Golaha Wakiillada

January 2025

Fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, Janaayo 27, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, kaas oo looga hadlay amniga guud ee Puntland, hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland, iyo qodobo kale oo muhiim ah. Ugu horreyn, Guddiga ayaa boggaadiyey Ciidanka naftood hurayaasha ah ee Puntland ee ku mideysan hawlgalka Hillaac ee ka socda Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari, waxayna ciidamada ugu hambalyeeyeen guulaha isdaba-joogga ah iyo sida ay ugu guuleysteen argagixisadii ku dhuumaalaysanaysay Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Guddiga ayaa eebbe uga baryay in uu janadiisa geeyo dhammaan shuhadada ku shahiiday intii lagu jiray hawlgalkan, iyagoo u dagaalamayey difaaca dalka, dadka, iyo diinta, waxaana sidoo kale ay u rajaynayaan in Eebbe ku boggsiiya dhammaan kuwa ku dhaawacmay hawlgalkan. Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyey doorka ay shacabka Puntland qeybaha kala duwan uga muujiyeen taageerada ay u muujinayaan ciidamada geesiyaasha ah ee ku jira hawlgalkan, waxayna ku booriyey in shacabka iyo Qurba-joogta ay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka, muwaadin kastaana uu ka qeybqaato hawlgalkan isagoo ku taageeraya awoodiisa, sida xoog, xoolo, xeelad, iyo xog. Dhinaca kale, Guddiga ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolka Mudug, iyagoo ugu baaqay in colaadda la joojiyo, isla markaana lagu bedelo, nabad, walaalnimo iyo daris wanaag. Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale soo jeediyey in la mideeyo dedaallada nabadeed ee socda iyo in la fuliyo heshiisyadii hore ee la galay, si xal waara looga gaaro colaaddan muddada dheer socota. Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Xukuumadda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah u diray baaq ku saabsan in si degdeg ah taageero loo gaarsiiyo shacabka ay si gardarro ah uga soo barakiciyey Maamulka Soomaaliland degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada. Read More »

SHIR LOOGA HADLAY NAFAQADA IYO WAX-SOOSAARKA OO KA QABSOOMAY GOLAHA WAKIILLADA.

Garoowe, December 31, 2024 – Kulanka Isku-Duwidda ee La Xiriira Ka-Qaybgalka Baarlamaanka ee Dhaqdhaqaaqa Kor u Qaadista Nafaqada Puntland (SUN) ayaa maanta ka dhacay aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada, waxaana kasoo qaybgalay xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada. Shirku wuxuu xooga saaray doorka muhiimka ah ee Golaha Wakiillada ee dejinta siyaasadaha iyo sharciyada ka turjumaya baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira nafaqada iyo wax-soosaarka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo horumar waara. Guddoomiyaha Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Xildhibaan Axmed Bille Siciid, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada. Waxay sidoo kale sheegeen in Golaha Wakiillada uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato hirgelinta qorshayaasha dowladda ee la xiriira arrimahan. Ugu dambeyn, xubnaha guddiyada Golaha Wakiillada ayaa ballanqaaday inay taageeri doonaan dadaallada iyo juhdiga lagu horumarinayo nafaqada iyo wax-soosaarka gudaha, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sameynta sharciyo taageeraya horumarkan. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

SHIR LOOGA HADLAY NAFAQADA IYO WAX-SOOSAARKA OO KA QABSOOMAY GOLAHA WAKIILLADA. Read More »

Scroll to Top