Golaha Wakiillada

December 2025

Fadhiga23-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakillada

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ– ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mohamed Mahamud Esse – Awoowe, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ‘-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa Ka doodista Arrimaha Tahriibta iyo dhibaatada daroogada. Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday saameynta taban ee tahriibka iyo isticmaalka maandooriyaha, iyagoo muujiyey baahida loo qabo qorshayaal lagu xakameeyo arrimahan halista ah. Intaas ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u xilsaaray guddi gaar ah oo ka kooban Guddiyada Golaha, si ay uga soo talo bixiyaan arrimahan, uguna soo diyaariyaan warbixin dhammeystiran iyo talooyin wax-ku-ool ah ugu soo gudbiyaan Guddiga joogta ee Golaha. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xiray Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga23-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakillada Read More ยป

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ• ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mohamed Mahamud Esse – Awoowe, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa: U qareemidda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin waayeelka, agoomaha, iyo dadka naafada ah ee Puntland. Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaas iyo sida ugu habboon ee dowladdu uga jawaabi karto baahiyahooda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in loo helo siyaasad, miisaaniyad iyo adeegyo waara oo la xiriira arrimaha bulshada. Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa arrintaas u xilsaaray ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐š, ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š iyo xildhibaanno kale oo lagu daray, si ay u soo diyaariyaan warbixin dhammeystiran iyo talooyin lagaga jawaabayo baahiyaha dadka nugul ee Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More ยป

Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, 6 ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga oo ahaa u yeeridda Golaha Garsoorka Puntland ayaa qaar kamid ah xildhibannada Golaha Wakiilladu ay soo jeediyeen in dib loo celiyo la xisaabtanka Garsoorka, maadama ay kala maqan yihiin Guddiga Maamulka Sare ee Garsoorka, waxayna xildhibaannada Goluhu soo jeediyeen in garsoorka oo dhammaystiran ay golaha horyimaadaan. Intaas kadib, waxaa cod loo qaatay soojeedinta xildhibaannada, waxaana ugu codeeyey in dib loo celiyo garsoorka ๐Ÿ๐Ÿ— Mudane, halka ๐Ÿ— Mudane ay u codeeyeen in Ajandaha la siiwado, Guddoonka Goluhu ma coddayn, waxaana ka Aaamusay ๐Ÿ’ Mudane. DHAMMAAD

Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Read More ยป

Ansixinta degmooyinka Ceel-buh iyo Baraagaha-Qol

Garoowe, 4 December 2025 โ€“ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ-๐›๐ฎ๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐š๐ ๐š๐ก๐š-๐๐จ๐ฅ,Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 Mudane, cid diiday ma jirto, halka ay aysan jirin cid ka aamustay ma jirto. Degmooyinkaas oo ku kala yaalla gobollada Sanaag iyo Haylaan. Ansixintan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ee ku aaddan ballaarinta adeegyada dowladda hoose iyo xoojinta maamulka iyo adeeg bixinta ee gobolladaas.

Ansixinta degmooyinka Ceel-buh iyo Baraagaha-Qol Read More ยป

Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 57-aad

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ’ ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shireiyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha Fadhigan ayaa ahaa Ka Shaqaynta Miisaaniyad Sanadeedka 2026. Ugu horayn,๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐๐ค๐š ee Golaha Wakiillada ayaa Warbixintooda la wadaagay Golaha. Intaas kadib,Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga ๐๐จ๐จ๐๐ay Qabyo qoraalka Miisaaniyada Sanad maaiyeedka 2026. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Qabyo qoraalka Miisaaniyada Sanad maaiyeedka 2026 Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 Mudane, waxa diiday 1 Mudane, halka ay ka aamuseen 1 Mudane. DHAMMAAD

Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 57-aad Read More ยป

Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, 1 December 2025 โ€“ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ayaa maanta kulan la-tashi ah la qaatay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Dowladda ee ka shaqeeya dakhli ururinta, iyadoo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Xasan Yusuuf Majabe. Kulankan ayaa qayb ka ah howlaha diyaarinta Qabyo-Qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, waxaana diiradda lagu saaray wadatashiga la xiriira dakhliga dowladda, habraacyada ururintiisa, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu kordhin karo dakhliga sanadka soo socda. Masโ€™uuliyiintii ka socday wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dowladda ayaa guddiga la wadaagay warbixino iyo talooyin ku saabsan dakhli ururinta dawladda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Guddiga ayaa dhankiisa suโ€™aalo muhiim ah ka weydiiyey hayโ€™adaha, kuwaasoo ku saabsanaa qiyaasta dakhliga 2026, wada-shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda, iyo talooyinka lagu horumarin karo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka dakhli ururinta. Ugu dambayn, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa uga mahadceliyey masโ€™uuliyiinta sida ay uga soo qayb galeen kulanka, kuna bogaadiyey doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan diyaarinta miisaaniyadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha dowladda. DHAMMAAD

Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Puntland Read More ยป

Scroll to Top