Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.
Garoowe, 30 June 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗮𝗹𝗹𝘂𝘂𝗺𝗮𝘆𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗞𝗵𝗮𝘆𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮 iyo 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐝𝐚,𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 Dowladda Puntland. Wasiirrada, Agaasimayaasha, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin. DHAMMAAD –
Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »









