Golaha Wakiillada

April 2025

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, April 28, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka siiyey guddiga joogtada ah safar uu ku tagey magaalada Nairobi, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera Baarlamaannada Kulamadaas oo ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad. Intaas kadib, madax-gudiyeedyada Golaha Wakiillada ayaa looga dhegeystey warbixinno ku saabsan waxqabadyada guddiyada ee la xiriira Bulshadda, Xuquuqada Aadanaha, Arrimaha Deegaanka, Nabadeynta, Amniga, Caddaaladda, dhaqaalaha iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan. Intii kulanku uu socdey waxaa lagu soo bandhigay xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan kuwasoo u bahaan in la dhammaystiro ka hor fadhiga bisha Juun, 2025, iyadoo latashi lagala samaynayo daneeyayasha kala duwan ee xeerarka, waxayna ka yihiin 1. Hindise-Xeereedka Maamulka Dakhliga Dawladda Puntland. 2. Hindise-Xeereedka Bangiga Dawladda iyo Hay’adaha Maaliyadda Puntland. 3. Wax-ka-baddelka xeerka Tayo dhawrka Badeecadaha. 4. Wax-ka-baddelka Xeerka Xabsiyada Puntland. 5. Wax-ka-baddelka Xeerka Hab-maamuuska Dawladda Puntland. Dhinaca kale, waxaa guddiga joogtada ah lala wadaagay xeerarka goluhu go’aamiyey in wax-ka-baddel lagu sameeyo ee loo gudbiyey hay’adaha ay khuseeyaan, kuwasoo u baahan in guddiyadu dabagal ku sameeyaan, meesha ay marayaan iyo shaqada laga qabtey. Ugu dambayn, waxaa guddigu ka doodey go’aanna ka gaarey qorshaha kormeerka gobollada iyo degmooyinka Puntland iyo u diyaargarowga kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada iyo sidii guddiyadu ay doorkooda uga qaadan lahaaweeyn. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa daah furay shirka bahda caddaaladda puntland.

Boosaaso, Abriil 28, 2025 –Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, ayaa si rasmi ah u daah furay shir ballaaran oo lagu mideynayay Bahda Caddaaladda Puntland iyo hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka howlgala gobolka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha garsoorka, amniga iyo caddaaladda Puntland, oo ay ka mid yihiin maxkamadaha, Maxkamadda Ciidamada, Booliska, Asluubta, culimada, garsoorka dhaqameed, iyo madaxda maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in kor loo qaado iskaashiga hay’adaha caddaaladda, la dardargeliyo adeegyada garsoorka ee degmooyinka gobolka, lana xoojiyo kalsoonida iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa dowladda Puntland iyo bulshada rayidka ah. Mudane Guddoomiye Maxamed Baarri Shire ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay kobcinta adeegyada caddaaladda, isla markaana uu wax weyn ka tarayo adkeynta nidaamka garsoorka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ka go’an tahay in la helo nidaam caddaaladeed oo hufan oo ku dhisan cadaalad iyo daahfurnaan. – DHAMMAAD

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa daah furay shirka bahda caddaaladda puntland. Read More »

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO KA QAYB GALAY FURITAANKA SHIRWEYNAHA MAALGASHIGA CAAFIMAADKA PUNTLAND.

Garoowe, 21 April 2025: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta ka qayb galay shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Furitaanka Shirka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka DPL, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha madaxa bannaan, Khuburo ka socota bahda caafimaadka, qeybo ka mid ah Maamulada Degmooyinka Puntland, Hay’adaha caalamiga ah ee taageera dhanka caafimaadka, ururada bulshada iyo marti sharaf kale. Sida ku cad qodobka 33-aad ee Dastuurka, Dowladda Puntland waxaa mas’uuliyad ka saran tahay in ay daryeesho caafimaadka guud ee dadweynaha gaar ahaan carruurta iyo haweenka, iyadoo Dastuurku uu ogolyahay furashada rugo caafimaad iyo cusbitaalo, waxaana ka kormeeraya xukuumadda, iyadoo shirkani uu ku soo beegmay xilligii loo baahnaa in dib loo eego guulaha la gaarey iyo caqabadaha jira ee ku geedaaman adeegga caafimaadka. Golaha Wakiillada waxaa shirka ku metelayey, isla markaasna qeyb ka ah Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakillada, Xasan Yuusuf Majabe- Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Ee Golaha Wakillada DPL iyo Cabdirisaaq Xiddig Warsame -Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakillada DPL, waxayna xildhibaanada oo hadal ka jeediyey kulank ay si weyn u soo dhaweeyeen shirweynaha maalgashiga Caafimaad, iyadoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay door muhiim ah ka qaatay dhaqangelinta go’aamada ka soo baxa shirka. Golaha Wakiillada wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, isla markaasna jaban, iyagoo soo saaray xeerar lagu nidaanimayo arrimaha caafimaadka iyo dhiirigelinta maalgashiga. Dhan kale, isagoo ka duulaya cabashada dadweynaha waxaa qorshaysan in dib u habeyn lagu sameeyo xeerarka hadda jira oo qaarkood aysan la jaanqaadi Karin waqtigan, lana sameeyo xeerar cusub iyo kaabista kuwii jiray. Sidoo kale, waxaa qorshaysan in kor loo qaado qoondada miisaaniyadeed ee caafimaadka si adeegga caafimaad loo gaarsiiyo dadweynaha, xalnal loogu helo daboolidda caafimaad ee jirta. Shirka oo socon doona muddo laba beri waxay xubnaha Baarlamaanku ka qeyb gelin doonaan doodaha iyo aragti wadaagga maalgashiga Caafimaadka. -DHAMMAAD- Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda.

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO KA QAYB GALAY FURITAANKA SHIRWEYNAHA MAALGASHIGA CAAFIMAADKA PUNTLAND. Read More »

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha wakiillada Dawlada puntland.

Garoowe, April 03, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta oo ka qabsoomay hoolka shirarka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada ee magaalada Garoowe, waxaa ugu horeyn looga hadlay xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno taabanaya xaaladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada ee Puntland, dabagalka iyo fulinta go’aannadii goluhu meel mariyey kalfadhigii 55-aad looga dhegeystay madax-guddiyeedyada Guddiga Joogtada ah. Intii lagu guda jirey kulanka waxaa warbixin looga dhegeystay guddiga gaarka ah ee Guddoonka Golaha Wakiilladu u xil-saaray qeyb ka noqoshada xal u helidda shaqaaqadii ka dhacay Dureera ee Gobolka Sanaag, iyadoo warbixintooda diirradda ku saaray wixii u qabsoomay muddaddii ay ku sugnaayeen deegaanka Damalaxagare iyo Shimbiraale, iyagoo kulamo la qaatay Isimada dhaqanka, Nabadoonnada, waxgaradka, qeybaha bulshada iyo ciidanka Amniga sugaya ee deegaanka ku sugan. Guddiga gaarka ah ayaa xubnaha guddiga joogtada ah la wadaagey baahiyaha ka jira deegaankaas iyo sidii wax looga qaban lahaa. Guddiga Joogtada ah ayaa baaq ka direy wax ka qabashada abaaraha, taasoo si weyn u saameeyay dad iyo duunyaba, maadaama xilli roobaadkii uusan weli di’in. Guddigu waxay ugu baaqeen hay’adaha dowliga ah ee ay khusayso iyo hay’adaha samafalka in ay doorkooda ka qaataan wax ka qabashada arrintan, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaaraha isla markaana loo gargaaro dadka ay saameeyeen. Dhinaca kale, si loo dar-dargeliyo shaqada Golaha Wakiillada, waxaa fadhiga lagu soo bandhigey qorshayaasha hortabinta leh ee guddiyada goluhu ka shaqeyn doonaan, kaasoo la xiriira dhammaystirka xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan. Ugu dambeyntii, waxay Guddiga Joogtada ahi baaq nabadeed ka direen colaadda ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah, guddigu waxay ugu baaqayaan Isimida Dhaqanka, Cullimada, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo hay’adaha dawladdda in ay dawrkooda ka qaataan sidii xal waara looga gaarilahaa colaaddan soo noq-noqatay. –DHAMMAAD — Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha wakiillada Dawlada puntland. Read More »

Scroll to Top