Golaha Wakiillada

August 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo kutegey Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo garoonka kubadda cagta shuhadada ee Boosaaso .

Boosaaso | 26 August 2025 โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—น๐—น๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ & ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ iyo ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐˜‚๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ee magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa xarunta Wasaaradda si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, masuuliyiin iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda, Waxaa halkaas lagaga dhageystay warbixin ku saabsan howlaha iyo qorshayaasha horumarineed ee wasaaraddu wado. Sidoo kale, waxay kormeer ku tageen Garoonka Shuhadada oo maraya marxalad gebogebo ah, halkaas oo ay warbixin kaga dhegaysteen Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Bari, bahda ciyaaraha iyo injineerada gacanta ku haya dhismaha garoonka. DHAMMAAD โ€“

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo kutegey Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo garoonka kubadda cagta shuhadada ee Boosaaso . Read More ยป

Dufcadda 8-aad ee ciidamada Booliska Puntland oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qeyb galay munaasabadda xiritaanka ๐——๐˜‚๐—ณ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿด-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda, isimada dhaqanka Puntland, saraakiisha ciidamada kala duwan, iyo ciidamada tababarka loo xirayey. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa ciidamada ku hambalyeeyay dhamaystirka tababarka, isaga oo ku booriyay inay si daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka, u ilaaliyaan amniga, kuna dhaqmaan anshaxa iyo shuruucda ciidanka. DHAMMAAD โ€“

Dufcadda 8-aad ee ciidamada Booliska Puntland oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo. Read More ยป

Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo.

Galkacayo, 01, August,2025 Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo Markii Labaad ka Qayb Galay Shirka Horumarinta Gobolka Mudug Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maalintii labaad si rasmi ah uga qayb galay shirka horumarinta gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo. Xildhibaan Cabdiwali Indhoceel iyo Xildhibaan Mowliid Abkey ayaa hadallo dhiirrigelin iyo taageero leh ka jeediyey goobta shirka, iyagoo sheegay in ay, iyaga oo matalaya Golaha Wakiillada, si buuxda u garab taagan yihiin dadaallada horumarineed ee ka socda gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo. Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka ayaa ballan qaaday in ay mushaharkooda bil walba qeyb ka mid ah u goyn doonaan sidii gobolka Mudug uu u noqon lahaa mid horumar ballaaran ku tallaabsada. Tani waxay tusaale u tahay hoggaan dhab ah oo ka goโ€™an in ay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka. Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay bulshada gobolka iyo madaxda deegaanka ku doonayaan in lagu horumariyo adeegyada bulshada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta midnimada shacabka Mudug. DHAMMAAD โ€“

Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo. Read More ยป

Scroll to Top