Garoowe, January 15, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta oo ka qabsoomay hoolka shirarka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu warbixin guud ka siiyey guddiga xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka, iyo doorka Puntland ku leedahay. Intaas kaddib, Guddiga Joogtada ah ayaa dood dheer ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo tan gobolkaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu warbixin ka dhegeystay Madax-gudiyeedyada Golaha, taasoo la xiriirtay xaaladda guud ee dalka, Amniga, siyaasadda, abaaraha ka jira deegaannada Puntland, iyo doorka Golaha Wakiillada ee la socodka iyo u qareemidda dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay. Waxaa kale oo looga hadlay kulanka cabashooyinka ay Golaha u soo gudbiyeen Nootaayooyinka Dadweynaha ee ka hawlgala caasimadda Puntland. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, oo wakiil ka ah Goleweynaha iyo shacabka Puntland, wuxuu hoosta ka xariiqayaa in xuduudaha Puntland ee ku cad Qodobka 7-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland ay yihiin lama taabtaan, lagumana xadgubi karo, lamana kala qaybin karo, isla markaana aan faragelin gudaha ah iyo mid dibadeed toona lagu samayn karin. Guddigu wuxuu qirayaa in Dowladda Puntland ay mar walba u taagnayd dhisidda iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed una tagnaan doonto ,hase yeeshee, Guddigu wuxuu caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee loo idmaday ilaalinta midnimada ummadda, ay gabtay kaalinteedii ku aaddanayd adkaynta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxyaabaha dhacayana ay iyadu mas’uul ka tahay, kaddib markii ay ku mashquushay kala qaybinta, isku dirka, cunaqabataynta iyo cadaadinta lagu hayo dadka Soomaaliyeed. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, isagoo ka duulaya danaha uu u dhaartay ee dadka reer Puntland, isla markaana tix-gelinaya xiriirka ganacsi ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo taageerada mugga leh ee ay Imaaraadku siiyeen Puntland gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarka, iyo la dagaallanka Daacish iyo Al-Shabaab, wuxuu Guddigu si buuxda u taageerayaa war-saxaafadeedkii Xukuumadda Puntland ee soo baxay 12/01/2026. Sidoo kale, Guddigu wuxuu uga mahadcelinayaa Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland. Iyadoo laga duulayo cabashooyinka ay soo gudbiyeen Nootaayooyinka Dadweynaha, Guddiga Joogtada ahi wuxuu u xilsaaray Guddiga Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka si ay baaritaan iyo talo-bixin uga soo diyaariyaan. Sidoo kale, iyadoo la eegayo xaaladda abaaraha, Guddiga Joogtada ah wuxuu u xilsaaray qaar ka mid ah guddiyada inay keenaan warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda abaaraha iyo jawaabaha ay bixiyeen hay’adaha dowladda. Arrintan waxaa si gaar ah loogu xilsaaray Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, iyo Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah. Dhinaca kale, Guddiga Joogtada ah wuxuu isla qaatay in la dardar-geliyo qorshayaasha mudnaanta u leh Guddiyada Golaha Wakiillada, lana xoojiyo dabagalka iyo fulinta xeerarkii Goluhu ansixiyey Kalfadhigii 57-aad ee Golaha Wakiillada. Ugu dambayntii, Guddiga Joogtada ah wuxuu shacabka Puntland ugu baaqayaa inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda, isla markaana ay si midaysan uga hortagaan cid kasta oo lid ku ah jiritaankooda. Sidoo kale, wuxuu hay’adaha amniga farayaa inay adkeeyaan sugidda Amniga gudaha iyo ilaalinta xuduudaha Puntland. DHAMMAAD