Golaha Wakiillada

May 2025

Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada.

Garowe – 10-ka Maajo 2025 – Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda. Guddiyadan oo ka duulaya Waajibaadyada shaqo ee ay u xilsaaran yihiin ayaa soo qaban-qaabiyey kulanka oo ujeedadiisu ahayd dabagalka Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose kaas oo cabasho ka timi dadweynaha ka dib Golaha Wakiilladu go’aamiyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo. Ugu horeyn, waxaa Wasaaradaha sare ku xusan laga dhagaystay warbixino la xiriira dhaqangalka iyo caqabadaha ka jira Xeerka Mideynta Cashuuraha Dawladaha hoose, waxayna guddiyadu wax ka waydiiyeen cabashooyin ka yimi dadweynaha oo la xiriira noocyada iyo qiimaha cashuuraha dawladaha hoose qaadaan. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla qaatay in Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyaddu ay guddi farsamo u saaraan wax ka bedelka iyo kaabista Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose ee Puntland iyadoo la fulinayo go’aanka Golaha Wakiillada isla markaasna laga jawaabayo cabashooyinka ka iminaya dadweynaha, lana horkeeno Golaha Wakiillada ka hor Kalfadhiga Oktoobar, 2025. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee ku aaddan la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha fulinta, si loo xaqiijiyo in adeegyada dowladda ay gaaraan shacabka Puntland si waafaqsan sharciga dalka. DHAMMAAD –

Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada. Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Garoowe, 7-da Maajo 2025 – Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Qareennada Haweenka Puntland (PUWLA). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada sharci ee la xiriira xuquuqda haweenka iyo dadka kaalmada sharci. Intii uu socday kulanka, PUWLA ayaa Guddiga uga warbixisay shaqooyinka ay qabtaan, oo ay ka mid yihiin Bixinta adeegyo sharci oo bilaash ah oo loogu talagalay haweenka, carruurta, caqabadaha jira iyo qorshahooda shaqo. Guddiga Shuruucda ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay la shaqeynta PUWLA, iyagoo ballanqaaday in xiriir joogto ah la yeelan doonaan ururka si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda. DHAMMAAD –

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda ee loo xilsaaray u kuurgelidda xaaladda maxaabiista ayaa maanta booqasho shaqo ku tegey Xabsiga Dhexe ee Garoowe.

Garoowe, 6-da Maajo 2025* – Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee loo xilsaaray u kuurgelidda xaaladda maxaabiista ayaa maanta booqasho shaqo ku tegey Xabsiga Dhexe ee Garoowe. Xubnaha Guddiga ayaa kulan la yeeshay saraakiisha xabsiga iyo qaar ka mid ah maxaabiista, iyagoo ka xog-wareystay xaaladahooda nololeed, adeegyada ay helaan, iyo tabashooyinka ay qabaan. Xildhibaannada kormeerka sameeyay ayaa kala ahaa Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, iyo Xildhibaan Mowliid Abokor Caafi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Labada Xildhibaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo horumarinta adeegyada ka jira xabsiga. DHAMMAAD –

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda ee loo xilsaaray u kuurgelidda xaaladda maxaabiista ayaa maanta booqasho shaqo ku tegey Xabsiga Dhexe ee Garoowe. Read More »

Fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah

Garoowe, Maajo 05, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa dulmar guud lagu sameeyey qodobadii looga hadlay fadhigii hore ee guddiga joogtada wixii ka qabsoomay iyo tallaabooyinka la qaaday, intaas kadib waxaa Madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada looga dhegaystay warbixinno la xiriira, Dhaqaalaha, Amniga, Cadaaladdda, Mashaariicda, Xuquuqada Aadanaha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, si waafaqsan Dastuurka & Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Dhinaca kale, iyadoo laga duulayo xog ogaal u noqoshada xaaladda Xabsiyada iyo Maxaabiista, waxaa Guddiga Joogtada ahi magacaabeen guddi gaar ah oo u kuurgala xaaladda Xasbiyada iyo Maxaabiista, iyagoo warbixintooda la soo wadaagi doona Guddiga Joogtada ah. Ugu dambayn, waxaa Guddigu dood ka yeeshay qorshayaasha hortebinta leh ee Golaha, iyadoo isla qaatay dardar-dargelinta shaqada guddiyadu ay gacanta ku hayaan. -DHAMMAAD

Fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah Read More »

Scroll to Top