Golaha Wakiillada

May 2025

Golaha Wakiiladda Dawladda iyo Dadweynaha Degmada Boosaaso.

Boosaaso, 27 May 2025 —Qaybta 1-aad Sawirad: Kulanka Golaha Wakiiladda Dawladda iyo Dadweynaha Degmada Boosaaso. Guddiga Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee gobolka. Kulankan oo ka dhacay magaalada Boosasso waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Bari, Gudoomiye ku xigeenka degmada Boosasso, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay. Dhinaca kale, waxaa laga soo jeediyey waxqabadka Golaha Wakillada ee ku aaddan Xeer-dejinta, Korjoogteynta Hay’adaha dawlaha iyo Matelaadda Kulamada wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha. DHAMMAAD .

Golaha Wakiiladda Dawladda iyo Dadweynaha Degmada Boosaaso. Read More »

Guddiga Golaha Wakiilada Dowlada Puntland.

Gaalkacyo, 26 May 2025 -Guddiga Golaha Wakiilada Dowlada Puntland ee safarka Shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Amniga Gobolka Mudug. Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga Nabadgelyada Gobolka, taasoo la xiriirta xaalada Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Xildhibaannadu ay su’aalo ay ka weydiiyeen Mas’uuliyiinta arrimaha ay ka hadleen. Shirka ayaa waxaa Xildhibaannada kala ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Maxakmadda Racfaanka, ku-simaha Duqa Gaalkacyo, Taliyaha Xabsiga dhexe iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Mudug. DHAMMAAD

Guddiga Golaha Wakiilada Dowlada Puntland. Read More »

Profile: Ibrahim Mahmoud Yusuf – Director of Media and Public Awareness, Puntland House of Representatives

Ibrahim Mahmoud Yusuf is one of the prominent figures in Somali media and currently serves as the Director of Media and Public Awareness at the Puntland House of Representatives. He is a seasoned journalist with nearly 15 years of experience in the field, having played a vital role in media development and public awareness across Somalia. Media ExperienceIbrahim began his journalism career in late 2011, working with various radio stations, television networks, and media organizations. He has specialized in news reporting, editing, and designing public awareness programs. Over the years, he has closely collaborated with government institutions, civil society organizations, and media stakeholders both locally and internationally. Governmental ExperienceIbrahim has held several important positions within government institutions, gaining extensive experience in public service: EducationIbrahim holds a Master’s Degree in Public Administration from Lincoln College University in Malaysia. His academic background has greatly contributed to his effective leadership and communication in both governmental and media sectors. ConclusionIbrahim Mahmoud Yusuf is a committed, knowledgeable, and experienced professional who has made a significant impact in strengthening democratic governance and media development in Puntland. His continued efforts to improve transparency and civic engagement through media make him a valuable asset to the Puntland Parliament and the wider Somali community.

Profile: Ibrahim Mahmoud Yusuf – Director of Media and Public Awareness, Puntland House of Representatives Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee gobolka Mudug.

Gaalkacyo, 24 May 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee gobolka. Kulankan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, maamulka degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha. DHAMMAAD –

Guddiga Golaha Wakiillada ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee gobolka Mudug. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safar shaqo ku tagay Gobolka Sanaag.

Badhan, 24-ka Maajo 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safar shaqo ku tagay Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Badhan, ayaa ka qaybgalay furitaanka Imtixaanka Shaadiga ah ee Fasalada 8-aad iyo 12-aad ee Dawladda Puntland. Xildh Axmed Bille Siciid Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee degmada Badhan, guud ahaan Puntland Ayuu ka socdaa Imtixaanku,waxaana ugu dambayn loo rajeeyey arydaydu in ay guulaystaan si habsami lehna ugu soo dhammaado. Dhinaca kale, guddigii safarka ugu baxay Degmada Badhan ayaa booqasho ku tagey Jaamacadda Ummadda Soomalaiyeed faraca Degmada Badhan Puntland, iyadoo halkaas uu kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda isagoo uga warbixiyey xaalada guud ee Jaamacadda. *DHAMMAAD*

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safar shaqo ku tagay Gobolka Sanaag. Read More »

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Qardho, 24-ka Maajo 2025 — Xildhibaan Cabdiqaadir Xasan Siciid(Daadir), Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Qardho Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025. Furitaanka imtixaanka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada, maamulka degmada Qardho, macallimiin iyo kormeerayaal. Xildhibaanku wuxuu ardayda ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan dadaal, adkaysi iyo kalsooni, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar. Imtixaankan ayaa waxa uu si isku mid ah uga socdaa guud ahaan Puntland, waxaana ardayda u fadhiisanaysa ay ka kala socdaan dugsiyada dhexe iyo sare. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug.

Gaalkacyo, 24-ka Maajo 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Gaalkacyo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025. Guddigu wuxuu si toos ah ugu qeybiyey ardayda imtixaanka u fariisaneysa qalabka imtixaanka, isagoo dhiirrigelin u muujiyey dadaalkooda. Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, saraakiil ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, macallimiin iyo kormeerayaal. Ardayda imtixaanka u bilowday waxay ka kala socdaan dugsiyada dhexe iyo sare ee gobolka. Xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa ardayda kula hadlay goob fagaare ah, iyagoo u rajeeyey guul iyo fudayd imtixaanka, kuna dhiirrigeliyey inay muujiyaan dedaal iyo karti si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug. Read More »

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Garoowe, 14-ka Maajo 2025 — Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray , wax-ka-beddelka Xeerka Tayodhawrka Badeecadaha Puntland, iyadoo Guddigu uu ka duulayo waajibaadyada shaqo ee uu u xilsaaran yahay. Intii uu socday kulanka, Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda weydiiyey su’aalo la xiriira wax-ka-beddelka Xeerka Tayodhawrka Badeecadaha Puntland, si loo hubiyo in xeerkaasi uu waafaqsan yahay baahiyaha ganacsiga iyo ilaalinta tayada badeecadaha. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa dhankooda faahfaahin ka bixiyey dhammaan su’aalihii la weydiiyey, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la helo xeerar casri ah oo kor u qaada tayada badeecadaha Puntland. Kulamadan ayaa qayb ka ah dardargelinta xeerarka kala duwan ee horyaala Golaha, si loogu diyaariyo in la horgeeyo fadhiyada soo socda ee Golaha Wakiillada. -DHAMMAAD-

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

Fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, Maajo 12, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa warbixinta looga dhegeystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiilada, tasoo ku aaddan xaaladda Guud ee Puntland sida Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda. Dhinaca kale, fadhiga maanta waxaa looga doodey xal u helidda biyo saarista magaalada Gaalkacayo, iyadoo la isla qaatay in looyeero hay’adaha ku shaqada leh si wax looga weydiiyo caqabadaha hortaagan biyo saarista magaalada Gaalkacayo arrintaasoo cabashadeedu ku soo noq noqotay Golaha Wakiillada DPL. Intaas kadib, waxaa warbixin hordhac ah looga dhegeystey guddi gaar ah oo fadhigii hore guddiga joogtada ahi u xilsaaray kormeerka Xabsiyada iyo la socda xaaladda maxaabiista, kuwaasoo kormeer ku tagey Xabsiga dhexe ee Gobolka Nugaal. Ugu dambayn fadhiga maanta waxaa dood iyo falanqeyn guddigu ka yeeshay u diyaargarowga kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada iyo abaabulka kulamo bulsho oo kor loogu qaado ka qaybgalka bulshada hawlaha Baarlamaanka iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dadweynaha Puntland iyo Golaha Wakiiillada. DHAMMAAD –

Fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Isku-shuban – 11ka Maajo 2025: Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Waftigan oo qeyb ka ahaayeen Xildhibaannada oo kala ahaa; Bashiir Mire Axmed, Maxamed Salaad Cabdi Iyo Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud ayaa jeedka safarkoodu daarranaa kormeer iyo xog-ururin ku saabsan xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan arrimaha amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarka ka socda deegaanka. Weftiga ayaa kulammo la qaatay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo dhegeystay talooyin iyo cabashooyin la xiriira baahiyaha deegaanka. Sidoo kale, weftigu waxa ay booqdeen mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey degmada, kuwaas oo ay fuliyeen Wasaaradaha Caafimaadka iyo Beeraha Dowladda Puntland. Xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka ayaa door mug leh ka qaatay hirgelinta iyo kormeerka mashruucyadan, iyagoo ku dadaalayay in la xaqiijiyo in adeegyadaas si hufan uga faa’iideystaan shacabka degmada. DHAMMAAD –

Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Read More »

Scroll to Top