Golaha Wakiillada

November 2024

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

  ·  Garoowe, Nofeembar 10, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajendaha kulankan ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo ay Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada ku sameeyeen isbeddel & kaabis. Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka, si loo turxaan bixiyo una waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Fadhiga maanta oo xildhibaannadu ku lafagureen xeerka, ayaa waxa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey xeerka. Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, ka dibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan. Guddiga ayaa intii uu diyaarinayey soo jeedinta, talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo ay khusayso arrimaha sharci. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka. Guddoomiyaha Guddiga ayaa caddeeyey in dood iyo falanqayn dheer ka dib la sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis ay ku jiraan: 14 qodob oo la tiray ama laga saaray xeerka. 4 qodob oo cusub oo lagu soo kordhiyey. 28 qodob oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ka dooday isbeddelada lagu sameeyey xeerka, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo. Xeerka Qareennada Puntland oo ah xeer muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan. Dooda la xiriirta Wax-ka-bedelka Xeerka Qareennada Puntland ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda Haddii Alle idmo. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, Nofeembar 6, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa qeybinta Wax-ka-baddelka Xeerka Qareennada Puntland oo guddiga shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiilladu ay gacanta ku hayeen islamarkaana akhrinta la baad ku sameeyeen,iyagoo latashi Kala sameeyey daneeyayaasha kala duwan ee xeeerku khuseeyo. Xeerka Qareennada ayaa loogu talagalay inuu nidaamiyo shaqada qareennada Puntland, isagoo dejinaya hage iyo sharciyo cad oo u suurta galinaya qareennada inay si madaxbannaan uga shaqeeyaan difaaca xuquuqda dadweynaha. Sidoo kale, xeerkan ayaa looga gol leeyahay xoojinta ku dhaqanka sharciga, ilaalinta caddaaladda, iyo kor u qaadista kalsoonida dadweynaha ee nidaamka caddaaladeed ee Puntland. Xeerkan wuxuu awood siinayaa qareennada Puntland inay difaacaan xuquuqda dadka iyada oo aan cabsi laga qabin in shaqadooda lagu farageliyo. Golaha Wakiillada Puntland ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey wax-ka-baddelka xeerka, iyagoo sheegay in uu muhiim u yahay horumarinta nidaamka caddaaladda. Xubnaha golaha ayaa isku raacay in xeerkan uu horseedi doono nidaam caddaaladeed oo hufan, isla markaana ay Puntland ka hirgeliso nidaam sharci oo ku dhisan cadaalad iyo sinaan. Goluhu wuxuu qorsheynayaa in fadhiyada dambe la sii ambaqaado doodaha la xiriira xeerkan, si loo dhammeystiro isla markaana loo ansixiyo si buuxda. – DHAMMAAD –

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Garoowe, Nofeembar 5, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan ayaa diiradda lagu saaray warbixinta kormeeradii Golaha Wakiillada ee gobollada Karkaar, Bari, iyo Raascasayr, oo lagu sameeyay intii u dhaxaysay kalfadhiyada 54aad iyo 55aad. Kormeerkaas ayaa ku qotomay qiimeynta xaaladda adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo caqabadaha ka jira gobolladaas. Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in Golaha Wakiillada uu ka soo ururiyo xog rasmi ah oo ku saabsan baahiyaha bulshada, si loo xaqiijiyo doorka xildhibaannada ee metelaadda shacabka iyo ilaalinta danta guud. Xildhibaannadu waxay la kulmeen bulshooyinka deegaanka, iyagoo dhageystay baahiyadooda iyo cabashooyinkooda, si loo dejiyo qorshayaal wax ku ool ah oo loogu horumarinayo adeegyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, waddooyinka, amniga, iyo garsoorka. Baahiyaha iyo Caqabadaha Taagan Kormeerka ayaa lagu ogaaday caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Waxbarashada: Iskuullo qaar ayaa laheyn gaadiid gaar ah, iyo agabkii waxbarashada ee loo baahnaa, taasoo xaddidaysa fursadaha waxbarasho ee carruurta. Biyaha: Biyo-yari ayaa saameyn ku yeelatay deegaanno badan oo ku yaalla gobollada Puntland, iyadoo tuulooyin badan ku tiirsan yihiin ceelal kooban ama biyo laga soo dhaansado meelaha fog. Caafimaadka: Xarumo caafimaad oo ku filan ayaan jirin gobolladan, waxaana la sheegay in qalab iyo daawooyin kooban ay caqabado ku yihiin bixinta adeegyada caafimaad. Garsoorka iyo Amniga: Baahi weyn ayaa loo qabaa in la xoojiyo laamaha garsoorka iyo booliska si loo sugo amniga iyo cadaaladda bulshada. Waxaa muhiim ah in la dhiso xarumo garsoor oo tayo leh iyo in la kordhiyo tababarada iyo tayada shaqaalaha amniga. Waddooyinka iyo Kaabayaasha: Waddooyin aan la dayactirin ayaa carqaladeeyay isku socodka bulshada, waxayna saameysay adeegyada dawladda, iyadoo loo baahan yahay dhismaha waddooyin cusub iyo xarumo cusub. Beeraha, Kalluunka, iyo Xoolaha: Gobollada Puntland, gaar ahaan Raascasayr, Bari, iyo Karkaar, waxay hodan ku yihiin wax-soosaarka dabiiciga ah ee beeraha, kalluunka, iyo xoolaha. Si kastaba ha noqotee, waxaa jira khataro ka dhalanaya xaalufka sharci-darada ah ee doonyaha kalluumaysiga iyo baahida maalgelinta beero waaweyn, sida beerta timirta ee Gobolka Raascasayr. Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda: Shaqaalaha gobolladan waxay wajahaan caqabado la xiriira mushaharka iyo xuquuqda shaqo, taasoo saameyn ku yeelatay bixinta adeegyada dadweynaha. Kormeerka Golaha Wakiillada Puntland wuxuu muujinayaa mas’uuliyadda xildhibaannada ee ku aaddan in ay si dhow ula socdaan xaaladaha gobollada Puntland, una dhaqaajiyaan dadaallada horumarinta adeegyada dadweynaha. Golaha ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan baahiyadan iyo caqabadaha jira, si dhammaan gobollada dalka u helaan adeegyo ku filan oo tayo leh. Shalay waxaa sidoo kale Golaha Wakiillada Puntland la hor keenay warbixintii kormeerka gobollada Hayland, Sanaag, Nugaal, iyo Mudug, halkaas oo ay xildhibaannadu ka soo uruuriyeen xog ku saabsan xaaladda adeegyada bulshada, caqabadaha ka jira, iyo baahiyaha dadka deegaannadaas. Warbixintaas ayaa muujisay in gobolladani ay la wadaagaan caqabadaha dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, garsoorka, iyo amniga, iyadoo ay Golaha ka go’an tahay in xal waara loo raadiyo arrimahaas.

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Read More »

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, Nofeembar 4, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa looga hadlay warbixinta kormeeradii ay Golaha Wakiilladu ku tageen gobollada Puntland intii u dhaxeysay labada Kalfadhi ee 54-aad iyo 55-aad. Warbixintan ayaa diiradda lagu saaray xog-ururin iyo xaqiijinta wada-shaqeynta lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah ee bulshada, iyadoo si gaar ah looga hadlay caqabadaha iyo baahiyaha ka jira gobollada ay booqdeen xildhibaanadu. Kormeerka Golaha Wakiillada ayaa kormeer ku tagay gobollada Hayland, Sanaag, Mudug, iyo Nugaal. Warbixinada gobollada Karkaar, Raascasayr, iyo Bari ayaa la soo jeedin doonaa berri, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kormeerkan waxaa lagu qiimeeyey xaaladda adeegyada muhiimka ah ee bulshada, sida waxbarashada, biyaha, caafimaadka, iyo nabadgelyada, iyadoo xogaha la helay ay ka tarjumayaan baahida loo qabo in adeegyadaasi la tayeyso. Arrimaha Bulshada Goluhu wuxuu muhiimad gaar ah siiyay arrimaha bulshada, gaar ahaan horumarinta waxbarashada, helitaanka biyo nadiif ah, tayeynta caafimaadka, iyo sugidda nabadgelyada. Arrimaha bulshada ayaa ah kuwo muhiim ah oo laf-dhabar u ah horumarinta nolosha shacabka, waxaana Golaha Wakiilladu ku adkeystay inay si dhow ula socdaan hirgelinta adeegyadaas. Arrimaha Garsoorka Golaha Wakiilladu waxay sidoo kale ka hadleen arrimaha garsoorka, iyagoo ka warbixiyey baahida loo qabo in la xoojiyo hufnaanta iyo dhexdhexaadnimada garsoorka si loo xaqiijiyo cadaalad ay ku kalsoon yihiin shacabka Puntland. Fadhiga ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero hay’adaha garsoorka, loona helo nidaam caddaalad ku dhisan oo awood u leh inuu wax ka qabto cabashooyinka shacabka. Arrimaha Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiilladu waxay mudnaan gaar ah siiyeen arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan horumarinta waddooyinka isku xira gobollada iyo dayactirka kaabayaasha kale ee muhiimka u ah isu-socodka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaa la isla gartay in baahi weyn loo qabo maalgelinta iyo daryeelka kaabayaasha si loo xoojiyo dhaqaalaha gudaha iyo ganacsiga Puntland. Waajibaadka Golaha Wakiillada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa fadhiga ku xaqiijiyey inay ka go’an tahay sii wadista la socodka iyo kormeerka adeegyada muhiimka ah, taas oo qayb ka ah waajibaadka loo doortay xildhibaanada Golaha Wakiillada. Masuuliyiinta Baarlamaanka Puntland waxay sii wadi doonaan howshooda ku aaddan daryeelka iyo dabagalka adeegyada bulshada, horumarinta garsoorka, iyo xaqiijinta in kaabayaasha dhaqaale ee gobolka si siman loo gaarsiiyo shacabka Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Nofeembar 3, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa ka soo qaybgalay 50 mudane, waxaana diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinno ay soo jeediyeen 5 ka mid ah guddiyada Golaha Wakiillada kuwaas oo dhawaan kormeerro ku sameeyey hay’adaha Dawladda iyo gobollada dalka. Guddiyadan oo warbixinnadooda si faahfaahsan ugu soo bandhigay waxqabadkooda iyo hawlaha ay qabteen ayaa kala ah: 1. Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah – Warbixinta guddigan waxay diiradda saartay kormeerka hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada dalka, iyagoo ku dhaqmay qodobada 64-aad (farqadiisa 6-aad), 62.9-aad, iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad. 2. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah – Guddigan wuxuu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada, iyagoo raacaya qodobka 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 62.2-aad iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. 3. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta – Warbixinta guddigan waxay ku salaysnayd kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii gobollada, sida uu dhigayo qodobka 64-aad (farqadiisa 6-aad) ee Dastuurka Puntland iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad. 4. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda – Guddigani wuxuu ku soo bandhigay warbixin amniga iyo nabadgelyada, isagoo ku salaynaya shaqadii uu qabtay iyo kormeeradii uu sameeyey si loo xoojiyo xasiloonida guud ee Puntland. 5. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabadka – Guddiga wuxuu soo gudbiyay warbixin ku saabsan hawlgallada la xiriira kormeerka maaliyadda iyo dhaqaalaha hay’adaha Dawladda iyo gobollada, isagoo ku dhaqmaya qodobada 63-aad, 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay labada kalfadhi. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, Nofeembar 2, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan, oo ay ka soo qaybgaleen 55 mudane, ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinno ay soo jeediyeen afar ka mid ah guddiyada Golaha Wakiillada, kuwaas oo dhawaan kormeerro ku sameeyey hay’adaha Dawladda iyo Gobollada dalka. Guddiyadda ayaa kala ah. 1. Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada 2. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada 3. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka,Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada 4. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Scroll to Top