Nairobi, 15 September 2025Mudane Hanad Ali Jama oo ka Qaybgalay Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Warbaahinta iyo Xirfadaha Warfaafinta Dawladda Madaxa Waaxda Production-ka ee Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hanad Ali Jama, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo looga hadlayay horumarinta iskaashiga warbaahinta iyo xoojinta xirfadaha warfaafinta dowladaha. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday hayโado dowladeed, khubaro caalami ah, iyo wakiillo ka socda ururo kala duwan oo taageera horumarinta warbaahinta iyo adeegyada bulshada. Ujeedada shirka ayaa ahayd in la isdhaafsado waayo-aragnimooyin, la xoojiyo xirfadaha warbaahinta dowladaha, isla markaana la abuuro fursado iskaashi oo waxtar leh oo dhexmara hayโadaha goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah. Intii uu socday shirka, Mudane Hanad Ali Jama ayaa ka hadlay guulaha Puntland ay ka gaartay horumarinta warfaafinta dawladda, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta isgaarsiinta, tababarrada joogtada ah ee shaqaalaha warbaahinta, iyo adeegyada casriga ah ee bulshada loo fidiyo. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee hayโadaha warbaahinta, si loo gaaro adeeg warbaahineed oo hufan, la isku halleyn karo, laguna kalsoonaan karo. Mudane Hanad Ali Jama ayaa intaa ku daray in Puntland ay si firfircoon uga qayb qaadato barnaamijyada tababarka iyo horumarinta xirfadaha warbaahinta ee heer gobol iyo caalami, taas oo ka caawineysa in warbaahinta dawladdu ay noqoto mid casri ah, hufan, oo bulshada si daahfuran ugu adeega. Shirka ayaa lagu soo gebogabeeyey is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga warbaahinta goboleedyada iyo hayโadaha caalamiga ah ee taageera xirfadlayaasha warbaahinta. Waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarka, la kordhiyo fursadaha wada-shaqeynta, laguna dhiirrigeliyo adeegyada warbaahineed ee tayada leh, si bulshada loogu fidiyo warbixin hufan oo sax ah. Ka qaybgalka Mudane Hanad Ali Jama ee shirka noocan oo kale ah waxa uu muujinayaa sida Puntland ay uga goโan tahay horumarinta warbaahinta dawladnimo, xoojinta hufnaanta isgaarsiinta, iyo ka shaqeynta iskaashi waxtar leh oo goboleed iyo caalami ah.