Golaha Wakiillada

December 2024

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha.

Garoowe, Diseembar 05, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha. Fadhigan ayaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nidaamka Federaalka iyo tallaabadii sharci-darrada ahayd ee loo bedelay Dastuurkii 2012 ee heshiiska lagu ahaa. Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ku xadgudubtay Dastuurkii lagu heshiiyay, iyagoo tilmaamay in wax-ka-beddel lagu sameeyay si sharci-darro ah. Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Dastuurka 2012, isagoo sheegay in wax-ka-beddel aan loo dhammayn uu keeni karo khilaaf iyo kala qeybsanaan. Goluhu waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan ay dhaawici karaan nidaamka lagu heshiiyay. Si loo helo xal waara, Golaha Wakiillada ayaa go’aamiyay in doodda in talo soo jeedinta ku saabsan arrintan loo xil saaro Guddiga gaar ah oo ka soo talo bixiya arrimaha Federaalka dalka Soomaaliya, go’aanna ku soo celiya Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. -DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha. Read More »

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, December 02, 2024: Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa caawa si rasmi ah u furay kulan muhiim ah oo ay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland la yeesheen ururada bulshada rayidka ah ee ka hawlgala Puntland. Kulankan, oo ka dhacay Hotel Martisoor, ayaa si qoto dheer looga hadlay miisaaniyadda sannadka 2025 iyo sida loogu wajihi karo baahiyaha bulshada ee muhiimka ah. Guddoomiye ku xigeenka, 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise, oo ka hadlay kulanka, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in miisaaniyadda cusub ee 2025 ay si buuxda uga turjumeyso baahiyaha shacabka Puntland, iyadoo la tixgelinayo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo daryeelka bulshada. Waxa uu sidoo kale xusay in miisaaniyadda loo baahan yahay inay noqoto mid waafaqsan qorshayaasha horumarineed ee dalka, iyadoo si hufan loo maamulayo khayraadka iyo agabka Dawladda. Intii uu socday kulanka, Guddiga iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa si wadajir ah uga dooddayn sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo in miisaaniyadda loo qorsheeyo si ay uga jawaabto duruufaha gaarka ah ee bulshada, iyadoo la dhisayo nidaam maaliyadeed oo hufan oo waxtar leh. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la tixgeliyo talooyinka ururada bulshada si loo helo miisaaniyad waafaqsan baahiyaha shacabka. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallo hore oo ay Guddigu ku sameeyeen kulammo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo laga dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sida loo horumarin karo adeegyada bulshada iyo xoojinta maamul-wanaagga. Waxaa la rajeynayaa in kulamadan ay ka qayb qaataan dhisidda miisaaniyad waxtar leh oo ka turjumaysa rabitaanka iyo baahiyaha shacabka Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top