Guddoomiyaha ku-xigeenka 2-aad, iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha golaha ayaa soo dhoweeyey Xildhibaanada Puntland ku metela federaalka Soomaliya.
Garowe, 5 Mar 2026- Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Mahamud Esse iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha ayaa maanta soo dhoweeyey Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland, ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, masuuliyiin kala duwan iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada Puntland. Kulankan soo dhoweynta ah ayaa muujinayey midnimoiyo is garab istaag wakiillada shacabka Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. DHAMMAAD


