegyada loo fidiyo bulshada Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Read More »

LA XISAABTANKA HAY’ADAHA AMNIGA EE DAWLADDA PUNTLAND.

Garowe, Nofeembar 16, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray la xisaabtanka hay’adaha fulinta ee Dawladda Puntland, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya sugidda Amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagaxisada. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo DDRta, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Darwiishta, Agaasimaha Hay’adda Nabad-suggida, iyo saraakiil kale oo muhiim ah ayaa kulanka ka qayb galay. Mas’uuliyiintaas ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga Puntland iyo tallaabooyinka lagu sugayo xasilloonida, iyadoo sidoo kale lagu faah-faahiyay caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada kala duwan. Warbixinaha ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka hay’adaha Amniga, qorsheyaasha lagu xoojinayo badqabka magaalooyinka iyo xuduudaha fogfog, iyo hawlgallada lagu beegsanayo kooxaha khatarta ku haya nabadda. Waxaa sidoo kale la faah-faahiyay dib-u-habeynta xarumaha xabsiyada, hagaajinta daryeelka maxaabiista, iyo hirgelinta nidaamyo waafaqsan xuquuqda aadanaha. Intii uu kulanku socday, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa mas’uuliyiinta su’aalo ka weydiiyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee amniga, hawlgallada ciidamada, habka dalacsiinta, mushaarka ciidamada, iyo khasaaraha mararka qaar soo gaara shacabka intii lagu guda jiray hawlgallada. Waxaa sidoo kale laga dooday qorsheyaasha lagu tayeynayo ciidamada kala duwan, oo ay ku jiraan tababarada iyo qalabeynta, si loo hagaajiyo awooddooda fulineed. Mas’uuliyiinta Amniga ayaa ku dheeraaday sharaxaadda hawlgallada socda, qorsheyaasha mustaqbalka, iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan. Waxay kaloo tilmaameen dedaallada lagu horumarinayo Amniga xuduudaha Puntland, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxaha khatarta ah. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ku adkeystay in la dar-dargeliyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, lana xoojiyo barnaamijyada lagu horumarinayo Amniga, tayeynta xabsiyada, iyo wacyigelinta shacabka si looga hortago khataraha xagjirnimada. Golaha ayaa kula dar-daarmay hay’adaha Amniga sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan ka shaqeynta Amniga isla markaana ay kor u qaadaan isku-xirka laamaha amniga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo badbaadada dadka reer Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

LA XISAABTANKA HAY’ADAHA AMNIGA EE DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND.

Garoowe, Nofeembar 12, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajendaha kulankan ayaa ahaa sii wadista doodda iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo isbeddel iyo kaabis ay ku sameeyeen Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada. Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerka, si loo turxaan bixiyo loona waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Fadhiga maanta oo ahaa maalintii saddexaad ee doodda ku saabsan xeerkan, ayaa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey. Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, kadibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan. Intii uu Guddigu diyaarinayey soo jeedinta, waxa uu talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo arrimaha sharciga khuseeya. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday isbeddellada lagu sameeyey xeerkan, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo. Xeerka Qareennada Puntland, oo muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan. Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND. Read More »

Scroll to Top